Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Ra’iisulwasaare Kheyre “Qabyaaladda iyo Qaranka dumay waxaa aasaas ka ah musuq-maasuqa” (Daawo)
    Puntland

    Ra’iisulwasaare Kheyre “Qabyaaladda iyo Qaranka dumay waxaa aasaas ka ah musuq-maasuqa” (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 21, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo maanta soo xiray shir waynaha soo bandhigidda iyo xaqiijinta hannaanka dhab-u-heshiinta qaran, ayaa ku baaqay in dadka Soomaaliyeed ay u midoobaan dawlad wanaagga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa.

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo wasaaradda arrimaha gudaha uga mahadceliyay dhamaystirka hannaanka dhab-u-heshiinta qaranka, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay is-waydiiyaan waxa keenay khilaafka bulshada dhan saameeyay, si looga fikiro in dadka Soomaaliyeed ay dib-u-midoobaan, isaga oo hoosta ka xariiqay in isku-duubnida qaybaha kala duwan ee bulshada ay muhiim u tahay hagaajinta dawladnimada, soo celinta sharafta iyo karaamada umadda iyo dib-u-dhiska dalka.

    “Qabyaaladda iyo qaranka dumay waxaa aasaas ka ah musuq-maasuqa oo meel walba aaba iyo hooyo u ah. Kulligeen aan u midowno in aan musuq-maasuqa la dagaalno. Dawladnimada Soomaaliyeed oo isu keeni lahayd umadda Soomaaliyeed, soo celin lahayd karaamadeenna, soo dedejin lahayd dib-u-heshiisiinta, aan u midawno, dhexda u xiranno dhibbay rabtaaye aan ka wada shaqayno”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

    Shir-waynaha ayaa lagu soo bandhigay ujeeddada guud ee hannaanka dhab-u-heshiinta qaran oo noqonaya habraac la isku raacsanyahay oo gun-dhig iyo hage u noqda dhab-u-heshiin qaran, taas oo dadka Soomaaliyeed ka bogsiinaysa ayna uga gudbayaan dhibkii dhex maray, soona celinaysa is-aaminaaddii, waddaniyaddii iyo wanaaggii, xoojinaysana kalsoonida ay ku qabaan dowladnimada, isla markaana u horseedaysa horumar iyo soo-kabasho bulsho, siyaasadeed, dhaqaale iyo amni.

    Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta ayaa halbeegyada ugu jira tubta siyaasadda loo dhanyahay ee la doonayo in sannadkaan ay ku xaqiijiso waxaa kamid ah horumarinta hannaanka dhab-u-heshiinta qaranka oo aasaaskiisu yahay dhaqanka Soomaaliyeed iyo Diinta Islaamka, si ugu dambayn golaha wasiirrada loo hor-geeyo loogana dhigo sharciga dhab-u-heshiinta qaran.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/sntvnews/videos/675983236164612/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    December 14, 2025

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    December 14, 2025

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    December 14, 2025
    Latest Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Ciidamada Puntland oo qabtay Doon siday Agabka qaraxyada laga sameeyo

    Sharcigii magangalyada TPS-ta Itoobiya oo la joojiyay

    Faallo:-Dagaalkii Sadexaad ee aduunka miyaa qarka loo saaran yahay….

    Hardanka Maraykanka iyo Shiinaha Ee Laatiin America iyo saamaynta Venezuela

    Xasan oo isku dayaya in uu helo mudo kororsi sharcidaro ah

    Faallo:-Deni”Waa Madaxweynaha badalaya Xasan”

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.