Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Rag loo heysto Qaraxyadii Tiyaatarka Qaranka oo Maxkamad lasoo taagay (Daawo)
    Puntland

    Rag loo heysto Qaraxyadii Tiyaatarka Qaranka oo Maxkamad lasoo taagay (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 7, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa la horkeenay Rag loo heysto qaraxyadii  dad ka badan ay ku dhinteen ee 22-12-2018 ka dhacay Tiyaatarka Qaranka iyo agagaarka Taalada Daljirka iyo weeraro dhowr ah oo ka dhacay Magalada Muqdisho.

    Ragga qaraxyadaasi loo heysto ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa Canshuur Cusmaan Abuukar iyo Maxamed Cali Boorow Aadam,waxaana Maxkamada Ciidamada ay ku eedeysay inay mas’uul ka ahaayeen qaraxyadii ka dhacay Tiyaatarka Qaranka iyo agagaarka Taalada Daljirka Daahsoon.

    Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in raggaas ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab,isla markaana ay u qaabil  sanaayeen weerarada loo adeegsado Gawaarida dadka lagu horjaro kadibna la rasaaseeyo iyo sahminta Goobaha ay Shabaab doonayaan inay  weeraraan.

    Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in Canshuur Cusmaan Abuukar loo heysto weerar lagu qaaday 15-8-2017 Gaari ay saarnaayeen qoyska Reer Xasan Cabdi Cawad oo ka mid ahaa Madaxda Shirkadda Dahabshiil ,weerarkaas oo ka dhacay agagaarka Digfeer ayaa waxaa ku geeriyooday Maxruum Maxamed Xasan Cabdi Cawad,isla markaana ay ku dhaawacmeen 5 ruux oo qoyskaas ka mid ah.

    Sidoo kale waxaa lagu eedeeyey weerar 27-9-2017 lagu qaaday Gaari ay la socotay Xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka Canab  Cabdullaahi Xaashi kaas oo ka dhacay degmada Xamarweyne,waxana weerarkaas ku geeriyooday  Marxuumad  Canab  Cabdullaahi Xaashi  iyo Wiil ay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka oo lagu Magacaabi jiray Axmed Jaamac Xersi.

    Sidoo kale Raggaas iyo rag kale oo la socday ayaa Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida waxa ay ku eedeysay inay qeyb ka ahaayeen weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee Sanadkii 2018 lagu qaaday Hotelka Saxafi ee Magalada muqdisho kaas oo dad badan ay ku dhinteen.

    Maxamed Cali Boorow Aadam  ayaa isagana loo heystaa qaraxii ka dhacay  2-9-2018 Xarunta degmada Holw-Wadaag ee Gobolkan Banaadir, kaas oo ay ku dhinteen 8 ruux 27 kalena ay ku dhaawacmeen

    Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa fadhiga Maxkamada ka sheegay in Maxkamadeynta raggaas dib la isugu soo laaban doono,waxaana xeer ilaalinta uu ka dalbaday inay soo dhameystiraan cadeymaha ay ku hayaan.

    Daawo.

    https://www.facebook.com/Garsoor/videos/580776035723342/

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    September 24, 2025

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    September 24, 2025

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    September 24, 2025
    Latest Posts

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Jeneral Qalyare oo qarax Miino ku Geeriyooday

    Xoghayaha Dowlada Hoose Ee Galkacyo oo la magacaabay

    Waynaynta Maalinta Nabada oo Puntland laga….

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.