Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»24 SANO KADDIB GO’AANKII SSDF KU JOOJISAY DHOOFINTA DHUXUSHA IYO XOOLAHA DHEDIG (Warbixin)
    Somalia

    24 SANO KADDIB GO’AANKII SSDF KU JOOJISAY DHOOFINTA DHUXUSHA IYO XOOLAHA DHEDIG (Warbixin)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 17, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Go’aan ka soo baxay Guddoonka SSDF iyo Maamulada Gobbolada Waqooyi Bari 10/12/1996, iyagoo tixraacaya go;aamo horay looga soo saaray dhoofinta dhuxusha iyo xoolaha dhedig.

    Iyagoo garowsan dareenka dadweynaha iyo laga marmaanimada badbaadinta degaanka iyo xoolaheena,
    Iyadoo ay guddiga u muuqato khatarta ku soo fool leh degaanka iyo xoolaha (protection of environment) waxaa la go;aamiyey

    1. In aan laga dhoofin Karin dhuxusha iyo xoolaha dhedig Dekedda Bosaso
    2. in lala wareego gaadiidka badda ee qaada dhuxusha iyo xoolaha dhedig
    3. Waxaa laga dhowraya dhaqan gelinta go’aankan, ciidanka ilaalinta dekedda, ciidamada kontaroolada iyo dadweynaha waxgaradka ah ee dareenka wadaninimo leh.

    Shirkaas aan caadiga ahayn waxaa ka soo qayb galay Guddoonka SSDF, Guddoomiyeyaasha Gobollada Waqooyi Bari iyo Guddoomiyaha Golaha Xeer dejinta Gobolka Bari.
    Go’aankaasi waa hirgalay waqtigaas,

    Waxaase is weydiin mudan mar kasta oo aad soo marto Kantaroolada Alxamdulilaah iyo Bosaso waxaa saf dheer ku jira Gaadiid fara badan oo dhuxul sida oo magaalada Bosaso loo wado.

    Marka ma go’aankii SSDF iyo kii Maamulka Puntland ayaa la joojiyey, mise arrimo kale ayaa ka jira Gobollada iyo Degaanada dhuxusha laga gubo, ee Sool, Sanaag iyo Bari oo aan sharcigaa u hoggaansamin ?

    Dhinaca Koonfureed waxaa dhuxusha amar lagu joojinayo laga soo saaray 2012, oo Qaramada Midoobay Gadaal ka riixayso, inkastoo ilaa hadda dekedda Ceel macaan iyo Kudha looga dhoofiyo dhuxusha Dalka Imaaraadka Carabta taaso sababtay xaaluf aad u badan, oo horseeday abaaro, daadad iyo in dad iyo duunyaba ay ku naf waayeen saameynta ka dhalatay.
    Maxaa la gudboon dowladda Puntland:

    1. Sidii loo heli lahaa badiil ka habboon dhuxusha oo ay dadka wax ku karsadaan si loo dhimo amaba loo joojiyo guud ahaan jarista dhirta.
    2. Iyadoo la og yahay Kormeer Madaxweynuhu uu ku marayey Degmada Dhahar oo ah meelaha ugu daran oo dhuxusha laga shido, ayuu ku dhawaaqay in Gaaska Cunta lagu karsado uu canshuur dhaaf yahay, taaso uu ku dhiirigelinayey joojinta dhuxusha.

    Xigasho: Wargayska Kaaha Bari

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.