Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiir Juxaa oo xil ka qaadis sameeyay iyo buuq ka dhashay xilka qaadistaas
    Somalia

    Wasiir Juxaa oo xil ka qaadis sameeyay iyo buuq ka dhashay xilka qaadistaas

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 22, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Wareegto maanta oo sabti ah kasoo baxday Wasiirka Arimaha gudaha iyo Dib u heshiisiinta Xukuumada Soomaaliya ayaa shaqo ka joojin waxaa lagu sameeyay Xoghayihii joogtada ee Wasaarada Arimaha gudaha Yahye Cali Ibraahim Hereri.
     
    Warqad soo baxday maanta 22 July, 2017 ayaa lagu sheegay in Yahye uu u hogaansami waayay amarrada madaxda sare islamarkaana uu curyaamin ku wada hannaanka shaqo ee wasaaradda.
     
    Wareegtadan ayaa sidoo kale lagu magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arimaha gudaha , waxaana loo magacaabay Mudane Cabdulaahi Maxamuus Xasan Azhari, waxaana wareegtadan shaqo ka joojinta ah iyo magacaabista lala socod siiyay Ra’isul Wasaare Kheyre.
    Halkan hoose ka akhriso wareegtada:-
    Wareegta magacabida xoghayaha KMG ah:-
    Dhanka kale warqada ka soo baxday Xaafiiska Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/llaahi Faarax Wehliye ayaa lagu tilmaamay in ay sharci darro tahay shaqo joojinta iyo magacaabista Xoghayaha Joogtada KMG ee Wasaaradda.
     
    Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in magacaabista iyo xil ka qaadista Xoghaye Joogto ay u baahan tahay in la marsiiyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kadibna laga ansixiyo Golaha Wasiirada, laguna soo saaro digreeto Madaxweyne.
     
    Wasiiru dowlaha ayaa difaacay Xoghayihii joogtada Yaxye Cali Ibraahim, isagoo xusay in eedeyntii ku qorneyd warqadii shaqo joojinta ay aheyd mid aan waafaqsaneyn xaqiiqda, sidaas darteedna loo baahnaa in ay noqoto Canaan qoran iyo mid Af ah.
    Halkan hoose ka akhriso wareegtada:-
    Sidoo kale waxaa isgauna taageero u muujiyay Xoghayah xilka laga qaaday Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Sheekh Maxamed Nuur ,waxuuna si cad uga soo horjeestay xil ka qaadista uu sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Mr Juxa, isagoo ku tilmaamay inay tahay mid sharci darro ah oo aan waafaqsaneyn dastuurka.
    Halkan ka akhriso wareegta wasiir ku xigeenka:-

    Isku soo wada duuboo waxaa muuqata in Wasiir Juxaa garabka lagaliyay isla markaana isbahaysi isaga kasoo horjeedaa Wasaarada ka dhex dilaacay ,sidoo kale waxaa warar hoose sheegayaan in Ra’isalwasaare Khayre ka carooday xilka qaadista Xoghayaha Joogtada ah ee uu smaeeyay wasiir juxaa.

    Xoghayaha Joogtada ah ee xilka laga qaaday ayaa u dhashay beesha Ra’isalwasaare Khayre waxaana jiray mudooyinkan danbe khilaaf xoog leh oo ka dhex taagnaa Wasiirka iyo Xoghayaha Joogtada ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    October 19, 2025

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    October 19, 2025

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    October 18, 2025
    Latest Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Maraykanka oo udiiday Ukrain Gantaalada Tomahawk

    Heshiiskii Niyukleerka Ee Iran iyo quwadaha oo dhamaaday

    𝐀𝐮𝐬𝐭𝐫𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐬𝐡𝐞𝐞𝐩-𝐞𝐱𝐩𝐨𝐫𝐭 𝐛𝐚𝐧 𝐡𝐞𝐥𝐩𝐬 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐰𝐢𝐧 $𝟏 𝐛𝐢𝐥𝐥𝐢𝐨𝐧 𝐨𝐟 𝐬𝐚𝐥𝐞𝐬

    Faallo:-Fudaydka Siyaasada dibada Ee Xasan iyo saamaynta loolanka quwadaha caalamka

    Sidee PL uga faa’idaysan kartaa Kalluunka ay hodanka ku tahay?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.