Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiir Juxaa oo xil ka qaadis sameeyay iyo buuq ka dhashay xilka qaadistaas
    Somalia

    Wasiir Juxaa oo xil ka qaadis sameeyay iyo buuq ka dhashay xilka qaadistaas

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 22, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Wareegto maanta oo sabti ah kasoo baxday Wasiirka Arimaha gudaha iyo Dib u heshiisiinta Xukuumada Soomaaliya ayaa shaqo ka joojin waxaa lagu sameeyay Xoghayihii joogtada ee Wasaarada Arimaha gudaha Yahye Cali Ibraahim Hereri.
     
    Warqad soo baxday maanta 22 July, 2017 ayaa lagu sheegay in Yahye uu u hogaansami waayay amarrada madaxda sare islamarkaana uu curyaamin ku wada hannaanka shaqo ee wasaaradda.
     
    Wareegtadan ayaa sidoo kale lagu magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arimaha gudaha , waxaana loo magacaabay Mudane Cabdulaahi Maxamuus Xasan Azhari, waxaana wareegtadan shaqo ka joojinta ah iyo magacaabista lala socod siiyay Ra’isul Wasaare Kheyre.
    Halkan hoose ka akhriso wareegtada:-
    Wareegta magacabida xoghayaha KMG ah:-
    Dhanka kale warqada ka soo baxday Xaafiiska Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/llaahi Faarax Wehliye ayaa lagu tilmaamay in ay sharci darro tahay shaqo joojinta iyo magacaabista Xoghayaha Joogtada KMG ee Wasaaradda.
     
    Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in magacaabista iyo xil ka qaadista Xoghaye Joogto ay u baahan tahay in la marsiiyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kadibna laga ansixiyo Golaha Wasiirada, laguna soo saaro digreeto Madaxweyne.
     
    Wasiiru dowlaha ayaa difaacay Xoghayihii joogtada Yaxye Cali Ibraahim, isagoo xusay in eedeyntii ku qorneyd warqadii shaqo joojinta ay aheyd mid aan waafaqsaneyn xaqiiqda, sidaas darteedna loo baahnaa in ay noqoto Canaan qoran iyo mid Af ah.
    Halkan hoose ka akhriso wareegtada:-
    Sidoo kale waxaa isgauna taageero u muujiyay Xoghayah xilka laga qaaday Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Sheekh Maxamed Nuur ,waxuuna si cad uga soo horjeestay xil ka qaadista uu sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Mr Juxa, isagoo ku tilmaamay inay tahay mid sharci darro ah oo aan waafaqsaneyn dastuurka.
    Halkan ka akhriso wareegta wasiir ku xigeenka:-

    Isku soo wada duuboo waxaa muuqata in Wasiir Juxaa garabka lagaliyay isla markaana isbahaysi isaga kasoo horjeedaa Wasaarada ka dhex dilaacay ,sidoo kale waxaa warar hoose sheegayaan in Ra’isalwasaare Khayre ka carooday xilka qaadista Xoghayaha Joogtada ah ee uu smaeeyay wasiir juxaa.

    Xoghayaha Joogtada ah ee xilka laga qaaday ayaa u dhashay beesha Ra’isalwasaare Khayre waxaana jiray mudooyinkan danbe khilaaf xoog leh oo ka dhex taagnaa Wasiirka iyo Xoghayaha Joogtada ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.