Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/yUHSlbSpHjo
Author: Jibril Qoobey.
Kolka aynu dib u daalacano Diiwaanka soyaalka taariikhda deegaankeena qarnigii aynu soo dhaafnay Shacabkeena Labo mar ayuu guuldarro la kulmay. JABKII DARAAWIISH Daraawiish ayaa halgan dheer oo dhiig badan ku daatay ayeey la gashay gumeystihii Ingiriis hilladii 1899-1920,wuxuu Ingiriis ugu dambeyn la yimid Dayuurado uu ku duqeeyey qalcadihii Daraawiish ee gobolada Nugaal,Sool & Sanaag,waxaa duqeyntaas garab socotay ciidamo cagta ah(infantry) oo isugu jiray Yam-yam & Qadaad-weyn. Yam-yam waa ciidamadii la magac baxay King´s African Rifles laga keenay kenya,Ugandha,Tanganyika & Nyasaland(Malawi),waxaana wehliyey ciidamo South African ah oo calooshooda u shaqeystayaal ah;Qadaad-weyn waa Hindi (Sikh Regiment) ;waxaa dagaalka qeyb…
Madaxweyne Gaas oo si rasmiya u aqbalay go’aankii Baarlamaanka Puntland ee kalsoonida kala noqoshada golaha wasiirada. Madaxweynuhu waxuu sheegay in Xildhibaanadu ay guteen waajibaad qaran isaguna uu xil ka saaran yahay soo xulida wasiiro cusub oo uqalma masiirka umada in ay matalaan. Madaxweyne Gaas waxaa horyaala fursad dahabiya oo uu ku sixi karo dhailiilihii maamulkiisa loosoo jeedinayay,sidoo kale waxuu haystaa fursad uu ku dooran karo dad matali kara Umada. Madaxwaynaha Puntland ayaa shacabka ugu baaqay inay ka shaqeeyaan Amniga iyo Xasiloonida wuxuuna sidoo kale Baaq u diray Ciidamada ammaanka Puntland isagoo faray inay adkeeyaan Amniga. Madaxweyne Gaas…
Afhayeenka baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa u codeeyey ajnadaha maanta sida loo kala hormarinaayo, waxaana u codeeyey in Mooshinka lagu bilaabo 47 Xildhibaan. Afhayeenka ayaa Xildhibaanada hortooda ka akhriyey Mooshinka iyo sababaha ay Xildhibaanadu u cuskadeen oo ah in Golaha Wasiiradu ku fashilmeen shaqadii loo igmadey sida Amniga, Hormarinta dhaqaalaha, Bixinta xuquuqda shaqaalaha. Fadhiga baarlamaanka Puntland oo ay goob joog ka ahaayeen 57 xildhibaan ayaa cod la geliyay golaha wasiirada, 47 xubnood ayaa kala laabtay kalsoonida , hal mudane ayaana diiday, 9 xildhibaana waa ay ka aamuseen. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay golaha wasiirada in la riday. Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland…
Buuqa iyo Baroorta Baarlamaanka Puntland waxaay i xasuusisay sheeko ku dhacday wiil dhalinyara ah oo bari hore ku aqal galay miyiga. Bari baa Wiil dhalinyara ahi waxuu guursaday Gabar gayankiisa Arooskii iyo Alalaaskii kadib waxuu Gabadhii kula aqal galay deegaankii beeshii gabadhu ka dhalatay waxayna Soomalidu u taqaana ninka Gabadha uu qabo reerkooda la dagan Inan-layaal. Wiilkii iyo Gabadhii intii ay todabadii ku jireen ayaa habeenkii waxaa muska Aqalka ama Aqalka banaankiisa isugu soo naba dhalinyaro ka mid ah degsimada meesha dagan si ay u ogaadaan inuu Wiilku shaqadiisi sifiican u gutay iyo inkale. Dhawar habeen hadii ay dhalintii dhagta…
Askarigan oo lagu magacaabay Maxamed Nuur sida aan ka soo xiganay jaraa’idka Startribune ayaa ka mid kamid ah wiilasha Soomaalida ah ee iyagu ku jira ciidanka Booliiska magaalada Minneapolis. Askarigan ayaa shaqadii laga fariisiyay waxaana la sheegay in saraakiisha dambi baarista ay baarayaan sida uu u dhacay falkan. Maxamed Nuur ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada Booliska magaalada Minneapolis tan iyo sanadkii 2015kii,waxana uu haystaa shahaadooyinka dhinaca maamulka ganacsiga iyo dhaqaalaha isagoo ka qalin jebiyay Augsburg College. Maxamed Nuur ayaa ah sarkaalkii ugu horeeyay oo Somali-Maraykan ah oo ka mid noqdo ciidamada Booliska Minnieapolis.Waxana la sheegay in…
Saraakiil ka tirsan sirdoonka dalkan Mareykanka ayaa sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay ay abaabushay jabsashaddii loogu dusay bogga internetka ee wakaaladda wararka ee Qatar. Wakaaladda ayaa waxaa kadib lagu qoray qoraal loo nisbeeyey amiirka Qatar oo qiil looga dhigtay in dalal ay Sacuudiga iyo Imaaraadka hor kacayaan ay xiriirka u jaraan dowladda Qatar bilowgii bishii la soo dhaafay. Sheekada saraakiishan sirdoonka oo magacooda la qariyay ayaa lagu daabacay wargeyska the Washington Post ee ka soo baxa dalkan Mareykanka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/zRO2il1tiA8
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 17 July 2017 tabar ugu soo xidhay magaalada Garoowe ciidan tiradoodu dhantahay 39 askari, kuwaas oo ka kala socdey Puntland, DFS iyo maamuladda kale ee Dalka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinaayey tababar kani loo soo xidhay 39 ka askari taliyaha ciidanka Asluubta dawladda Puntland Cali Nuur Cumar Saalax, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland saraakiil ka tisan Madaxtooyadda Puntland iyo macalimiinta tababarkani bixinaysey. Madaxweynaha oo lahadlayey ciidankani ayaa ku dhiirigeliyey cilmiga iyo aqoonta labaray inay uga faa’iideeyaan dalkooda iyo dadkooda, isla markana ay ahaadaan kuwo had iyo jeer ku foogan…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 17 July 2017 magaalada Garoowe ku Daahfuray bandhii 3-aad ee buugaagta, sidoo kalena waxa uu Madaxweynuhu madashaasi kusoo bandhigay boogiisa lagu magcaabo ”A Challenging Transition In Soomaali”, kaasi oo ka waramaya wax qabadka la taaban karo ee uu Madaxweynuhu wadankiisa ka hirgeliyey xiliyadii kala gedisnaa ee uu ku jirey saaxadda siyaasadda. Furitaanka Bandhii 3-aad ee buugaagta ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Puntland, 63 qoraa oo Soomaaliya oo Madaxweynuhu qayb ka yahay, marti-sharaf lagu marti qaaday bandhigani oo ka kala yimid dalka gudihiisa…
Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo ku guda jira kalfadhigoodii 39aad ayaa maanat dood adag ka yeeshay arimo muhiim ah. Xildhibaanada ayaa ka dooday maanta arimaha Ciidamada,dhaqaalaha iyo xaalada Sool,dooda oo ahayd mid adag ayaa Xildhibaanada qaar waxay soo jeediyeen in Gobolka Sool laga saaro dastuurka Puntland maadaama aan lasoo celinayn,sidoo kale Xildhibaanada qaar ayaa iyaguna soo jeediyay in xilka laga qaado madaxda sare ee Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/12Jw4jnWRds
Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa Maanta Magaalada Gaalkacyo Tababar uga Furay Ciidamo Isku Dhaf ah oo la doonayo in ay ka shaqeyaan Nabadda Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug islamarkaana ay ku soo laab laabteen Dagaalo soo noq noqday. Xafladda furitaanka waxaa ka qaybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Camey, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, Wasiiro ka socda labada maamul, saraakiil iyo madax ka socotey hay’adaha taageera labada maamul. Ciidamada isku dhafka ah ee ka wada shaqeyn doona amniga Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda ayaa lagu heshiiyey shir labada Madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug ay ku yeesheen Gaalacyo. Ciidamada isku dhafka…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/gGkWmJuKnvU
Urur Diimeedka Daacish ee ka dagaalama dalalka Ciraaq iyo Syria ayaa xaqiijiyay in uu dunida iskaga tagay (geeriyooday) hoggaamiyahoodii mayalka adkaa ee Cabaas Al Baqdaadi, baddalkana ay ku dhawaaqeen ciddii booskaas buuxin lahayd. War murtiyeed kasoo baxay ururka ayaa lagu sheegay in Mohamed Ben Salem Al Ayouni oo ay dagaalyahanada Daacish u yaqaanaan Jalaaludiin Al Tunisi uu yahay Amiirka guud ee ururkaas. sida magaciisa ka muuqata wuxuu kasoo jeeda dalka Tunisia ee Wuqooyiga Afrika, sidoo kale wuxuu heystaa dhalashada dalka Faransiiska ee qaaradda Yurub dhaca. Dhawaan ayeey ahayd markii uu Ruushku shaaciyay in ay duqeyn ku dileen…
Qaar ka mid ah Tuulooyinkii shalay xaaladda Bandowga la giliyay ee gobalka Jubada Hoose ayaa lagu soo waramaya in uu ka dhaqan galay oo ay dadka xaroodeen waqti hore. Goob joogayaal ku sugan deegaanka Lugloow oo ku dhaw Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa ka mid ah meelaha uu ka dhaqan galay. Saraakiisha amaanka ee Jubbaland ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay kula wareegayaan Tuulooyinka iyo degmooyinka ay maamulaan Al-shabaab. Degmooyinka iyo Tuulooyinka Bandowga lagu soo rogay ayaa ku dhaw Magaalada Kismaayo waana meelo Al-shabaab ka soo weerar tagaan waxaana dhowr jeer weerar looga soo…
Ra’isal wasaaraha Canada, ayaa la kulmay wiilkii yaraa ee loogu magac daray ee Justin Trudeau, oo ay dhaleen qoys qaxooti Suuriyaan ah, waxaanay ugu magac dareen si ay ugu mahad celiyaan siyaasigaa dalkiisu magangelyada siiyey. Wiilkan yaree laba bilood jirka ah oo magaciisoo buuxaa yahay Justin Trudeau Adam Bilan, ayaa markii uu Ra’isal Wasaaruhu qaaday gama’sanaa, waxaanay xafladda uu Ra’isal Wasaaruhu ku qaabilay qoyska ilmahaa yar dhalay ka dhacday Calgary Stampede Sabtidii. Wiilkan yari wuxu ku dhashay Calgary bishii May ee sannadkan dhawr bilood uun ka dib markii walidkii iyo labada caruurta ah ee ay walaalaha yihiin ka qaxeen…
Madaxweynaha ku-xigeenka dowlada puntalnd Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Eng.Camey oo ay weheliyaan Wasiirka amniga,Wasiir ku-xigeenka Arimaha Gudaha iyo Wasiiro kux-igeeno kale oo katirsan dowlada puntland,sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Mudug.Talyaha Qeybta Booliiska, Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo.ayaa maanta waxa ay si rasmi ah u dhagaxdhigeen wado laamiya oo dherarkeedu dhan yahay 1.5 hal kilo mitir iyo bar wadadaasi oo qeyb ka ah hormarinta bilicda magaalada Gaalkacyo iyo hagaajinta kaabayaasha dhaqalaha. Dhanka kale Camey ayaa ka hadlay amaanka Gobolka oo maalmahan dayac baahsan ka muuqday,waxuuna sheegay in ay wax ka qabanayaan. Madaxweyne Kuxigeenka ayaa Kulan ay Albaabadu uxiran yihiin la qaatay Madaxda…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/3hRgvqif4mY
Waxaa maanta magaalada Garoowe lagu soo gaba-gabeyey shirkii usocda Jaamacadaha Puntland kaas oo looga hadlayey sidii loo sameyn lahaa urur ay ku mideysan yihiin jaamacaddaha Puntland. Shirkan ayaa waxaa lagaga dhawaaqay urur ay ku mideysan yihiin jaamacadaha Puntland (Association Puntland University). War-murtiyeed ay si wada Jir usoo saareen dhamaan xarumaha waxbarashada Sare ee uu ururkan ka kooban yahay ayaa lagu sheegay inay laysku raacaya ururkan cusub. Shirka ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxda Wasaaradda Waxbarashada Puntland Waxaana shirka marti galisay jaamacadda East Africa University, Garowe Campus waxaana dhankale qabab qaabada guud lahaa jaamacaada #PSU iyo…
Goobta barakaysan ee Xaram Al-Shariif, ee Yuhuudduna u taqaanTemple Mount, ayaa maanta xayiraaddii saarrayd laga qaaday oo dib loo furay ka dib markii ay rabshadihii ka dhacay Jimcihii. Qalalaasahaasi wuxu dhacay ka dib markii laba askari oo booliska Israa’iil ah ay toogteen dabley Carabta dhalashada Israa’iil haysata ah oo markii dambena booliska oo eryanayaa ku dileen Xaram Al-Shariif dhexdiisa. Rabshadda ayaa ahayd tii ugu darnayd ee sanadihii dambe ka dhacda magaalada Qudus, waxaana ay sare u qaadday xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Falastiiniyiinta. Israa’iil ayaa gaadhtay go’aan aan laga filayn, markii ay Muslimiinta Qudus u diiday in…
Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Puntland C/xakiin C/llaahi Cumar Camey oo kamid ahaa waftigii uu hogaaminayay madaxweyne Gaas ee ka qaybgalay aaskii marxuum Fiqi Bashiir Cabdulle Codweyn ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug. Madaxweyne Kuxigeenka ayaa Kulan ay Albaabadu uxiran yihiin la qaatay Madaxda Maamulka Gobolka Mudug iyo Saraakiisha Ciidamada,waxuuna kala hadlay arimo ay ka mdi yihiin Ammaanka Gobolka Mudug iyo Heshiiskii Puntland iyo maamulka aan sharciyada buuxin Cadaado halka uu ku dambeeyay. C/xakiin C/llaahi Cumar Cameey madaxweyne xigeenka Puntland,ayaa faray Laamaha Ammaanka Gobolka Mudug in ay Xaqiijiyaan Ammaanka Gaalkacyo oo Mudooyinkii dambe ay ka jireen Dilal Qorsheysan. Kulamadaas…
Doon siday illaa Sagaashan qof oo qaxooti Soomaali ah oo ay ku jiraan 12 qof oo ka mid ah dadkii ka badbaaday doontii Xeebta Yemen diyaaraduhu ku doqeeyeen Bishii 3aad ee sanadkan oo intooddii badnayd ku geeriyoodeen weerarkaasi xaga cirka kaga yimid ayaa soo gaaray Dekadda Berbera. Qaxootigan oo 12 qof oo dhaawac ahi la socdaan ayaa laga soo dajiyey,isla markaana la dajiyey goobo ay xukuumaddu ugu tallogashay inay saddex cisho ku nastaan, taas oo ay iska kaashadeen xukuumadda, unicef iyo IOM. “ Dadkan qaxootiga ahi waxay ka yimaadeen Yemen, waxa ku jira shan qof oo jajaban oo…
Al-Shabaab ayaa la sheegay inay khaarijiyeen sarkaal ka mid ahaa ajaaniibta ka bar bar dagaalamayay oo u dhashay dalka Kenya, kaddib markii uu muran soo kala dhex galay. Sida uu qoray Wargeyska Daily Nation oo soo xiganayay ehelada sarkaalka la dilay iyo sirdoonka Kenya sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabayay Mustaf Hassan Maxamed. Sarkaalkan ayaa la sheegay in la dilay todobaadkii hore, markii uu ka soo hor-jeestay weerarada Al-Shabaab ka geysanayeen gobolka waqooyi bari Kenya. Wararka ayaa sheegaya in muran soo kala dhex galay Sarkaalkan iyo Taliyeyaashiisa ay keentay in la dilo. Al-Shabaab ayaa horay u…
Ciidamada amaanka magaalada Garowe ayaa gacanta kusoo dhigay nin si arxan daray u toogtay haweeney uur laheyd gudaha magaaladaasi. Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne,oo ayaa sheegay in howlgal ay ciidamada ka fuliyeen magaalada Garowe ay kusoo qabteen ninkaasi gacan ku dhiiglaha ah ee dilay haweeneyda uurka laheyd. Ninkaan ayaa la sheegay in uu si bareer ah u toogtay haweeneyda uurka laheyd, isla markaana magaalada uu iska dhex joogay.,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/lhBPObTSpsU
Madaxweynaha Turkiga, Racep Tayyip Erdogan, ayaa tobanaan kun oo qof u jeediyey khudbad qiiro leh, dadkaas oo iskugu soo baxay xuska sannad guuradii koobaad ee ka soo wareegtay af-gembigii dhicisoobay ee ay shacabku dariiqyda magaalooyink waawyen kaga hortageen. Erdogan, ayaa amaanay dadka iyo xildhibaanadii golaha shacabka ee difaacay dimuqraadiyadda iyo xukuumadiisaba. Wuxuu taageeray ciqaabta dilka ah ee lagu xukumay kuwii maleegay af-gembiga waxaanu yidhi waa in loo xidhaa dhar la mid ah kuwa loo xidho maxaabiista ku jira Guantanamo Bay. Ku dhawaad 250 qof ayaa ku dhintay 2196 kalena way ku dhaawacmeen dagaalkii ay kala hortageen af-gembigii ay isku dayeen…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/zht6m2CZFpE
Bog la yiraahdo Sofrep oo Maraykanka laga leeyahay waxna ka qora arrimaha amaanka iyo miltryga ayaa baahiyay weerarkii Khamiistii ka dhacay degaanka Kuunya Barow ee gobolka Sh/hoose dadkii lagu dilay uu ka mid ahaa Afhayeenka Al-Shabab Sh, Cali Max’ud Raage Cali Dheere. Warkaan waxaa lagu sheegay in bogaan uu la hadlay dad xog xogaal ah oo ka tirsan saraakiisha militryga Soomaaliya iyo ilo wareedyo kale kuwaasoo u xaqiijiyay geeriday Cali Dheere sida warka ku qoran Bogga warkaan qoray waxaa uu sidoo kale sheegay in xogtaan oo gooni u ah uu warar xaqiijinaya in la dilay Afhayeenka Al-Shabab uu xataa…
7 qof oo shaqaale ka ahaa hay’ad ka howgaleysay Bartamaha iyo Koonfurta Somalia oo lagu afduubtey inta u dhaxeyso degmooyinka Buur-hakabo iyo Baydhabo iyagoo kusoo socdey magaalada Baydhobo. Shaqaalaha la afduubtey ayaa dhamaantood ahaa dad Soomaali ah oo watey gaarigi ay kasoo kaxeysteen magaalada Buur-hakabo,hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan. Halkan ka dhagayso codka
Miisaaniyada Lixda Bilood ee soo socota ay ku shaqaynayso Dawlada Fadaraalka Somaliya taasoo gaaraysa US$ 246,018,876. wadarta Guud,ayaa maanta xildhibaanada Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya waxay bilaabeen in ay ka doodaan ansixinteeda. Miisaaniyadan oo lagu tilmaami karo midii ugu hufnayd uguna soo diyaarin wanaagsanayd ee soo marta Dawlada Fadaraalka,ayaa waxaa qoondo ka helay Ciidamada iyo Dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka sida Puntland,Jubaland,Koonfur-Galbeed,Hir-Shabelle iyo maamulka Cadaado ee aan sharciyada buuxin. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya C/rixmaan Ducaale Bayle ayaa wuxuu xubnaha Golaha Shacabka u sharaxay Isbadalka Miisaaniyada ee Sanadkan iyo waxyaabihii ay sanadkii hore kaga duwantahay, wuxuuna sheegay in sanadkan…
As Youth Skills Day is celebrated around the world, the Special Representative of the UN Secretary-General (SRSG) for Somalia, Michael Keating, reaffirms the importance of providing vocational training and technical skills to young people in Somalia. “Unemployment among Somali youth is alarmingly high,” said SRSG Keating. “Low education levels and limited access to technical skills and vocational training opportunities are a real problem with seriously negative implications”. According to latest estimations by the International Labour Organization (ILO), Somalia registers one of the highest unemployment rates in the world, with only 33 per cent of its youth employed. “One of the main reasons…
In a surprise move, Puntland President, Abdiweli Mohamed Ali known as Gaas told reporters on Friday that his government is aware of some of the business people in Puntland paying to tax to Al Shabab, while refuting the government tax. Speaking on the taxation dispute, the Puntland president said that it was astonishing act to see business in the port town of Bosaso, refusing to pay tax, which is legal and been approved by the government. President Gaas said that they are aware of business people sending money to Al Shabab through mobile money transfer in fear for…
https://youtu.be/m_S2SEQK2Ok
Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdogan ayaa ku eedeeyay waddamada Galbeedka munaafaqnimo, xilli maanta uu dalkiisa xusayo sanad guuradii koobaad ee kasoo wareegtay isku-daygii afgembi. Madaxweyne Erdogan oo maqaal ku qoray wargeys ayaa sheegay in aanay wax marmarsiyo ah haysan dalalka saaxiibka la ah Turkiga ee sugay inta ay ka kala caddaanayso xaaladda isku-daygii afgembi. Waxa uu intaa ku daray in dalalka qaar ay magangelyo siiyeen xulafada Fethullah Gulen, oo ah wadaad fadhigiisu yahay Maraykanka, Erdogan-na uu ku eedeeyay inuu ka dambeeyay falkaasi. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku gacan-sayray eedeymaha ah in xukuumaddiisa ay gacan bir ah ku…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 15 July 2017 magaalada Gaalkacayo kaga qayb galay aas qaran oo loo sameeyey Fiqi Bashiir Cabdulle Cismaan oo horaantii bishan ku geeriyoodey dalkaasi Sweden. Aaska qaran ee loo sameeyey marxuun Fiqi Bashiir Cabdulle Cismaan ayaa waxaa Madaxweunha Dawladda Puntland kala qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, guddomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiiladda Puntland, Cabdixamiid Shiikh Cabdisalaan, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, qaar kamida Isimadda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda ku dhaqan magaalada Gaalkacayo. Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ku hadlaya…
Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Dowlada Puntland ayaa maanta dhagax dhigtay Biyo xireen laga samaynayo Togga Dhuugleey oo ku yaala deegaanka Xamxamaa ee Gobolka Nugaal, Waxaana ka qeybgalay munaasabada Madaxda Wasaaradda Deegaanka, Masuuliyiin ka socota Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha, Beeraha, Xafiiska Deegaanka Dowlada Federalka Somalia,Maamulka iyo Shacabka Tuulada Xamxamaa, iyo Qaar ka mid ah Hay,addaha Bahwadaagta la ah Wasaarada Deegaanka Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/4-7CBucpzDE
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in qadadani ay tilmaam u tahay sida ay xili waliba Jubbaland iyo shacabkeedu ugu heelan yihiin wadajirka iyo isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa aad uga mahadceliyey Madaxweynaha Jubbaland iyo golleyaasha dawlad gobolleedka is-xilqaankooda isagoona tilmaamay soo dhoweynta iyo martiqaadkan oo kale inuu yahay mid ay caan ku tahay Jubbaland. “Aadbaan ugu mahadcelinayaa Madaxweyne Axmed iyo dhamaan dawlad gobolledka jubbaland oo si weyn noo soo dhoweeyey runtii qada sharaftan ay noo sameeyeen waxaanu u aragnaa qaddarin , ixtiraam iyo sharaf ay noo hayaan bulshada reer Jubbaland”ayuu yiri R/Wasaare Khayre. Dhanka kale…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/Z4Uf2ZOc8_c
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/ymeZwe72Zc0
Afhayeen u hadlay booliiska Israel ayaa sheegay in saddex qof oo ku hubeysan qoryaha darandooriga u dhaca ay rasaas ku fureen boolis ku sugnaa magaalada qadiimiga ah ee Jerusalem, halkaasi oo laba qof ay ku dileen, dhowr kalena ay ku dhaawaceen. Mickey Rosenfeld ayaa sheegay in kooxda weerarka soo qaaday ay isku dayeen sidoo kale inay dad mindiyeeyaan ka hor inta aysan u cararin dhinaca masjidka barakeysan ee Al-Aqsa. “Booliiska ayaa kadib ceersaday dadkaasi, dhammaantoodna waa la dilay” ayuu yiri afhayeenka. Booliiska Israel ayaa sheegay in salaadda Jimcaha aan maanta lagu tukan doonin masjidka barakeysan kadib weerarkan dhacay. Weli lama…
Warqadan oo shalay la gaarsiiyay Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa loogu baaqay in dowladda dib uga fiirsato go’aankaas, isla markaana dood laga furo, dowladdana wada tashi la yeelato siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada golaha shacabka, si loo mideeyo ama la isku soo dhoweeyo mowqifka dowladda, taasoo yareyneysa in khilaafka Khaliijka uu saameyn ku yeesho xasiloonida dalka iyo danta shacabka ee xiriirka ay la leeyihiin labada dhinac. Qaar ka mid ah Madaxda dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka iyo Senator ka tirsan Aqalka sare,ayaa dowladda Fadaraalka si toos iyo si dadban uga codsaday in dib u eegis lagu sameeyo go’aanka dowladdu ka qaadatay…
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/6tePM_5olac
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/HkUaUwpEG7Y
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/3P_I_ly0HCg
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ->HINDISE SHARCIYEEDKA<- ->WAX-KA-BEDELKA <- ->XEERKA SAXAAFADDA<- Waxaa diyaariyey: WasaaraddaWarfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Juun 2017 Qodobka 1aad Eray-bixin Haddii aan si kale loogu qeexin sharci kale, erayada soo socda wuxuu mid waliba yeelanayaa fasiraadda ku hor qoran: Guddi: Waa Guddiga Saxaafadda. Saxaafad Shisheeye: Waa saxaafad milkiyaddeeda ay leeyihiin dad aan aheyn muwaaddiniin Soomaaliyeed. Wasiir: Waa Wasiirka Warfaafinta. Wasaarad: Waa Wasaaradda Warfaafinta. Warbaahinta: Waa gudbin barnaamijyo kala duwan oo loo isticmaalo qalabka warlaliska ama satalite-ka. Warbaahinta Daabacan: Waa warbaahinta lagu faafiyo qaab qoraal ah, sida wargeysyada, majalladaha, iwm. Warbaahinta gaarka ah: Waa warbaahin ay leeyihiin…
Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa looga hadlay arrimaha kala ah Amniga dalka, Safarkii Madaxweynaha ee Muqdisho, Soo dhaweynta Madaxweynaha Dawladda Federaalka, U-diyaar garowga 1-da August, Xaaladda Abaaraha, Bixinta Canshuuraha iyo warbiximo. Halkan ka akhriso:- Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/sVUzjKx4EhU
kala-fadhigii 5,aad ee golaha 5,aad ee xildhibaanada DDSI Oo Lasoo Gabagabeeyay Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga lagusoo gabagabeeyay kal-fadhigii 5,aad ee golaha 5,aad ee xildhibaanada DDSI oo mudo labo maalmood ah kasocdey hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan. Hadaba kal-fadhigan 5aad ee golaha 5aad ee xildhibaanada DDSI oo uu hogaaminayay afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq ayaa waxaa lagusoo jeediyay islamarkaana lagu ansixiyay ajandayaashii golaha 5aad ee kal-fadhiga 5aad ee xildhibaanada DDSI horyaalay oo ay kamid ahaayeen ansixinta hadal qoraalkii kal-fadhigii 4aad, warbixinta waxqabadka golaha xildhibaanada DDSI, Warbixinta waxqabadka xafiiska maamulka DDSI, Warbixinta waxqabadka maxkamada guud ee…
Ciidamo wadajir ah oo Maraykan iyo Soomaali isugu jira ayaa weerar ku qaaday saldhig kooxda al-Shabab ay ku leedahay tuullada Kuunyo-Barrow ee gobolka Shabeellada Hoose. Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa sheegay in howlgalkaasi oo saddex saacadood socday lagu sii daayay maxaabiis u xirnaa kooxda al-Shabaab. Dhinaca kale, kooxda al-Shabaab ayaa warbaahintooda ku qoray in weerarkaasi lagu soo qaaday ay fashiliyeen,hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan. Halkan ka dhagayso codka
Maxkamad ku taala dalka Brazil ayaa sagaal sano oo xarig ah ku xukuntay madaxweynihii hore ee Brazil Lula da Silva. Waloow qareenkiisa uu sheegay unii racfaan ka qaadanayo xukunkaasi. Waxaa lagu eedeeyey oo loo haystaa musuqmaasuq iyo wax isadabamarin,Luiz da Silva waa uu diiday dambigan ah inuu galay oo uu dhacay hanti dalku uu lahaa. Dambiyada kale ee lagu xiray madaxweynihii hore ee Brazil waxaa kaloo ka mid ah wax isadabamarin. Lula Da Silva waxaa kaloo uu sheegay inay dambiyadan lagu soo oogay ay yihiin kuwo la siyaasadeeyey. Dacwooyinkan ayaa markii hore ahaa ilaa shan dacwo oo ku lug leh…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 13 July 2017 Daahfuray dhismaha cusub ee Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Dawladda Puntland oo Garoowe laga hirgeliyey dhismaheeda. Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinaayey daahfurka xurintani cusub Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Aniisa Cadulqaadir Xaaji Muumin, iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda dawladda Puntland, saraakiil ka socdey hay’adaha UN-HABITAT iyo UNDP, urrurka haweenka Puntland iyo qaar kamida bulshada rayidka ah ee magaaladda Garoowe. Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kahadlay munaasibada daahfurka dhismahani cusub ee ay yeelan doonto Wasaaradda…
Waxaa magaalada Kismaayo ka furmay shirka golaha wasiiradda xukuumadda fadaraalka Soomaaliya, iyadoo kulankaasi intii uusan furmin Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu wasiiradiisa faray inay kulan isbarasho ah la yeeshaan wasiir walba dhigiisa Jubbaland. Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in shirarkaan ay leeyihiin wasiirada federaalka iyo kuwa maamulka Jubbaland uu hordhac uu yahay mid isbarasho iyo in Wasiir walba oo Federaalka ah inuu waqti xogwareysi gaar ah la qaato wasiirada Jubbaland oo ay ka wada hadlaan xiriirka iyo wadashaqeynta. Intaas kadib waxay golaha wasiirada fadaraalku ugada galeen shirkodii khamiislaha ahaa. Golaha Wasiirada ayaa shirka ku ansixiyay sharciga Saxaafada…
https://youtu.be/KFb7RNWoBfw
Qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdishu ayaa sheegaya inay helayaan telefoonno uga imanaya dad ka tirsan ururka Al-Shabaab oo ku amraya inay bixiyaan lacago baad ah oo Al-Shabab ugu yeertay Zako. Olalahan ayay Al-Shabaab bilaabeen bil ka hor, waxayna ilaa iyo hada ka ururiyeen lacago fara badan Ganacsatada leh ganacsiga waaweyn iyo kuwa yar-yar Sida lagasoo xigtay qaar kamid ah Ganacsatadaas oo magacooda u qariyay sababo amni, Ururka Al Shabaab ayaa ganacsatada ku amray inay tagaan deegaanada Aw-dheegle iyo Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose. U yeeritaankaas ayaa ku saabsan in looga dhaadhiciyo lacagaha laga qaadayo iyo…
Talyaha Ciidanka NISA ee deegaanka siinka dheer ,ayaa ii sheegay in qaraxa uusan aheyn Ismiidaamin balse uu ka dhashay Gaari ay xalay halkaasi ku qabteen Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya kadibna uu Galabta qarxay. Talyaha ayaa sheegay in ay Gaadiidka Xamuulka ah ee Soo gala Magaalada Muqdisho la weydiiyo damiin gaarigaasina uu ka mid ah Gawaari xalay halkaasi lagu qabtay oo laga sugaayay Damiin balse uu Galabta qarxay waxaana inta hada la xaqiijiyay ku dhintay ugu yaraan 2 qof ku dhawaad 10 kalane waa ay ku dhaawacmeen oo dhamaantoodba ahaa Shacab sida ay noo sheegeen laamaha Amaanka. Wararkii…
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa maanta gelinkii danbe12 July 2017 Garoowe dib ugu soo laabtay, kadib shirkii amniga Qaranka Soomaaliyeed oo ay Muqdisho kaga qayb galeen. Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, guddomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, guddomiyaha gobolka Nugaal iyo duqa degmada Garoowe, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiisha ciidamadda qolabka sida, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Puntland, Isimo, cuqaal iyo qaar kamida bulshadda Magaaladda Garooowe. Madaxweynaha oo ka hadlay muhiimadda…
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi Wasiiro ah oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay. Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo Madaxweynaha Jubbaland iyo xubno ka tirsan maamulkiisa. Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maalinta berri oo Khamiis ah shirkooda u horeeyay ku yeelanaya magaalada Kismaayo, sida uu horay u iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Kismaayo uu yimaado, isla markaana uu ku shir guddoomiyo shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada,hoos ak daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka…
Madaxweynaha Fadaraalka Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u furay Kala-fadhiga labaad ee Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa kula dar daarmay xubnaha Aqalka Sare in ay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda. Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa sheegay inay jiraan howlo badan oo haatan horyaala golaha Shacabka Fadaraalka Somaliya. Ajandayaasha horyaala ayaa waxaa ugu muhiimsan dib u eegista Dastuurka Fadaraalka iyo qodobo kale.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Golihiisa Wasiirada ayaa saaka ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland, halkaasoo lagu wado in maalinta berri uu ka dhaco shirka Golaha Wasiirada fadaraalka. Labo diyaaradood oo lagu kala qaadi doono Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada ayaa la diyaariyay, kuwaasoo ka kala degi doona magaalada Kismaayo gelinka hore iyo gelinka dambe. Diyaarada u horeysa ayaa waxay goor dhow ka qaadi doontaa garoonka diyaaradaha Muqdisho wati uu hoggaamin doono Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed. Diyaarada labaad ayaa qaadi doonta iyaduna Ra’isalwasaaraha iyo xubno ka mid ah shaqaalahiisa. Diyaar garow ballaaran…
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 3 bil dib u dhigay go’aan kama dambeys ah oo la filayey inuu ka qaato in si joogto ah dalka Sudan looga qaado xayiraadda dhaqaale ee Mareykanka uu saaray. Madaxweyne Barack Obama ayaa ka hor inta uusan xafiiska ka tagin bishii Janaayo saxiixay amar madaxweyne oo si ku meelgaar ah xayiraadda dhaqaale uga qaaday Sudan muddo lix bilood ah. Trump ayaa shalay oo arbaco ahayd wajahayey waqti kama dambeys ah, oo haddii aanu tallaabo qaadin ka dhigi lahayd xayiraadda laga qaaday Sudan mid joogto ah. Taa beddelkeeda ayaa Trump waxa uu saxiixay amar madaxweyne oo…
Wadamada Qadar iyo Mareykanka ayaa wada gaaray heshiis ay dadaal ugu gelayaan sidiii loola dagaalami lahaa maalgelinta argagixisada. Hishiiskan waxa magaaladda Dooxa ku saxiixay Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Rex Tillerson oo booqasho ku jooga Dooxa . Hishiiskan ayaa imanaya xilli ay xiisad ka dhex aloosan tahay Qadar iyo wadamda carabta ee ay deriska yihiin oo Sacuudigu ka mid yahay, Wadamadan ayaa xiriirka u jaray Qadar kadib markii ay ku eedeeyeen in Qadar ay taageerto kooxaha argagixisada ah ee bariga dhexe. Qadar ayaa beenisay dhamaan eedeymahan, dadka ka faalooda arrimaha bariga dhexena waxay sheegayaan in heshiiskan ay dowladda…
Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay yeeshaan kulan ka dib markii dhowaan uu furmay Kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka. Qodobada Maanta Baarlamaanka la horyaala ayaa waxaa kamid ah Miisaaniyadda Dowladda oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda fadaraalka. Dhankale waxaa jira Sharciyo Badan oo horyaala Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya oo la doonayo in go’aan laga gaaro sida uu horay u sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jawaari.
Waa malahaygee Cawaale Maroodi, Cige Maroodi, iyo Canab Maroodi waxa ay ka yimaadeen meeraha “Mars“, cimri ahaan waxay inaka weyn yihiin 460 sano, waxa dhalay reer qansax oo jinsi ahaan ku abtirsada “dad kasoo jeeda islameerahaas” waxa waxbaray macallimiin khuburo ah oo lagasoo dhex hindhisay barbaarta jinka, waxa dhashay qalanjo 67 baac ah, waxa ay foolanaysay fatro yar oo 53 habeen ku gingiman, waxa ay ku dhesheen gobolka barwaaqo ee dhaca dhanka bogox ee meerahaha Maaris, Maalinkoodu waxa uu dhan yahay 72 saacadood, halkii saac waxa ay Xafidi karaan duruus 100 G.B lagu qiyaaso, Teknoolojidda waxa ay ka gaareen heer…