Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dhagayso:-Alshabaab oo Ganacsatada muqdisho kusoo rogay canshuur xoog leh
    Somalia

    Dhagayso:-Alshabaab oo Ganacsatada muqdisho kusoo rogay canshuur xoog leh

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 12, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdishu ayaa sheegaya inay helayaan telefoonno uga imanaya dad ka tirsan ururka Al-Shabaab oo ku amraya inay bixiyaan lacago baad ah oo Al-Shabab ugu yeertay Zako.
     
    Olalahan ayay Al-Shabaab bilaabeen bil ka hor, waxayna ilaa iyo hada ka ururiyeen lacago fara badan Ganacsatada leh ganacsiga waaweyn iyo kuwa yar-yar Sida lagasoo xigtay qaar kamid ah Ganacsatadaas oo magacooda u qariyay sababo amni,
     
    Ururka Al Shabaab ayaa ganacsatada ku amray inay tagaan deegaanada Aw-dheegle iyo Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose.
     
    U yeeritaankaas ayaa ku saabsan in looga dhaadhiciyo lacagaha laga qaadayo iyo sababta looga qaadayo intaba.
     
    Inkastoo ay ka gaabsadeen inay faah faahin ka bixiyaan inay ajiibeen dalabkooda, hadana waxay muujiyeen walaac ku aadan xaaladda lasoo daristay.
     
    Lacagahan oo kumanaan kun kor u dhaafaysa, ayaa loogu yeeray Zakawaat, waxaana ururkaasi ku goodiyay inay cawaaqib xumo dhaxli doonaan ciddi ka dhaga adaygta, sida Ganacsatadu sheegeen.hoos ka dhagayso codka oo faahfaahsan.
     
     
     
    Halkan ka dhagayso codka Ganacsatada
    https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2017/07/h-1.mp3
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.