Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-Madaxweyne Gaas oo maanta xariga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaarada haweenka Puntland
    Somalia

    Sawiro:-Madaxweyne Gaas oo maanta xariga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaarada haweenka Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 13, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 13 July 2017 Daahfuray dhismaha cusub ee Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Dawladda Puntland oo Garoowe laga hirgeliyey dhismaheeda.
     
    Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinaayey daahfurka xurintani cusub Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Aniisa Cadulqaadir Xaaji Muumin, iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda dawladda Puntland, saraakiil ka socdey hay’adaha UN-HABITAT iyo UNDP, urrurka haweenka Puntland iyo qaar kamida bulshada rayidka ah ee magaaladda Garoowe.
     
    Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kahadlay munaasibada daahfurka dhismahani cusub ee ay yeelan doonto Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qayska ee dawlada Puntland ayaa sheegay in dhimahan cusubi uu yahay dhismihii ugu tayadda wanaagsanaa uguna nashqadaynta wanaagsanaa intii la hirgelinayey Wasaaraddo, waxaana uu Madaxweynuhu bogaadiyey cidkasta oo gacan ka geysatey hirgelinta xaruntani oo ay ugu horeeyaan hawl wadeenadda Wasaaraddu.
     
    ‘’ Dhismayaan badan oo dawladdeed ayaa intaanu joogney fureyney ha ahaadeen kuwo aanu gacan ku lahayn iyo kuwo aanu buldhig ka ahaynba eh, laakiin runtii maanta waxaanu halkan ku aragnay majirto ilaa hadda kuwo soo socda waa dhici kartaaye in isbedel dhabi uu jiro, waxaa ka muuqda dedaalka galay, waxaa ka muuqda hufnaanta lagu dhisay’’ ayuu yidhi Madaxweynuhu.
     
    ‘’Taasi Maxay cadaynaysaa? Waxay cadaynaysaa hogaanka haweenka, inay ka daacad san yihiin, ka wax tarsan yihiin, ka musuq maasuq yar yihiin Raga, ‘’raali ahaada Ragaw’’, halbaanse idiin sheegayaa dumarka laftigoodu awooda Illaahay siiyey inay aqoon sadaan baalaga rabaa, Ragu waxay yiraahdaan waxaanu nahay madaxii qoyska, laakiin waxaysan fahansanayn dumarku inay yihiin luquntii qoyska’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.
     
    Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa cadeeyey in aanay jirin, jirina doonin hal wasaarad oo maanta ku jirta guri kiro ah oo gaar loo leeyahay, isla markaana aanay jirin Wasaarad aan helin adeegeedda oo dhamays-tiran.
     
    Wasiirka Wasaaradda haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Dawladda Puntland Aniisa Cadulqaadir Xaaji Muumin ayaa dhankeeda sheegtay in wasaaraddani ay tahay tii ugu horeysey ee laga hirgeliyo Puntland iyo Soomaaliya oo dhan, waxaana ay tibaaxday in dhimahani ka kooban yahay qaybo kala duwan oo wax tar u leh haweenka iyo dhalaanka dawladda Puntland.
     
    Ugu Danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa u mahadnaqay hay’addaha ka qayb qaatay dhismahani Wasaaradda, waxaana uu hoosta ka xariiqay Madaxweynuhu in hadii lasyku tashto wax walba la qabsan karo laguna guulaysan karo horumarinta wadankeena.
     
    ==DHAMMAAD==
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.