Reer Puntland ha ogaadaan oo haku seexdaan in ay Dimuqraadiyad ugudbeen oo Somali ay hormuud ugu noqon doonaan markale…. 1.Bishan,waxaa hirgalaya ansixinta natiijadii Doorashada Golayaasha Deegaanka si Dastuuriya. 2.Wax ka badalkii Dastuurka,ayaa dhamaystirmaya. 3.Bisha danbe,waxaa samaysmi doona Gudiga rasmiga ah ee Doorashooyinka PL (PEC). 4.Waxaa xigi doona diyaarinta iyo shaacinta Jadwalka Doorashada Baarlamaanka,Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Majiri doonto mudo kordhin marka laga reebo ugu badnaan 3-bilood oo farsamo ah,waxaana Shacabka PL si toos ah ay usoo dooran doonaan Xildhibaanadooda iyo Madaxweynahooda inta udhaxaysa Oktoobar Sanadkan iyo Maarso Sanadka danbe. Siyaasi Kursi doon ah iyo Isimo 66-doon ah,waxaa ka adkaaday Shacab…
Author: Jibril Qoobey.
Xasan xilligan,waxuu dareemayaa diciifnimo Siyaasadeed oo ay adag tahay in uu ka dabaasho…. 1.Kacdoonka Xildhibaannada. 2.Kacdoonka Siyaasiyiinta miisaanka culus. 3.Kacdoonka ka dhashay waxa uu ugu yeeray la dagaallanka musuqa. 4.Fashilka dagaalkii argagixisada. 5.Fashilka Barnaamijkii Deyn cafinta. 6.Dhaqaalo yarida baahsan. Laba arimood oo uu nafis bidayay,waxay ku keeneen jab oo waa uga sii dareen culayskii haystay,waxayna kala yihiin… B.La dirirka musuqa ee farsamaysan. T.Isku Shaandhayntii koobnayd. Sida la saadaalinayo Xasan waa say ugu bilaabatay diciifnimada Siyaasadeed oo marba marka kasii danbaysa karku waa kusii siyaadayaa. Jibril Qoobey.
Beesha Gadabuursi waxay ugarnaqsatay si Gobannimo ah oo nadiif ah. Waxay sheegatay cabashadeeda,iyadoon gefin oo soo bandhigtay xaqa ay ku leedahay awood qaybsiga hogaaminta Wadanka. 60-kii Sano ee Somaliya Qaranka ahayd Beeshu marna ma lumin Wasiir “A” oo ka mid ah Cadadka Hilbaha sare marka laga reebo xiligan iyo hogaaminta M.Xasan Shiikh. Way cadahay 20-ka Xildhibaan ee Beeshu in ay difaacayaan xaqa Beesha oo ay Xasan la dirirayaan. Halkan ka akhriso:-
Xaqiiqdii Garaadka hadalkiisu,waa ka sarreeyaa Dhulbahante,Harti iyo Daarood. Somali midnimadeed iyo wadajirkeed qiyam ku fadhiya,ayuu dul istaagay. Waxuu Biyo ku shubay cid walba iyo qorshe walba oo lagu hagardaamaynayo Qaranimada Somaliyed. Madaxweyne Xasan Shiikh oo xaq loogu lahaa in uu hiil iyo hooba siiyo difaaca Qaranimada ee LC,balse ka gaabiyay,isagoo ka duuliya aragti hoose oo Qabyaaladeed,ayuu ku dhuftay Madfac. Laba wajiilaynta Xasan ku dhaqmayo iyo midabkiisa rasmiga ah,ayuu Toosh ku ifiyay,waxuuna Bulshada caadiga ah utilmaamay Ninka dagaalka kula jira qadiyadooda. Garaad Jaamac hadalkii ugu cuslaa Sanadkan oo masuul Somaliyed jeediyo,ayuu sii daayay,kaasoo gilgilay Qalbiyada Bulshada Somaliyed ee waxgaradka ah. …
Villa-da oo fulinaysa qorshaha badbaadinta Muuse Biixi,ayaa Timacadde u xilsaartay fulinta kala jabinta Dhulbahante,waxaana laystusay in Jaamac Siyaad la kasbado oo haday Shalay Hargaysa Siyaasiyiintoodu ku xirnaayeen Maanta si dadban Xamar loosoo marsiiyo. Aragtida laystusay,waa in Maxamuud Garaad dego Sadexda Degmo ee Dhulbahante sida gaarka ugu leeyahay Sool,sidaa daraadeed Ugaaryahan 80% ay ka fog yihiin xiriirka SNM marka ay khasab tahay in Jaamac Siyaad lahelo markale,hadii ay awal toos ugu jireen Gacanta Hargaysa hada loo maro Gacanta Villa Somaliya. Aragtidaas,waxay u arkaan isbahaysiga Xasan,Geelle iyo Muuse in ay keenayso kala jab Dhulbahante oo waliba Faarax Garaad banaanka ka dhigayso difaaca…
Kulanka Xasan Shiikh iyo Siyaasiyiintii hore ee Wadanka masuuliyadaha kala duwan kasoo qabtay,waxay ubadan tahay in aysan waxba kasoo bixin. Kulankan in uu yimaado,waxaa suurageliyay Sh.Shariif oo ku adkaystay markii uu Xasan la kulmay qabsoomida kulan balaaran oo Qaran. Xasan hal ujeedo,ayuu dhankiisa ka leeyahay kulankan,kaasoo ah.. 1.In uu isku muujiyo Nin Dimuqraadiya,wax dhagaysta,aqbalsan mucaaradada. Balse midabkiisa dhabta ah,waa ka badalan yahay kaas oo tiisu meel ayay utaal,Odayaashana waa dhagaysanayaa una joojin mahayo. Dhawr arimood,ayaa xiraya Xasan oo uusan ka boodi karin… B.DG uu siiyay mudo kororsiga kama daba tagi karo oo dagaal lama geli karo,isagoo awalba PL ka maqnayd.…
Xildhibaanada Golaha Shacabka Fadaraallka Somaliyed,waa difaacdeen maqaamkooda oo waa ka saareen Ajandaha la Xisaabtankii Xukuumada ee Villa-du soo abaabulatay. Gudoomiye Aadan Madoobe Kursigiisa,ayuu ubaqay oo gadaal uga dajisay heshiiskii uu lagalay Villa-da. Haatan Xildhibaanada,waxay hirgelin doonaan Ajande la xisaabtan Xukumadeed oo soo maray sifo sharci. Dhankaas,waa looga adkaaday Madaxweyne Xasan. Halkan ka akhriso:- Jibril Qoobey.
Garoowe: 11 July 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo Shacabweynaha Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Gen. Cali Nuur Cumar taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland, oo ku geeriyooday India . Madaxweynaha ayaa muujiyey sida uu AHUN Gen. Cali Nuur u ahaa shakhsi Wakhtigiisa ku bixiyey Dowladnimada iyo u shaqeynta dadkiisa iyo dalkiisa, wuxuuna Tacsi u diray dhammaan Goleyaasha Dowladda, Saraakiisha Ciidanka , gaar ahaan Ciidanka Asluubta iyo Shacabweynaha Puntland. “Alle ha u naxariisto oo janadii ha geeyo Gen. Cali Nuur Cumar taliyihii hore ee Ciidanka…
Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhaawacmay diyaarad rakaab sidday oo ka baxday dhabaha diyaaraduhu kusoo degaana ee garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho. Illaa hadda mas’uuliyiinta ma hubaan waxa keenay inay diyaaraddu ka baxdo dhababaha diyaaradaha. Diyaaradda ayaa nooceedu yahay E120. Illaa hadda mas’uuliyiinta ma hubaan waxa keenay inay diyaaraddu ka baxdo dhababaha diyaaradaha. Diyaaradda,ayaa siday 34-Qof oo iskugu jira shaqaale iyo rakaab, isla markaana ay ka timid magaalada Garowe ee caasimadda Puntland. Diyaaraddan,ayaa la sheegay in ay ku duulaysay magaca shirkadda Halla Airlines. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1678796510245404675?t=dw9KWG5g356jWVxrk6hAig&s=19
Waxaa magaalada Addis Ababa ka socda shir Afar Geesood ah oo ay yeelanayaan Urur Goboleedka IGAD, kaasi oo looga hadlayo xal u helida dagaalada sokeeye ee ka socda dalka Sudan. Si la isugu keeno Labada Jeneral ee isku haya dalka Sudan,ayaa waxaa la sheegay in ay ka qeyb qaadan doonaan madaxda ugu sareysa Dowladda Mareykanka iyo madaxda dalalka geeska Afrika iyo sidoo kale kuwa Suudaan. Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, Madaxweynaha Kenya William Ruto, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jabuti Maxamed Cali iyo Guddoomiyaha IGAD Workneh Gebeyehu (Dr.) ayaa ka qeyb galaya shirka.
Madaxweynaha Turkiga,ayaa sheegay in dalkiisu uu taageeri doono qorshaha ay Sweden ku dooneyso inay kaga mid noqoto Nato haddii Midowga Yurub uu furo wadahadalka xubinimada dalkiisa. Madaxweynaha ayaa sidookale ka digay inaan cidna ka sugin inuu tanaasul ka sameeyo dadaalka Sweden ee ku biirista NATO. Gelinka dambe ee isniinta ayaa lagu wadaa inuu wadahadal la yeesho ra’iisul wasaaraha Sweden. Erdogan ayaa is hortaagay codsiga Iswiidhan ee NATO tan iyo sanadkii hore. Waxa uu ka cabanayaa in ay ku guul darreysatay in ay wax ka qabato maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee lagu tuhmayo in ay halkaas ku nool yihiin.
Ugu yaraan Toddobo Qof oo shacab ah,ayaa lagu dilay Qarax Miino Gobolka Hiiraan. Waddada dhinaceeda,ayaa la galiyay, Qaraxan meel ku dhow Deegaan lagu magacaabo Jicibo oo ka tirsan Degmada Buulobarde ee Gobalka Hiiraan. Duqa Degmada Buulobarde Sadaam Cabdi Iidow, oo la hadlay,ayaa sheegay in dhammaan dadkii saarnaa Mooto kuwa Seddexda Lugood leh ay ku baaba’een Qaraxa. Ilaa hada cid sheegatay Qaraxan majirto,waxaase caanku ahaa Qaraxyadan oo kale Alshabaab.
Kremlin-ka ayaa maanta sheegay in madaxweyne Vladimir Putin uu Kremlin-ka kula kulmay madaxa Wagner Yevgeny Prigozhin, 29-kii June, maalmo kadib markii kooxda calooshood u shaqeysatada ah ay isku dayday inay afgambiso hoggaanka militari ee Ruushka. “Madaxweynuhu wuxuu bixiyay qiimeyntiisa ku aadan dhacdooyinka 24-kii June,” ayuu yiri afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov, isaga oo tixraacaya kacdoonkii fashilmay, waxa uuna intaas ku daray in Putin uu sidoo kale “dhageystay aragtida ay bixiyeen taliyayaasha (Wagner).” In ka badan laba toddobaad kadib markii uu dhacay afgambigii dhicisoobay, waxa weli jira hubanti la’aan weyn oo ku xeeran masiirka kooxda Wagner iyo heshiiskii soo afjaray kacdoonkii ka…
Mooshinka iskiis u abaabulan,ayaa Muqdisho kasocda. Lama yaqaan cida ku bixi doonta Gudoonka Baarlamaanka ama Ra’isalwasaaraha. Dawlada Xasan hogaaminayo waxay Lacago badan ilaa xalay ilaa maanta ku bixinaysaa sidii Mooshinkaas loo joojin lahaa. Xubno badan oo mucaarad iyo siyaasiyiin isagu jira,ayaa xooga saaraya sidii ay ukasban lahaayeen xildhibaanada mooshinkana loo gayn lahaa Golaha Baarlamaanka. Xidhibaanada 70% Dowladu taageero kama haysato wakhtigan. M.Xasan hogaamintiisu,waxay umuuqataa mid jahwareersan.
Weerar cirka ah oo ciidamada Sudan ay ku qaadeen caasimadda dalkaasi ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 22 qof tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo saraakiisha . Weerarkan cirka ah ayaa subaxnimadii hore ee sabtida ka dhacay degmada Daarusalaam ee Omdurman, oo ku taal daanta ka soo horjeeda wabiga Niil ee caasimadda Khartoum. Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa milateriga ah ayaa tan iyo bishii April ku dagaallamayay gacan ku heynta caasimadda.
Raysal Wasaaraha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii Maaliyadda waxa uuna booskiisa u magacaabay Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige. Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ah Wasiirka shaqada laga eryay ayaa sida tan bartiisa Facebooga ku soo qoray ”Waxa aan ka tagayaa xafiiska anigoo bixiyay dhammaan mushaarkii shaqaalaha Dowladda intii aan xilka hayay, sidoo kalena waxa aan casriyeeyey hannaanka furdooyinka, xoojiyay Maamulka Guud ee Maaliyadda Dowladda, iyo maamul wanaagga.” Wasiirka ayaa sidookale sheegay in wasaarada uu culeys siyaasadeed saaran yahay. ”Waxa aan isku dayay in aan siyaasadda ka ilaaliyo barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda. Waxa aan rajeynayaa…
Ruushka ayaa ka falceliyay markii uu madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu dalka dib ugu soo celiyay shan taliye oo ku sugnaa Turkiga. Taliyeyaasha oo Ruushku ku qabtay dagaalkii magaala xebeedka Mariupol ayuu Turkigu dhexdhexaadiyey sii deyntooda, waxayna tan iyo markaas ku sugnaayeen gudaha Turkiga. Ruushka ayaa sheegay in heshiisku ahaa in ay taliyeyaashani ku sugnaadaan Turkiga tan iyo inta uu dagaalku ka dhamaanayo. Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Turkigu ku xadgudbay heshiiska wuxuuuna yiri, “cidi nama ogeysiin sii deynta,” iyo in sida heshiisku ahaa loo baahnaa in taliyeyaashani ku sugnaadaan Turkiga. Sidaas ay tahay wuxuu sheegay in Turkiga…
Hawlgalka milatariga Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa sheegay in kadib markii ay codsi ka heleen dawladda Soomaaliya ay saddex duqaymood oo is difaacadid ah la beegsadeen maleeshiyaadka al-Shabab. Duqaymahan ayaa dhacay xalay, waxayna ka dhaceen meel fog oo u dhow degmada Afmadow, qiyaas ahaanna 105km dhinaca waqooyi ka xigta Kismaayo. AFRICOM ayaa sheegtay in hawlgalkan lagu taageerayey ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ay dagaal la galeen al-Shabaab. AFRICOM ayaa sheegtay in iyadoo iskaashi lala samaynayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliya lagu qiimeeyey in hawlgalkan lagu dilay 10 ka tirsan al-Shabaab, isla markaana aan dad rayid ah waxba kasoo…
Fadhigii xildhibaannada Golaha Shacabka ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa ku soo dhaamay buuq ka dib markii xildhibaannada qaar ay ka horyimaadeen ajnadaha oo ahaa dhagaysiga Wasiirka Amniga Gudaha oo qayb ka ahaa isla xistaabtanka xukuumadda. Xildhibaanno tiradoodu gaarayso 30 mudane ayaa soo gudbiyay mooshin ay ku dareen ajandaha iyaga oo dalbanayay in wasiirka aanu ka hadlin fadhiga maanta. Halkan ka daawo muuqaalka Xil.Jeesoow https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1677667943851741185?t=xqsA_Txrfrmv2p1NhFkw1g&s=19 Halkan ka daawo muuqaalka Xil.Sanyare https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1677667145575018497?t=9KOUgy3nTm8ytgXQz7fiyA&s=19
Laba Qodob,ayaa muhiim ah iyaguna in la dul istaago…. 1.Wasiirada hadana ah Xildhibaanada oo aan imaan fadhigii saakay oo aan difaacin Dowladooda,marka laga reebo tiro yar. Waxaa muuqatay in Dadka markii hore loo xushay Wasiirada ee ahaa Xildhibaanada in ay jilicsanaayeen oo aysan ku filnayn difaacashada Kuraastooda. 2.Awood qaybsiga 4.5 ee dhanka Beesha Direed oo ubaahan dib usixid,maadaama Wasiirkii (A) iyo Ra’isalwasaare ku xigeenkii ay noqdeen isku beel (Garxajis). Habar Awal waxay haysataa Gudoonka Aqalka sare,waxaase hada qatan Habar-jeclo. Sida muuqata Beesha Isaaq,ayaa isku heli doonta Wasiirkii (A) iyo Ra’isalwasaare xigeenkii iyo Aqalkii sare,halka Beelaha kale ee Direed lagu hayn…
Ujeedka loo sameeyay isku shaandhaynta kooban,waa in Wasiirka Maaliyada la cuno,waana la cunay. Wasiirku,waxa uu eersaday way iska cadahay,waana shaqo ka joojintii Agaasimaha Xasan Shiikh tooska ugu xiran. Wasiirka,waxaa umacno badnayd in uu ku adkaysto Shaqo joojintii uu ku sameeyay Agaasimayaasha. Dhaawac kale oo gaaray Dowladnimada ayay tani tahay. Ma jiri doonaan gadaashiisa,wax wanaagsanaan doona oo lagu naaloon doono,sababtoo ah waxa la maaraynayo,ayaa Xaaraan ah. Waddanku,waxuu gaaray meel hoose oo lagu dhawaaqi karo badbaado in la helo. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtube.com/watch?v=aFRjS0gUi5g&feature=share7 Jibril Qoobey.
Aagga Maraagga,gaar ahaan Jihada ku beegan Gooja-Cadde,ayaa dagaal ba’an ka bilaamay saakay. Dhinaca Galbeedka Dagaal aad u xun ayaa dhacay khasaare badan,ayaa ka dhashay. Aagga Galbeedka ee Ciidanka Saciid Harti ee Reer Hagar, Jaamac Siyaad & Bah Ararsame,waxaa ku dhacay Gacan culus. Dhinaca Galbeedka,waxaa si weyn loogu Jabiyay Maleeshiyada SNM. Magaalada,waxay ku garaaceen Madaafiic ku dhacday Guryo Shacab. Dagaalku,xiligan,ayuu sii ballaartay oo waa sii cuslaaday.
Laba Inqilaab,ayuu sameeyay Gudoomiye Aadan Madoobe.. 1.Waxuu Inqilaabay soo jeedintii Xildhibaanada ee ahayd halala Xisaabtamo Xukuumada. 2.Dul istaagida heshiiskii Madasha aan loo dhamayn lagu gaaray. Xildhibaanadu way difaacdeen Saakay maqaamkooda,waxaase shaki ku jiraa in ay kusii adkaysan doonaan. Aadan Madoobe qiimo dhaqaale,ayuu ku badashay socod siinta Qodobadan,waxaana la og Gudoonka kale iyo Gudiga joogtada ah. Xildhibaanada dagaallamaya waxay ubadan tahay in ay wax ka rabaan wax kala goosiga ee aysan Sharciyad ilaalinayn. Dhaliishu waa in Baarlamaanadu aysan qiimo lahayn oo ay Jeebka ugu jiraan Villa Somaliya. Isku soo wada duuboo Xasan waa nugul yahay,waxaana sii xoogaystay Mucaaradkiisa iyo fursadaha lagu…
Wasiirka Amniga Somaliya Maxamed Cali Doodishe,ayaa magacaabay agaasimaha KMG ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha. Wasirrka ayaa Axmed Siciid Maxamed u Magacaabay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya. Maalin ka hor,ayaa lagu soo eedeeyay Agaasimihii hore in uu lunsaday dhaqaale oo uu ku kacay musuq baahsan,inkastoo uu beeniyay. Agaasimaha xilka laga qaaday,ayaa ku sugan Kenya.
Garowe waxay muujisay Amni,Qurux,Xadaarad iyo Cawaysin Caawa. Fanaan Iskalaaji,ayaa si weyn umadadaaliyay Bulshada Caasimada ku dhaqan. Garowe waa mid ka mid ah Caasimadaha Geeska Afrika ee caanka ku ah Amni iyo Bilic. Garowe liicimayso. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1677498666028789762?t=kY3zD9fQ7vFW6oQU59KJqg&s=19
Waxaa weli socda dadaallo lagu doonayo in lagu xakameeyo dab xooggan oo Caawa ka kacay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Somalida Itoobiya. Suuqa loo yaqaan NEW Taiwan,ayuu Dabkan ka kacay. Ilaa iyo hadda lama oga sababta keentay Dabkaasi in uu kaco,waxaana socda dadaal lagu xakamaynayo. https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1677468115821527041?t=UMB9fm46DF26vNJk17FDEw&s=19
Somali region battles to control massive fire in Jigjiga city’s major commercial district Efforts are ongoing to control a massive fire that broke out in Jigjiga city, the capital of Somali regional state, in a shopping district housing commonly known as the New Taiwan Market. The cause of the fire is yet to be determined. Local media, Somali Fast Info., reported that efforts are currently underway to control the fire by coordinated efforts involving emergency prevention teams, security forces and medical professionals who are working together to prevent the fire from spreading to other parts of the city.
Wasiirka Maaliyadda XFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur,ayaa laalay shaqo joojintii uu shalay ku sameeyay Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda oo labadaba uu shalay shaqada uga joojiyay amar diido iyo wada shaqeyn la’aan. Wareegtada uu shaqo joojinta kaga laabtay Wasiirka Maaliyadda,ayaa lagu sheegay in laalista ku xusan wareegtadan aanay burineynin jiritaanka eedeymaha maamul sidaa darteed Agaasimaha Guud iyo Xisaabiyaga Guud Digniin, iyadoo madaxda Wasaaradda si dhow ula soconayaan gudashada iyo hoggaansanaanta waajibaadka shaqo ee ay farayaan. Warar lagu kalsoonaan karo,ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyadda uu cadaadis kala kulmay Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku aadaneyd tallaabadii…
Shirkadda Twitter ayaa sheegtay inay dacwad ka gudbin doonto barnaamijka cusub ee Threads oo ay leedahay shirkadda Meta. Mulkiilaha shirkadda Meta, Mark Zukerberg,ayaa sheegay in barnaamijkani uu ‘saaxiib la yahay’ Twitter oo ay loolamaan. Threads, oo si rasmi ah loo soo bandhigay Arbacadii ayaa waxaa iska diiwaan geliyay in ka badan 30-Milyan oo Qof. Mulkiilaha twitter, Elon Mask ayaa yiri “in la tartamo waa wax iska caadi ah balse khiyaanada lama ogola”. Muddooyinkii u danbeeyay waxaa muuqatay inuu xifaaltan u dhaxeeyay Labada Nin ee iska leh Labada shirkadood ee Meta iyo Twitter Mark Zuckerberg iyo Elon Musk. Arinta wel-welka ku…
Agaasimaha hay’ada socdaalka ee la amray in lasoo xiro,waxaa geeyay Shaqada uu joogay Ra’isalwasaarihii hore Rooble. Waxaa la aaminsan yahay in Rooble Gacanta Agaasimahan ku lunsaday dhaqaale fiican. Waxaa iswaydiin mudan……Rooble mala amri doonaa in lasoo xiro isagana? 50% masuuliyiinta lasoo eedeeyay,waxay kasoo jeedaan Beesha Habar-gidir. Su’aalaha iswaydiinta mudan,waxay yihiin.. Isbahaysigii Damjadiid+Daljir ee hadafkiisu ahaa Qabyaalada makala daadan doonaa? Xasan masii ahaan doonaa hogaamiye ay ku midoobeen Beelaha Hiraab Caydiid kadib? HG ma usii arki doontaa Xasan,hogaamiye ay dhisteen oo ay saamayn ku leeyihiin? Xasan horay,waxaa uhaystay kacdoon Somalida kale ah,haatana,waxaa ku furmay mid Beeshiisa ah.
Ciidamada Xasilinta Xamar,ayaa Mushahaar la’aan noqday Bishan,kadib markii isfahan waa ka dhashay Villa Somaliya oo dalbatay in iyadu maamusho oo lasoo marsiiyo Lacagta Mushahaarka loo siiyo Ciidankaas. Dowlada Imaaraadka Carabta oo bixisa Mushahaarka Ciidankan,ayaa hakisay,kana hor timid dalabka Dowlada dhexe ee Somaliya. Lama oga ujeedka ka danbeeya dalabka Dowlada Dhexe ee caanka ku ah musuqa. Ciidanka xasilinta Xamar,ayaa dhan ilaa 2900-Askari,waxaana abuuray Sanad ka hor Xasan Shiikh. Jibril Qoobey.
Dowlada Somaliya waxay lumisay Kab Miisaaniyadeed oo ay ka heli jirtay Wadamo reer Yurub ah Bishan. Kabka Miisaaniyadeed ee ka baaqday,ayaa gaaraya $4-6 Milyan. Dalalka bixin jiray Kabkaas,waxaa ka mid ahaa Ingiriiska iyo Wadamada Iskaandaneefiyaanka. Hakinta Kabida dhaqaale ee ay Dalalkan sameeyeen,waxaa sababay dhawr arimood oo kala ah… 1.Siyaasada M.Xasan ee kala qaybisay Dalka. 2.Mudo ku darsashadii DG iyo DF ee Madasha 3.Musuqa baahsan ee gaaray ilaa Xaafiiska Madaxweynaha. Mabdi’iyan talaabooyinka la dagaallanka musuqa M.Xasan qaaday,waa loo baahnaa. Balse,waa in dagaalka musuqu taabtaa Xaafiisyada Wasiirada,RW iyo Madaxweynaha. Si gaar ah Lacagta kasoo xaroota Qaadka ee toos ugu gudubta Xaafiiska Madaxweynaha,ayaa…
Daarood guud ahaantiis,waxay ugu hirteen in uu yahay hogaamiye macno uleh xilligan muhiimka ah. 75% Bulshada Beesha Daarood,waxay muujinayaan dareen kusoo hirasho oo hogaamintiisa ah. Bulshadu,waxay ka dugsanayaan khataraha ay dareemayaan… 1.Majeerteenku waxay u arkaan hogaamiye miisaan leh,han leh,Mayal adag oo ay ka muuqato astaamo uu lahaa hogaamiyihii ay isku raacsanayeen hogaamintiisu in ay sarraysay ee Cabdullaahi Yuusuf. 2.Dhulbahantuhu,waxuu u arkaa hogaamiye ay ka dugsan karaan weerarka SNM. 3.Marreexaanku,waxay u arkaan hogaamiye xilligan ka badbaadin kara Mijo xaabinta Damjadiid +Daljir ee ku wajahan Gedo. 4.Leelkase iyo Awrtable,waxay u arkaan hogaamiye adag oo la loolami kara soo laabashada aragtidii USC/SNA ee…
Wasiirka Maaliyadda XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur,ayaa Shaqo ka joojin degdeg ah ku sameeyay Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda. Shaqo ka joojinta,ayaa la xiriirta amar diido, wada shaqeyn la’aan iyo caqabad ay ku noqdeen hannaanka lagu maamulo qarash bixinta Dowladda ee SFMIS. Sidoo kale waxaa hakad galay bixinta lacagaha kaalmada Deeq bixiyeyaasha ku deeqeen ee qaar ka mid ah loogu tala galay in loo wareejiyo Dowladda Somaliya iyo Dowlad Goboleedyada.
Somalia’s Minister of Finance Elmi Mohamud Nuur suspended the Accountant General and Director of Revenue for serious allegations. Mahamed Abdirahman Anas, the Accountant General is Prez @HassanSMohamud ally, was recently named and accused of numerous offences, including purposely shutting down the SFMIS Land Taxes system, which halted government salary payments.
Yevgeny Prigozhin oo ah madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner oo hoggaaminayay kacdoonkii ciidan ee muddo kooban ka jiray bishii hore Ruushka – ayaa ku sugan gudaha Ruushka, sida uu sheegay hoggaamiyaha, mudada dheer ee Belarus Alexander Lukashenko. Meesha uu ku sugan yahay Prigozhin ayaa ahayd qarsoodi tan iyo markii lagu arkay koonfurta Ruushka intii uu socday kacdoonku. Sida uu dhigayo heshiis lagu soo afjarayo amar diidada, ayaa dhigayay in eedeymaha ka dhanka ah Prigozhin la laalo, loona oggolaado inuu u guuro Belarus. Mr Lukashenko ayaa gacan ka geystay dhexdhexaadinta heshiiska si loo soo afjaro rabshadaha.
Dowlada Somaliya waxay wajahaysaa Miisaaniyad la’aan Sanadkan dhammaadkiisa,waxii ka danbeeya. Dowlada Dhexe,waxay ku guuldarraysatay in ay gudaha Waddanka kasoo saarto dhaqaale wanaagsan,sababo jira awgood… 1.Waxay hirgelin wayday Siyaasada Midaynta Canshuuraha Fadaraalka. 2.Waxay midayn wayday Dakhliga gudaha kasoo xarooda. Sidoo kale waxay ku guuldarraysatay Dowlada Dhexe in ay buuxiso Shuruudihii ay ku heli lahayd Dayn dibada ah… B.Waxay midayn wayday Siyaasada gudaha Wadanka oo muhiim u ah aaminaada dibadda. T.Waxay muujin wayday hufnaan iyo la dagaallan musuq oo lagu kalsoonaan karo. J.Waxay sii wadi wayday isku dheelli tirka Miisaaniyada. Sep Sanadkan,waa Bisha loo qabtay in Somaliya ay soo buuxiso Shuruudaha si…
Ogaysiis muhiim ah. Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ee Nugaal Garowe. Shaqo: Macalin Luuqada Englishka ah,ayaa looga baahanyahay Dugsiga Dhexe iyo Sare ee Nugaal. Macalinkaas,ayaa shaqaynaya Labadda gelin,waxaana laga rabaa.. 1. In uu wato shahaado waxabarasho jaamacadeed oo degree ah( Degree of Education) 2. Inuu leeyahay khibrad Macalinimo ugu yaraan 2-sano, kana soo shaqeeyey Dugsiyada sare ee Puntland. F.G: CV- yada iyo Shahaadoyinka oo ay la socdaan Transcript waxaa lagusoo hagaajinayaa whatsup-number 0907794081 ama 0907647176 Arji qabashada ugu danbayn waxay dhacaysaa 15 Julay 2023. Mahadsanidin.
Garoowe:- 05- Jul-2023: Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Mudane Maxamed Siciid Faroole ayaa maanta furay shirka dib u eegista qorshaha hawlgalka hay’adda UNICEF ee Puntland labada sano iyo barkii tagay iyo qorshaha labada sano iyo barka soo foodleh. Shirkaan waxaa lagu gorfeynayaa hab-qorsheedka hawlgaleed ee hay’adda iyo sida ay u maareyn-doonto hawlaha shaqo ee ay ka fuliso gobolada iyo deegaanada Puntland, waxaana sidoo kale lagu soo bandhigay talooyin ku aaddan arrimaha hortebinta leh, kuwaas oo ay soo jeediyeen hay’adda dowladda ee wada-shaqeynta laleh UNICEF. Shirka waxaa ka qayb galay madax katirsan dawladda Puntland,…
WARMURTIYEED Garowe, July 05, 2023, waxaa xarunta dhexe Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ka dhacay shir looga hadlay amniga guud ee Puntland, gaar ahaan Amniga Caasumadda Dowladda Puntland, waxaana intii shirku socday looga wada hadlay xaaladda Amniga Guud ee Puntland, ku dhaqanka xeerka Amniga Caasumadda oo baarlamaanku meelmariyey, wacyigelinta bulshada iyo xoojinta Amniga Gudaha. Shirka waxaa ka soo qaybglay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR Dowladda Puntland Mudane Ismaaciil Saleebaan Geelle, La taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdi Xirsi…
Garoowe : 03 July 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-Guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada ee todobaadlaha ah oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Warbixinta dhacdooyinka todobaadka, Ansixinta Lix Xeer oo isugu jira kuwo wax ka bedel lagu sameeyay iyo Kuwa cusub. Xeerarka uu Goluhu ansixiyey waxaa ay kala yihiin: – 1. Xeerka Maamulka Maaliyadda 2. Xeerka Maamulka Dakhliga 3. Xeerka Dakhliga Cashuuraha Berriga 4. Wax-ka-bedelka Xeerka Bangiga 5. Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka 6. Wax-ka-bedelka Xeerka Sahminta saamaynta deegaanka iyo Bulshada. Golaha Wasiirada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyey Xeerarkan oo ay soo gudbiyeen Wasaaradaha ku…
GAROOWE- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa qeybinta Xisaab-xirka Miisaaniyadda Dawladda ee sannadka 2022, sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobadiisa 64-aad iyo 137-aad. Golaha waxaa warbixinta Xisaab xirka sannad maaliyadeedka 2022 ka horjeediyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad fadhigan Golaha waxaa ku weheliyey Wasiirku xigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi,…
Waxaa fiicnaan lahayd in Gaas iyo Cumar baaqdaan Maalinka Berri foog ah oo aysan tagin Garowe. Laba Qodob ayay xal unoqon kartaa baaqashada Cumar iyo Gaas,kuwaasoo kala ah.. 1.Baaqashadoodu waxay fursad siinaysaa dadaalka Isimada. 2.Waxay kaloo noqon karaa kayd hadii dadaalka Isimadu fashilmo. Tagidooda Berri ee Garowe waxay noqon kartaa mid Mucaaradku ka dhigtaan nafis kuna helaan fariisin ay ku hirtaan,taasoo meesha ka saari doonta in loo arko Odoyaal dhexdhexaad ah. Jibril Qoobey.
Laba Qodob,waa in aysan Isimada iyo haldoorka Siyaasadeed ee kusoo wajahan Garowe ka hor imaan,kuwaasoo kala ah.. 1.Madaxweynaha in Shacabku doorto. 2.Xildhibaanada in Shacabku doorto. Balse in Deni lagu cadaadiyo in uusan dhaafin 8-Janaayo oo uu Doorasho xiligeeda ku qabto,waa loo baahan yahay. M.Deni iyo Xukuumadiisa,waxaa laga rabaa 6-da bilood ee uharsan in ay ku hirgaliyaan Doorashada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka oo Cod Dadweyne ah. Ismu imaatinkan,waxaa wacnaan lahayd in Deni horay ugu dhawaaqo oo Dowladu hogaamiso,waase qaadan waayay taladii lagu siiyay sidaas. Haatan,muhiimadu waa in Dimuqraadiyada loo hiilliyo lana ilaaliyo 8-da Janaayo. Jibril Qoobey.
Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska Gérald Darmanin ayaa sheegay in ilaa 45,000 oo askari oo booliis ah la diri doono caawa taasoo la mid ah tiradii xalay. Wuxuu xaqiijiyay in xoojin loo dirayo magaalooyinka Marseille iyo Lyon ka dib markii saraakiisha halkaas ku sugan ay codsadeen gargaar dheeri ah. Ma cadda in xoojintaas ay ku kordhinayaan 45,000, ama haddii mas’uuliyiinta ay si fudud booliiska ugu rarayaan Marseille iyo Lyon meelo kale. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtube.com/watch?v=OyFZ2TdRin0&feature=share7
Midowga Yurub,ayaa si adag u cambaareeyay gubidda Qur’aanka iyo muujinta cunsuriyadda, waxayna caddeeyeen inaysan meelna uga jirin Yurub. Midowga Yurub,ayaa wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden kula biiray sida xooggan ee ay u diiddan yihiin qur’aanka lagu gubay Sweden. Afhayeen u hadlay Midowga Yurub,ayaa sheegay in falkani uusan sinaba uga tarjumayn aragtida Midowga Yurub. Sidoo kale qoraalka ka soo baxay xiriirka oo lagu faafiyay mareegaha Internet-ka ayaa lagu yiri “In la gubo kitaabka qur’aanka ama kutubta kale ee xurmada leh waa aflagaado, aan munaasib ahayn, waana fal daandaansi cad ah.” Muujinta midab-takoorka, nacaybka iyo dulqaad la’aanta meelna kuma laha Yurub. Waxa…
Garoowe, July 02, 2023: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo ku-xigeenka 2-aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhigii 9-aad ee kalfadhiga 52-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland. Guddoomiyaha ayaa xildhibaannada la wadaagay in maalinka berri ah taariikhduna tahay 3-da Luulyo ay Golaha hor imaanayso Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland si ay Golaha ugu soo gudbiso warbixinta Xisaabka Xirka Miisaaniyada sannadkii tagay ee 2022-ka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtube.com/watch?v=rW-4sI19s8I&feature=share7
Horjoogayaal ka tirsanaa kooxda Argagixisada Daacish,ayaa isku soo dhiibay Dowladda Puntland waxaana lagu soo bandhigay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1675199501001273344?t=SsYt6fmH58t6bZEruWICzg&s=19
Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo Xalay ka hadlayay Xaflad lagu xusayay Maalinta Xorriyada ee 1-da Luulyo,ayaa sheegay in Dastuurka PL wax laga badalayo Gacantana lagu hayo. Qodobada wax laga badalayo,ayuu ku sheegay Lux Qodob Gudoomiye Jibril. Baarlamaanka PL,ayaa ucodeeyay Bishii lasoo dhaafay 20-keedii wax ka badal lagu sameeyo Dastuurka PL,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1674961811601276930?t=MzZbUGb19MSSIqyiakBGdw&s=19
Waxaa mudo kordhin loo sameeyay wakhtiga Ciidamada Atmis kasii shaqayn karaan Somaliya. Mudo 6-bilood ah oo ka bilaabanaysa 30-ka Jun ilaa 30-ka Dec ee 2023,ayaa la kordhiyay wakhtiga hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya. Sida la filayo hadaan wax isbadalin ,waxaa qorshaysan in Dec 2024 lasoo afmeero hawlgalka Atmis ee Somaliya. Ku dhawaad 20-ka Kun ee Ciidamada Atmis,ayaa laga saarayaa Somaliya sida la qorsheeyay,iyadoo la rabo in lagu badalo Ciidamo Somaliyed oo BC taageerto.
Hawlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee Atmis Somaliya,ayaa shaaciyay in ay kala baxeen Laba kun oo Askari oo ka mid ah Ciidamada Nabad ilaalinta Somaliya. 30-kii Jun oo shalay ku aadanayd ayay Ciidamadaas 2000- Askari ah ka baxeen Somaliya. Sidoo kale 30-ka Sep iyo 30-ka Dec ee isla Sanadkan min 2000-Askari oo kale,ayaa laga saarayaa Somaliya. Guud ahaan Sanadkan,waxaa qorshaysan in Ciidamo gaaraya 6000-Askari oo ka mid ah 19000-Askari ee hawlgalka Atmis laga saaro Somaliya. Saldhigyada ay banneeyeen Ciidamada Atmis,ayaa lagu wareejiyay kuwo ay diyaarisay Dowlada Dhexe ee Somaliya.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron,ayaa dib u dhigaya booqashadii lagu waday inuu ku tago dalka Jarmalka, taasoo ka dhalatay qalalaasaha ka taagan Faransiiska. Waxay ahayd booqashadii ugu horreysay ee Madaxweyne Faransiis ah ku tago Jarmalka muddo 23 sano ah, waxaana lagu waday in ay qaadato berri ilaa Talaadada. Madaxtooyada Jarmalka,ayaa ku dhawaaqday in “madaxweynaha Faransiiska Macron uu maanta khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Jarmalka Frank-Walter Steinmeier oo uu uga warbixiyay xaaladda dalkiisa. Madaxweyne Macron waxa uu codsaday in dib loo dhigo booqashadiisa qaran ee la qorsheeyay in uu ku tago Jarmalka. Weli lama helin taariikh la qorsheeyay safarka Macron uu ku…
Kooxda Al-Shabaab,ayaa saaka Qarax miino kula eegtay Deegaanka Daaru-Nimca oo hoostaga Degmada Ruun-Nirgood Xoghayihii Degmada Abuurkar Jawiin Caddow. Qaraxa,ayaa waxaa ku geeriyooday Xoghaye Abuukar iyo Darawalkiisii. Maalin ka hor ayay ahayd markii Shabaab ay sheegteen in ay la wareegeen Gacan ku haynta Deegaanka Daaru-Nimca. Dowlada Fadaraalka,ayaa horay ushaacisay in Degmada Ruun-Nirgood iyo Deegaamadeeda ay ka sifaysay Shabaab.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa kaga qayb-galay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe Munaasibadda Xuska Sanad Guurada 63-aad ee kasoo wareegatey 1960, xornimaddii Gobolada Koonfureed ee Dalka iyo midawgii ummadda Soomaaliyeed. Munaasibadda xuska 01 Luulyo waxaa qayb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif oo ka mid ah masuuliyiinta SSC, maamulka gobolka Nugaal iyo Kan Degmada Garoowe, siyaasiyiin, haween, dhallinyaro iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay munaasibadda ayaa ku dheeraaday muhiimadda mugga weyn ee ay inoo leeyihiin maalmaha Xuriyadda…
Safarka Madaxweyne Deni ee Itoobiya iyo Kenya… Itoobiya? 1.Itoobiya oo weli wada Wadahal dhex-dhexaadin oo ku aadan Deni iyo Xasan. 2.Xal uhelida Dagaalka Laascaanood. 3.Sii xoojinra tababarada Itoobiya ay siiso Ciidanka Puntland. 4.Xoojinta amniga Labada dhinac. Kenya? 1.Shir ku saabsan (Quick Project),Degmooyinka ay ka hirgaleen Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka. 2.Ka qaybgalka Mashaariicda World Bank oo PL loosoo fasaxayo. Jibril Qoobey.
Somalia and Comoros agreed to send senior officials as observers to a ministerial meeting of the Negev Forum, a group that includes the U.S., Israel, Egypt, the United Arab Emirates, Bahrain and Morocco, two Israeli officials tell Axios. Why it matters: The two Muslim-majority countries, which are also members of the Arab League, don’t have formal diplomatic relations with Israel. Officials from both countries have been conducting quiet talks with Israel for years and have recently visited Israel secretly, the Israeli officials said. Attending the meeting could be a modest, yet significant, step forward in the normalization process between Israel…
Madaxweyne Ruto,ayaa si ka fool ka fool ah ujeediyay hadalo ka dhan ah reer Galbeedka iyo Hay’adaha Lacagta Aduunka. Hadalladiisii,waxaa ka mid ahaa…. 1.Mar dambe ma rabno IMF iyo Bangiga Adduunka. 2. Waxaan ubaahannahay qaab-dhismeed maaliyadeed oo cusub oo dawladnimada iyo awooddu aanay gacanta ugu jirin in yar (Urur cusub oo siman). https://twitter.com/russembkenya/status/1673916634489311233?t=zOg8W2UDtqwrgbj0Hme5Nw&s=19
Halkan ka daawo muuqaalka https://youtube.com/watch?v=k39aLLoNJPM&feature=share7
In ka badan 1.8 milyan oo Qo oo gudanaya Xajka Sannadkan,ayaa ku ciidaya Xaramka barakeysan ee Magaalada Makka. War Talaadadi kasoo baxay Dowladda Sacuudiga,ayaa lagu sheegay in xujyedaasi ay ka kala yimaadeen in ka badan 150-Waddan oo caalamka ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtube.com/live/uKvtQyOtmA0?feature=share7
Golaha Ammaanka QM ayaa Talaadadii lix bil cusbooneysiiyey ogolaanshaha joogitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, balse ansixiyey qorshe si tartiib ay uga baxayaan dalka illaa ay ka wada dhammaadaan. Ciidamada Midowga Afrika, oo mar horeba billaabay ka bixitaanka Soomaaliya, ayaa waxaa la siiyey illaa dhammaadka September, si ay dalka uga saaraan 3,000 oo askari oo kale oo dheeraad ah. Golaha Ammaanka ayaa bishii April ee 2022 ansixiyey in ciidamada AMISOM oo la aas-aasay 2007 lagu beddelo ciidamada ATMIS, oo la siiyey awood dheeraad ah oo ay kula dagaalamaan Al-Shabaab. ATMIS oo ka kooban 19,000 oo askari iyo saraakiil boolis ah…