Author: Jibril Qoobey.

Garaadada,waxuu si cad ugu yiri Xasan Shiikh…”Somaliland,ayaa laydin yaqaan oo aad ku xisaabsan tihiin,mana aqoonsan karo Maamul SSC”. Kadibna Mahad Salaad,ayuu ku yiri anba bixi Garaadada. Mida kale Garaadada maba casumin si toos ah Xasan Shiikh ee waxaa safarkooda Xamar abaabulay ku xigeenka Aqalka-sare Cabdullaahi Tima-cade. Xoghaye Xamse wax hiil ah uma muujin Garaadada. Jibril Qoobey.

Read More

Fadhiga Golaha Shacabka lama hor keeni doono warkii kasoo baxay Madasha aan loo dhamayn. Ajandaha Qodobka ku jira,waa mid ka hadlaya sharciyad siinta Gudiga dib U Eegista Dastuurka,waana dhaqan caadiya in Sanad walba lagu furo Qodobkaas fadhiga Golaha. Warkii kasoo baxay Madasha,waxuu ku hor imaan karaa Golaha Labo arimood midkood,kuwaasoo kala ah… 1.In Golaha Wasiiradu ka doodaan,kadibna usoo gudbiyaan. 2.In 11-Xildhibaan Mooshin ku keenaan oo Gudoonkuna ku raaco. Sida muuqata warkii Madasha aan loo dhamayn kama gadmayo Golaha Baarlamaanka. Jibril Qoobey.

Read More

Ma’ahan markii ugu horaysay oo uu ballanqaad usameeyo Garaadada Axmed Madoobe. Iskabadaa in uu fuliyo ballanqaadyadii hore,waxuu si cad udiiday in uu soo saaro Warqad uu ku taageerayo halganka Sool ka socda. Haatan Garaadada,ayuu isku sawiray,waxuuna usheegay in uu halganka ku darsanayo Dhaqaale iyo Saanad Ciidan. Looba jooge?? Jibril Qoobey.

Read More

Tasci,Caleema saar iyo Deeq raadin Shaqo kale oo dibada ah dalka faa’ido u ah odaygu ma wuusan hayn? Ilaa hada Hal Safar oo macno uleh Dalka iyo Dadka kuma jiraan Kunka socdaal ee uu galay. Heshiisyo Garoomo,Dekado,Wadooyin iyo dan guud safar ah waligiis Xasan uma bixin,waxa uu raadiyo waa Lacag Cadaan ah. Su’aasha iswaydiinta mudan waxay tahay Ra’isalwasaaraha iyo Wasiiradu maxay utaagan yihiin? Jibril Qoobey.

Read More

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in kadib codsi ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weerar is-difaac ah ka fuliyeen deegaanka Wayanta ee Soomaaliya 1-dii June. War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in qiimeyn horudhac ah ay muujineyso in weerarka oo ka dhacay meel 60 km koonfur galbeed ka xigta magaalada Kismaayo ay ku dhinteen saddex ka mid ah Al-Shabaab. Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in qiimeynta ay muujineyso in wax shacab ah aysan ku dhaawacmin ama ku dhiman weerarka. “AFRICOM iyo ciidamada la shaqeeya ayaa sii wadi doona qiimeynta natiijada howlgalkan, waxayna bixin doonaan macluumaad…

Read More

Sida ay xaqiijinayaan Ilo lagu kalsoonaan karo isfahanka ay wada saxiixdeen Somaliya iyo Ruushka,waxuu ku salaysan yahay Kooxda Wagner. Abshir si gaar ah,waxaa loola kulan siiyay Sarkaal KGB hawlgab ka noqday oo kooxda Wagner qayb ka ah. Isfahanka rasmiga ah,waa in kooxdaas ka hawlgasho Somaliya,gaar ahaan Puntland oo Ruushku danaynayo. Waxaa,wakiil gaar ah laga dhigay Gabadha M.Xasan,iyadoo Khadar Faroole oo dhanka PL loo wakiishay. Dhanka dhaqaalaha lagu hawlgalayo,waxaa lasoo marsiinayaa Abshir iyo Gabadha Xasan. Hawlgalkii khal-khal gelinta Doorashada ee Garowe,waxuu ahaa shaqadii ugu horaysay oo Khadar fuliyo,sida wararku sheegayaan. Ruushku,waxuu isku dayayaa loolan in uu kula galo reer Galbeedka Qaarada…

Read More

Wadahadallo laba geesood ah oo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya mucaaradka Kenya iyo dowladda madaxweyne William Ruto ayaa hakad la geliyay muddo aan la cayimin, sida uu Arbacadii sheegay madaxa wadahadalladaasi. Wadahadallada ayaa la hakiyay kadib markii dowladdu ay ku guuldareysatay inay buuxiso dalabaadka mucaaradka, sida uu sheegay Otiende Amollo, oo ah guddoomiyaha wadahadallada labada dhinac. Isbaheysiga mucaaradka Azimio La Umoja ee uu hogaamiyo hoggaamiyaha rug cadaaga Raila Odinga ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyay isbaheysiga uu hogaamiyo Ruto ee Kenya Kwanza (Kenya First). Odinga ayaa hor kacayay mudaaharaadyo toddobaadkiiba laba jeer…

Read More

Waxaa muuqata in Xoghaye Xamse fahan badan uusan ka haysan,waxii kasoo baxay Madashii aan loo dhamayn ee Xamar. Marka la fiiriyo hadalkii Maanta ka jeediyay Shirkii Golaha Wasiirada Dowlada dhexe,waxaa kusoo baxaysa waxa loo diray isaga iyo waxa Xasan Baarlamaanka ka hor sheegay in sy kala Labo yihiin. “Xasan,waxuu noo sheegay,waxii kasoo baxay madasha aan loo dhamayn in ay tahay talo soo jeedin ee aysan ahayn Sharci lagu dhaqmayo?? Xoghayntu,waxuu na leeyahay waa heshiis ay tahay in la fuliyo oo Wasaarad walba ay ku hawlgasho?? Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1664244592621830144?t=J_lnwd8mVs113jm2UZ_pxQ&s=19

Read More

31daMay,2023- Dallada Ururrada Bulshada Rayidka Puntland (PUNSAA) iyadoo ka duulaysa Qiyamka iyo Mabaadi’da ay ku dhisantahay ee ah maamul-wanaaga iyo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed waxay xoojinaysaa mar walba in hannaanka dhismaha dowladnimada soomaaliyeed iyo go’aamada masiiriga ah ay noqdaan kuwa lagu gaaro qaab Wadar-ogol ah oo lagu wada qanacsan yahay. Bulshada Rayadka ah ee Puntland waxay u aragtaa go’aamadii kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran(GWQ) kuwa aan daawo u ahayn khilaafaadka Siyaasiga ah ee dalka ragaadiyey, waxayna sii abuureen dareen ah bulshadu inay ka quusato xal u helida ismari-waaga siyaasadeed ee haatan taagan iyo mindimada ummadda soomaaliyeed guud ahaan. Golaha Wadatashiga Qaran…

Read More

“Somaliland la fariista,Anagaa ballan-qaadayna in ay Gooja-cade ka baxayaan”Ayuu Xasan hordhigay Garaadada. Ujeedka hadalkaas,waa in Caalamka iyo Somalida la tuso in Sool SL ka mid tahay. Sidoo kale,waxaa loo sharciyaynayaa hadalkii Muuse Biixi ee ahaa..”Halaysku kaaya daayo Anaga reer SL,ayaa wada hadlayna”. Hadalkii kale ee Muuse,ayaa isagana wado fur loogu samaynayaa,kaasoo ahaa…”Dowlada SL waxay diyaar utahay in wixii tabasho ah ay ka dhagaysato reer Sool oo ay yihiin Dadkeedii oo ay udhibrinayso”. Garaadadu haday aqbalaan,iyadoon Gooja-cade aysan ka bixin SNM wada hadal,waxay fashiliyeen halgankii meesha sare marayay. Xasan,waxuu Wado fure uyahay Muuse Biixin ee yaan lagu kadsoomin. Jibril Qoobey.

Read More

Magaalada Buulomareer oo Toddobaadkii hore ay Al Shabaab ku qaadeen weerar saldhig halkaas ku yaal oo ay ku sugnaayeen ciidamada Uganda ee ka tirsan kuwa nabad ilaalinta Afrika ee ATMIS ayey dadku badanaa ka qexeen. Sida ay wararku nagusoo gaarayaan, ma jirto cid hadda gacanta ku haysa maamulka magaalada oo ay isaga bexeen ciidamadii halkaas lagu weeraray ee Uganda iyo sidoo kale kuwa Al Shabaab oo la sheegay in iyaga qudhoodu aysan ku sugnayn magaalada. Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ayaa labaduba ku sugan deegaanka Golweyn oo qiyaastii 7km u jirta magaalada Buulo Mareer. Weerarkaas ayay…

Read More

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta sheegtay inay laba bil kahor ka baxday isbaheysi Mareykanka uu hoggaamiyo oo ka shaqeeya ammaanka badda Bariga Dhexe kadib markii ay qiimeysay xiriirkeeda amni. Ciidamada Isku-dhafka ah ee Badda waa xoogag ka kooban 34 dal oo fadhiggoodu yahay saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee Bahrain, kuwaasi oo ka shaqeeya amniga, ka-hortagga argagixisada iyo burcad badeedda ee Badda Cas iyo Khaliijka. Gobolkan ayaa waxaa ku yaalla qaar ka mid ah marinada maraakiibta ee ugu muhiimsan caalamka, waxaana tan iyo 2019 ka dhacayey weeraro loo gaysto maraakiib, taasi oo sare u qaaday xiisadda Mareykanka iyo Iran. “Ayada oo…

Read More

Hadii Kursiga Madaxweynaha ay ku fadhiyaan Beesha Daarood,waxaa leh Kursiga Ra’isalwasaaraha Beesha Hawiye. Hadii Kursiga Madaxweynaha ay ku fadhido Beesha Hawiye,waxaa leh Kursiga Ra’isalwasaare Beesha Daarood. Waa awood qaybsiga Dalka si loo ilaaliyo ku xadgudubka awooda iyo Hal Gacan in aysan gelin hogaaminta Dalka. Saakay Kursigaa,waxaa ku fadhiya Nin,kaasoo ku matalaya Beesha,waase ku filnaan waayay matalaadii iyo hogaamintiiba. Sidoo kale Ninka kale ee ay ahayd in uu ilaaliyo matalaada oo uu xisaabtamo,waxaa la weynaatay Sanad ku darsiya. Taariikh,ayaa isqortay oo sidaanoo kale Axmed Cumar Jees,ayaa qaatay Gudoomiye Baarlamaan Dowlad ay dhisanayeen Caydiid iyo Tuur oo la oran jiray Salballaar,iyadoo loo…

Read More

Waa kuwan Odoyaashii Siyaasada iyo talada ugu waa weynaa,æ Muuse Suudi iyo Cabdiqaybdiid ahaana Senetero matalayay Beesha Hawiye oo Madaxweyne Deni Ergo uga ahaa Madaxweyne Farmaajo in uu siiyo Ra’isalwasaarahoodii oo markaas ay awood qaybsi ulahaayeen. M.Deni waagaas waa qaaday Ergadaa,isagoo ilaalinaya midnimada Dalka,waana midii keentay in Rooble la magacaabo. Maanta tii oo kale,ayaa taagan oo Hawiye,waxaa Ergo looga yahay in ay Madaxweynahooda ka keenaan Ra’isalwasaaraha Daarood kana joojiyaan ku xadgudubka. Dalku waa awood qaybsi iyo matalaad,Kursiga Daarood halkaa hala dhigo hana helo matalaad sax ah. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1663530590606434305?t=bI1ePTZ0j4ahBxYrcmlB4g&s=19

Read More

Mowqif cad oo la fahmi karo ayay PL istaagtay. “Puntland qayb kama ahayn, mana qusayso warkii soo baxay, kuwii hore waxa aan uga baaqsanay oo aan u saxiixi waynay waxaan arkaynay in meel qaldan loo wado dalka” ayuu yiri Siciid Deni. Madaxweynaha Puntland,ayaa ku baaqay in haddii la doonayo in xal laga gaaro arrimaha masirigga ah ay tahay in Somaliland la soo fariisiyo miiska wadahadalka, wuxuuna yiri “Haddii la rabo xasilooni la’aanta Soomaaliya in la xalliyo waa in Somaliland ay timaado miiska, oo xalka wadajir loo raadiyaa, haddii la kala maqanyahay weligeen wax mira dhal ah soo bixi-maayaan.” “Puntland waxay…

Read More

Kosovo oo ay u badan tahay Qowmiyadda Albeeniyaanka,ayaa wixii ka horreeyay 2008 ka tirsanayd Serbia. Seerbiya,ayaa ka hor timid goosashada Kossovo,waxayna diiday in ay aqoonsato madax bannaanideeda. Waxaa Kosovo dal ahaan u aqoonsan ku dhawaad 100 dal oo uu kamid yahay Maraykanka. Dalalka diiddan waxaa kamid ah Shan Waddan oo Midowga Yurub ka tirsan, Shiinaha iyo Ruushka. Kosovo,ayaa u baahan in ay heshiis buuxda la gaarto Seerbiya si ay xubin uga noqoto Qaramada Midoobay una noqoto Dal laga aqoonsan yahay caalamka oo idil. Magaalada Mitrovica ee xarunta u ah Gobolka Waqooyi,ayaa u kala qeybsan deegaanno ay kala leeyihiin Seerbiyiinta iyo…

Read More

Iyadoo aysan wax badan ka hirgelin Xabad joojinihii hore,ayay markale sheeciyeen Labada dhinac in ay gaareen Xabad joojin qaadanaysa 5-Beri. Heshiiskan,ayaa uimid kadib markii Sacuudiga iyo Maraykanku soo saareen warbicin sheegaysa in dhinacyada ku dagaallamaya Sudan ay ku xadgudbeen Xabbad joojinta. Warbixintooda,ayay ku muujiyeen siday uga niyad jabsan yihiin tixgelinta la’aanta Labada dhinac heshiisyada la gaaro. Dad badab,ayaa u arka in Maraykanka iyo Sacuudigu Laba Wajiilaynayaan oo aysan daacad ka ahayn in Nabad lagu soo dabaalo Sudan. Sida muuqata qorshihii burburinta Sudan si wacan,ayuu usocdaa. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtube.com/watch?v=gBjllbnLofQ&feature=share7

Read More

Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa shaaciyey Isniintii qorshe ay hawada sare ugu dirayaan dayax-gacmeed sahan ku soo sameeya, walxo-cireedyada ku gedaaman bah-cadceedeedda (Solar System). Dayax-gacmeedkan cusub ayaa la filayaa inuu shaqadiisa bilaabo sannadka 2028, taasoo laga yaabo inuu jaro xawaare gaadhaya illaa 33,000 oo KM saacaddii, wuxuuna safarkiisu qaadan doonaa muddo toddoba sannadood ah, isaga oo sahamin doona illaa lix ka mida walxo-cireed oo kala duwan. Imaaraadka Carabta ayaa sannadkii 2020 waxay meeraha Mars u direen dayax gacmeedkoodii ugu horreeyey. Imaaraadka Carabta ayaa noqday dalkii ugu horreeyey ee Carbeed ama dalkii labaad ee dunida ee si rasmi ah ugu guulaysta…

Read More

Doorasho iyo Dimuqraadiyad,waxaan ahayn waa laga waayay Afka hogaamiyayaasha Somalida doorashadii PL kadib. Jihadii Siyaasada Somalida,waxaa badalay Doorashadii Dadweynaha ee Puntland. Axmed Madoobe in uu Dimuqraadiyad ka sheekeeyo waxay ku timid Cod dhiibashadii Shacabka Puntland. Guud ahaan Somaliya,waxaa laga doodayaa Doorasho iyo sida ugu haboon oo ay uqabsoomi karto. Hooyada Dimuqraadiyada iyo Fadaraalka ayay PL isku noqotay. Halkan ka daawo muuqaalka https://twitter.com/JibrilQoobey/status/1663115856031744002?t=qM3v_iUZWz9IVxRUX9COmQ&s=19 Jibril Qoobey.

Read More

Shalay,waxuu ku dhaliilayay Farmaajo,ayuu Maanta isagu samaynayaa Xasan Shiikh. Baarlamaankii Shalay uu ku habar wacanayay in ay Dalka badbaadiyaan oo ay Farmaajo ka qabtaan ku tumashadiisa Dastuurka,ayuu Beri rabaa in uu la hor tagayo qorshe Dastuurka baalmarsan. Fadhiga Baarlamaanka Fadaraalka Berri waa furis caadiya,hadii su’aalo loo ogolaado in ay waydiiyaan Xasan,waxaa abaabulan Xildhibaano door ah oo diidan qorshihiisa Dastuurka ka hor imaanaya. Waxaase jira guux xoog leh oo Xildhibaanadu kaga hor imaan doonaan qorshaha Xasan inta Kalfadhigan socdo. Xildhibaanada,waxaa laga rabaa in ay hor istaagaan hanka Ninkaas oo khatar ku ah Dastuurka iyo guud ahaan Dowladnimada Dalka. Halkan ka…

Read More

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku guuleysay doorashadii ku celiska aheyd ee madaxweynaha waddanka Turkiga, kadib markii uu helay in ka badan 52%, sida shaacisay walaaladda wararka ee AFP. Codadkii ilaa hadda la tiriyay ayuu Erdogan ku guuleystay 52.3 boqolkiiba, halka Kemal Kilicdaroglu uu helay 47.7 boqolkiiba, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Anadolu. Af hayeenka xisbiga talada haya ee Erdogan, Omer Celik, ayaa si gooni gooni ah u sheegay in uu taageero xooggan ay shacabka Turkigu siiyeen madaxweynaha la doortay. Guusha Erdogan waxa ay sii dheerayn doontaa xukunkiisa. AFP, Reuters.

Read More

Uganda’s President, @KagutaMuseveni, has made a statement regarding the recent al-Shabaab attack on a #UPDF base in Bulo Marer on May 26. The President did not disclose the exact number of casualties. However, he revealed that approximately 800 al-Shabaab fighters were involved in the attack, and acknowledged that the Alshabab successfully overwhelmed the base. Al-Shabaab has released photos that they claim are from the recent assault on the military base of @ATMIS_Somalia in Bulo Marer, asserting that they have killed 137 #UPDF soldiers and taken others as captives. However, the accuracy of these claims has not been independently confirmed yet.…

Read More

Hadii qolo lagu ilhaameeyay Warmurtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Madasha aan loo dhamayn ee Xamar,waa Beesha Daarood. Ilhaamadaas,waxaa Beesha Daarood usoo jiiday Labada Siyaasi ee Xamse iyo Axmed Madoobe oo noqday wax uu isticmaalay M.Xasan. Dooda waxba kuma darsan,mana keenin aragti dhankooda ah,waxaana la yaab noqotay Ninka Ra’isalwasaaraha ah ee Gacantiisa ku saxiixay Kursigayga looma baahna. Axmed Siyaasada,waxuu ka fahmay mabda’a ha yeelan. Ceeb kale kama dhicin Xamar ee Laba Siyaasi oo midna yahay RW midna yahay Madaxweyne oo Maxamed Subeer ah,ayaa taariikh ka tagey. Siyaasiga Hawiye waxba ma gaarin,midka Direed waxba ma gaarin,midka Raxan-weyn waxba ma gaarin. Jibril Qoobey.

Read More

Xigmada ku jirta Warka kasoo baxay Shirka Madasha aan loo dhamayn ee Muqdisho,waxay tahay.. 1.In la carqaladeeyo guusha Doorashada Dadweynaha ee PL ka qabsoontay. 2.In mudo kororsi xaaraan ah lawada sharciyaystay oo min Hal Sano lagu wada darsaday ilaa Dowlada Dhexe. 3.In Muuse Biixi boos loo raadiyo oo M.xigeen Dalka loo sameeyo. Dhamaan waxa ay soo saareen waa soo jeedin aysan la waafaqsanayn qaybaha Siyaasada Somalida talada iyo go’aamada ku leh,isla markaana baalmarsan Dastuurka. Isku soo wada duuboo ujeedadoodu waa carqaladayn Doorashada PL iyo ansaxsasho mudo kororsi sharcidarro ah. Jibril Qoobey.

Read More

*WARSAXAAFADEED* Ku:Dowlada Puntland Ku:Shacabka Puntland Ujeedo: Hambalyo & Bogaadin. Waxaan halkan idiin kusoo Gudbinaynaa anagaa ku hadlayna Codka GOLAHA DARYEEL WAAMO Hambayo iyo Bogaadin aan lasoo koobikarin taasoo kasoo go’oday quluubta dadka aan afkooda ku hadlayno. Golaha Daryeel waamo waa Gole ay kumidaysan yihiin, Qurbajoogta iyo Gudajoogta, Reer Jubaland, ee Beelaha MEHERI ISMAIL IYO HARTI KOOMBE. Golaha Daryeel waamo Wuxuu Dowlada Puntland iyo shacabka Puntland ba ugu hambalyeynayaa Doorashadii Golayaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland, darashooyinkaasoo ka qabsoomay 32degmo oo kamida Degmooyinka Puntland. Golaha Daryeel waamo Wuxuu bogaadinayaa sida habsamida iyo nabadgelyada leh, ee doorashoonkasi ku dhaceen iyo bisaylka ay Dadka Reer…

Read More

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland, Wasiir kuxigeenka Amniga, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada, Taliyaha Booliska Puntland, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug iyo saraakiil kale ayaa Maantay booqasho ku tagay Xerada tababarada General Carays Godad ee Degmada Gaalkacyo. Ciidamada oo ka tirsan booliska Dowladda Puntland ayaa mudo tababar u socday, waana dufcad cusub oo qaadan doonana tababaro kala duwan. Mas’uuliyiinta ayaa goobta kula hadlay ciidanka, kuna bogaadiyey in ay tababarka u qaataan sidii ay ugu adeegi lahaayeen Dalkooda iyo dadkooda.

Read More

Boosaaso: 27 May 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Xildhibaan Ismaaciil Cali Maxamed oo kamid ah Xildhibaanada Gobolka Ohio ee Dalka Maraykanka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu kujiro Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Gobolka Ohio Mudane Cabdi Aaden Geesay. Xildhibaanka ayaa ka mid ahaa korjoogtada u timi Doorashadii Goleyaasha Deegaanka Puntland ee qabsoomtay 25-kii May, wuxuuna maalintii Doorashada booqday goobaha codeynta isagoo kormeeray sida habsamida leh ee Doorashadu u socotay. Waxaa kulanka Madaxweynaha kala qeybgalay Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Maxamed (Siibad) oo ka mid ah Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Mustaqbal, Wasiiro ka tirsan…

Read More

Waxaan marka hore hambalyo iyo bogaadin u dirayaa reer Puntland oo idil oo ay ugu horeeyaaan Madaxwayana iyo xukuumadiisa, Guddiga KMG ee Doorashooyinka iyo dhamaan shacab waynaha reer Puntland khaasatan intii codkooda ku ciil baxay. Waa maalin taariikhi ah oo hooyadii Federalku ay muujisay kaalinteeda hogaamineed ee siyaasad wadanka ayadoo hormuud unoqotay in ay taabo galiso nidaamka golayaasha deegaanka ee ay ku taamaysay ilaa maalintii la yegleelay. Hanaankaan doorasho ee maanta Puntland hirgalisay wuxuu tusaale iyo kudayasho u yahay dhamaan gobolada kale ee wadanka. KU DAYO PUNTLAND, KU DAYO. Hambalyo iyo marxabayn kadib waxaan rabaa in aan wax yar kadhaho…

Read More

Soo raaca Dimuqraadiyada oo ka hirgaliya Doorasho Dhulka aad masuulka ka tihiin,ayuu Madaxweyne Deni usheegay Madaxda kale ee Somalida. Fariintan waxay taabanaysaa Shirka loogu yeeray Madasha Qaran ee Muqdisho ka socda kaasoo macno tiray Shirweynayaashii looga xaajoon jiray Danaha Ummadda. Xaqiiqdii Madaxweyne Deni waa ku digtay oo ku tiiq-tiiqsaday Madaxda Somalida kale iyo BC,waxuuna muujiyay in ay PL ka weyn tahay Maamul loo yeeriyo danihiisa loona tilmaamo jihada ay tahay in uu Aado. Si gaar ah Xasan Shiikh oo sheegay in PL ku burburayso 24-Maalmood gudahood,daadifeeyayna Doorashada Golayaasha ayay u tahay jawaab celin halkeedii la dhigay. “PL waa nidaam si…

Read More

Xeradii Ciidamada Atmis ee Buulo-mareer,waxaa qabsaday Shabaab. waxay ku dileen 130-Askar oo Ugandhays ah,waxayna ku dhaawaceen tiro intaa ka badan,sida ay sheegsyaan wararka Deegaanka laga helayo. Sidoo kale,waxaa jira Ciidamo Igandhays ah oo ay Nolol ku qabsadeen argagixisada Shabaab. Shabaab,waxay kaloo ku qabsadeen Xeradaas Hub fara badsn. Duqeymo ay fuliyeen Diyaaradaha Ciidanka Ugandha,waxaa ku dhintay Shacab gaaraya  Laba Qof,iyadoo mid kalana ku dhaawacmay. Ciidan Somaliya oo fadhoyay Buulo-mareer,ayay wararku sheegayaan in uusan soo gaarin khasaare oo ay iskaga Baxeen. Ciidanka Atmis war kama soo saarin weerarkaan lagu gaarsiiyay khasaaraha Lixaadka leh.

Read More

Tpec,waxay mudan yihiin bogaadin ku Aadan sida cajiibka ah ee ay uguteen waajibkooda shaqo. Afar Boqol oo Goobood,ayay Hal Seejo kaliya dib udhacday Laba Saac oo ay sababtay Roob da’ay. Majiro Qof ku dhintay Doorashada. Majiro Qof ku dhaawacmay Doorashada. Majiro wax khilaaf ah oo Hal Seejo ka timid. Majiro wax isdaba marin ah oo la sheegay. Majiro wax ceeb ah oo lasoo sheegay. 7-Gobol,30-Degmo iyo 397 Seejo ayay umaamuleen si hufan oo qurxoon. Jibril Qoobey.

Read More

Waa Mahadsan yihiin Maraykanka,Midowga Yurub iyo  guud ahaan Beesha Caalamka ee dhiirigelinta iyo taageerada la garab taagan Dimuqraadiyada Puntland. Bogaadinta ka timid Maraykanka iyo Midowga Yurub waxay macno weyn uleedahay sii socoshada Dimuqraadiyada. Shacabka PL iyo kan guud ee Somaliyed Dimuqraadiyadan,waxay kor uqaaday maqaamkooda iyo sharafta caalamka ay ku dhex leeyihiin. Waxay muujisay in Somalidu ay yihiin Bulsho ilbax ah,nidaamiya,isla markaana Dhulkoodu kaliya aysan ka jirin argagixiso, Abaaro iyo Jahli. Waa waajib caalamiya in la garabgalo Dimuqraadiyada goob walba oo caalamka ah oo ay ka socoto. Halkan ka akhriso:- Jibril Qoobey.

Read More

May 25, 2023 Press Release WASHINGTON—Rep. Ilhan Omar (D-MN) released the following statement regarding the elections taking place in Puntland, Somalia today. “I want to congratulate the people of Puntland and Somalia on their historic elections this week. When I was in Qardo at the end of last year, I was touched by people’s hope for the future and commitment to democracy. I urge all involved to ensure a peaceful and fair election process. “I want to thank the Puntland President for his commitment and leadership in ensuring elections weren’t just talked about but actually happened. These elections will be…

Read More

Doorashada Golayaasha Deegaanka Puntland si buuxda ayay uqabsoomeen. Amni,kala danbayn,ismaqal iyo Shil la’aan ayay ku dhaceen. Si weyn,waxaa looga taxadaray musuq iyo wax isdaba marin heer walba oo uu yahay. Guud ahaan 30-ka Degmo ee ay ka dhacday Doorashada lagama soo gudbin wax cabasho ah. Xogaha hordhaca ah ee aan helayno waxay sheegayaan in Ururada Mideeye,Kaah iyo Mustaqbal ugu cad cad yihiin. Kaah iyo Mideeye dhamaan Degmooyinka,waxay ka muujiyeen loolan isu dheelitiran. Halka Mustaqbal uu ku xoog badan yahay Mudug iyo Bari. Ururada kale waa iska macquul Dadka usoo baxay. Puntland maanta taariikh ayay samaysay. Jibril Qoobey.

Read More

Shacabka Puntland,ayaa udareeri doona codeynta doorashada Golayaasha Deeggaanka Puntland xaqiiqdii waa horumar aad loogu farxo dhanka xaqa muwaadinka ayadoo ay wax dooranaya amma la dooranayo, waxayna tusaale & horseed, hurumar u tahay Soomaaliya oo dhan. Hubaal waa maalin wayn oo taariikdu xusi doonto iyo waa cusub iyo wado cusub oo ay puntland qaadey Sidookale waa malin farxadeeda leh oo uu shaqeeyay rabitaan shacab ay doorasho goladeegaan oo ay shacabku soo dooranayaan Inka badan 30 degmo. Illahay Idankiis waxaan rajaynayaa inay wadadaas qaadi doonaan dowladaha xubinta ka ah dowladda federaalka ah iyo dowladda dhexe-ba wadadaas horumarka ah ee 1Q1C guushaas ay…

Read More

Ilaahay mahadii si qurux badan ayay ubilaabatay una socotaa Cod bixinta guud ahaan Puntland. Waxaan ka adkaanay Sadex Kooxood saakay. 1.Xasan Shiikh. 2.SNM. 3.Aaran-shaydaan. Waxaan difaacanay doorkeena curadnimo ee Somaliya,waxaana ka guurnay Xeradii hore oo aan urarnay Somali Xero cusub. Waxaan muujinay bisaylkeena iyo Ilbaxnimadeena. Waxaan banaanka soo dhignay awoodeena Dadeed iyo Dhuleed.  

Read More