Author: Jibril Qoobey

Rag aan haybtooda la garan ayaa saaka laba bam gacmeed ku tuuray xarunta maxkamadda darajada 1aad ee magaalada Boosaaso. Ilaa hadda inta la ogyahay 3 qof oo mid ka mid ah uu shaqaale ka ahaa maxkamadda ayaa ku dhaawacmay. Ragga bamka tuuray oo lugaynayey ay goobta ka baxsadeen, halkaasoo ay markii dambe soo gaareen ciidanka amaanka. Todobaadkii hore ayey ahayd markii sidaasoo kale bam gacmeed lagu tuuray bar koontarool oo taallay gudaha magaalada, ayadoo ay ku dhaawacmeen 3 askari oo midkood uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka birmadka. Halkan ka dhgaayso codka Gudoomiyaha Maxkamada

Read More

Mudane Cabdixakiin Camey ayaa u sheegay madaxweynaha Soomaaliya in ay jiraan xoolo dhaqato Soomaaliyeed oo ku soo hayaamay qaar kamid ah Gobolada Puntland,kuwaasoo ka kala yimid Waqooyiga, Galbeedka, iyo Koonfurta Soomaaliya. Camey iyo farmaajo ayaa isla qaatay in Dadkan soo hayaamay  ay u baahanyihiin gargaar deg deg ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/-ZNzf5CQL58

Read More

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiis kiisa ka soo saaray  degreeto xeer  Madaxweyne LR.21 ee March 03 2017 kuna saabsan xilka qaadis Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Puntland (PHA). Madaxweynaha Dawladda Puntland. Markuu arkay:              Dastuurka Dawladda Puntland. Markuu arkay.             Garawsaday baahida loo qabo isbedel lagu sameeyo Maamulka sare ee   Hay’adda Wadooyinka Puntland. Markuu tixgeliyey:      Talo soo jeedinta Guddiga sare ee Hay’adda PHA (BOD). Wuxuu xeeriyey: Wuxuu xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Puntland Maxamuud Cabdinuur Aadan.   Waxaa xilkaas si KMG ah usiihaynaya Guddomiye ku xigeenka Hay’adda Wadooyinka Puntland. Xeerkani wuxuu Dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu…

Read More

Madaxweynaha Dawlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay shacabka Magaalada Bosaso kula caweeyay maqaaxiyaha lagu qaxweeyo ee caadiga ah. Gaas oo aan wadan wax istaaf ah ayaa dhex lugeeyay goobaha Ganacsiga iyo Maqaaxiyaah lagu qaxweeyo,waxuuna slaaan iyo kaftan la dhexgalay shacabkii ku sugnaa Goobahaas, Dhanka kale Madaxweyne Gaas ayaa shalay galab Xeebta Bosaso waxuu nasashadii Jimcaha kula qaatayshacabka Bosaso . Madaxweynuhu waxuu halkaa kula ciyaaray Kubad shacabkii usoo dalxiiska tagay Xeebta Macaan ee Bosaso,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka 1aad https://youtu.be/o6GQzUCKQ3A Halkan ka daawo muuqaalka 2aad https://youtu.be/P9yn3M2NFRA

Read More

In the midst of a long transitional period, political divisions, an active insurgency, and the worst drought in over a half-century, President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed appointed Dr. Abdiweli Mohamed Ali to head the Transitional Federal Government of Somalia in June 2011. Prime Minister Abdiweli Mohamed Ali was tasked with forming a new and effective cabinet, turning back the tide against the insurgency of the Alshabab terror group, responding effectively to the worst drought and famine in 60 plus years and to driving progress on the impossible task of ending Somalia’s long transitional period and creating permanent democratic institutions in…

Read More

Saraakiisha Ciidamada Milatariga ee Wadanka Kenya ayaa sheegtay in Howlgal Qorsheysan oo ay ka fuliyeen Gobolka Jubbada Hoose ay ku dileen Dagaalameyaal aad u badan oo ka tirsan Shabaab. Saraakiisha ayaa sheegay in illaa 57 Dagaalame oo Shabaab ah ay ku dileen Agagaarka Degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose, islamarkaana Howlgalkaas ay ka Gacan siiyeen Kenya Ciidamo Mareykan ah. “Waxaan halkaas ku dilnay Shabaab aad u badan oo doonayay in ay qaadaan Weeraro lagu dhibaateeyo Dad aan waxba galabsan,markii aan Xogtaas helnay ayaan ku duulnay”ayey Warbaahinta Kenya u sheegeen Saraakiisha Ciidamada Kenya. Al-shabaab iyo Maamulka Jubbaland weli kama hadlin Howlgalka…

Read More

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrye ayaa xilkii ka qaaday xoghayihii joogtada ahaa ee xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya Cabdisalaam Salwe.   Cabdisalaam Salwe oo sanadkii tagay bartamihiisii loo magacaabay xilkan ayaa hadda lagu badalay Maxamed Keynaan oo horey uga mid ahaa guddigii heer federaal ee hirgalinta doorashooyinka dadban ee Soomaaliya, wuxuuna ahaa  afhayeenkii guddiga doorashada.   Salwe ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook  ku sheegay inuu soo dhoweynayo xil ka qaadista lagu sameeyay, isagoo u hambalyeeyay masuulka lagu badalay.   Waxaa kale oo uu u mahad celiyay Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, oo xilkaas u magacaabay iyo…

Read More

Kulankaan oo dabo socdey kulamo maalmahaan u dhexeeyey dawladda Puntland iyo Bangiga adduunka isla markaana looga arrinsanayey sidii dib u eegis loogu samayn lahaa isla markaana loo dardargelin lahaa mashruuca CIP ee Tayaynta iyo shaqo-qorista ee uu dawladda Puntland  ka caawinayo Bangiga adduunku ayaa ka qabsoomay WasaaraddaMaaliyadda Puntland. Kulanka ayaa waxaa  guddoomiyanayey Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Shiikh Axmed, waxaana goob joog ka ahaa Madaxa Mashruuca CIP ee Soomaaliya Mr Alex Xiriiriyaha Mashruuca CIP ee Puntland Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Xubnaha hagaya Mashruuca iyo Agaasimeyaasha kala duwan Wasaaradda Maaliyadda. Ujeedka kulanka ayaa sidii dib u habayn iyo dib u casriyayn loogu samayn…

Read More

Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Kulanka Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland iyo Madaxweynaha DFS ay yeesheen ayaa waxa uu daarana arrimo la xiriira abaarta ka jira guud ahaan Soomaaliya Gaar ahaan Puntland iyo sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camay oo u hambalyeeyey guushii uu dhowaan ka gaarey tartankii Madaxweyne nimo ee Hogaaminta Soomaaliya. Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa ugu horay waxa uu uga  warbixiyey Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo abaarta…

Read More

IIBGEEYN Iibgeeyntu macnaheedu waa macaammil ganacsi dhexmara iibiyaha iyo iibsadaha ee qaybta sayladda markaas bartilmaameedka ah (target market). Halkaas lacag caddaan ah ama wax kale oo loo arko in qiimo lacageed leeyihiin sida: dhul, guri, dahab, iwm, lagu kala beddesho sida alaabo ama adeegyo. Inkastoo qof mar ii sheegey in iibintu tahay farshaxan heshiis hoosaad (closed deal) la gaadhay, taas oo macnaheeda iyo nuxurkiisuba yahay. Sidaan horeyba u soo xusay, waa macaammil dhexmara iibiyaha iyo iibsadaha ee qaybta sayladda markaas bartilmaameedka ah (target market). Haddaad xiiseeynayso in aad hagaajiso xirfaddaada iibgeeyneed, waxaad ogaanaysaa in taasi ka kooban tahay…

Read More

Saaxibadiisa xisbiga Jamhuuriga ayaa ka dalbadey in uu iska casilo hoggaaminta baaritaanka xiriirka Ruushka iyo Trump, sidoo kale waxay ka dalbadeen in uu naftiisa difaaco eedaha loo jeedinaayo. Baaritaanka ay waddo hay’adda FBI ayaa noqdey mid aan lagu kalsoonaan karin kadib markii uu noqdey ninka hoggaaminaaya mid kamid ah kuwa baaritaanku lugaha la geli karo,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/PAX5mk5dpLc

Read More

Taliska Ciidamada Amaanka Puntland ee PSF ayaa waxa ay ay war ka soo saareen Gaari waday waxyaabaha Qara oo dhawaan lagu qabtay Duleedka Magaalada Galkaacayo. Gaariga waday waxyaabaha qarxa oo loo yaqaano Candhabeedle ayaa waxa uu iskaga kala gooshi jiray Magaloyinka Baladweyne iyo Bosaaso. Taliska Ciidamada PSF puntland ayaa sheegay Baaris kadib ay ogaadeeyn in Al Shabaab ay doonayeeyn in ku haligaan Qaraxaasi dadka shacabka ee kunool Magaalada Boosaaso sida lagu sheegay Waraka ka soo baxay Taliska PSF Puntland. Taliska Ciidamada Amaanka PSF ayaa ugu digay milkiilayaasha gaadiidka in gawaaridooda loo adeegsado falal noocaan oo kala ah gaarigii lagu qabtana…

Read More

Qaar ka mid ah warbahinta Soomaaliyeed ayaa Xabsiga ku booqatay 118 Soomaali ah oo ku eedaysan burcad badeednimo kuwaas oo ku jira xabsi u dhow magaalada Bombay ee Dalka Hindiya. Maxaabiistaas oo aad looga dayrinayo  Noloshooda iyi caafimaadkooda ayaa waxaa warbixin ka diyaariyay Ibraahim Cumar baafo,hoos ak daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/tqn8_BIFG84

Read More

Ra’iisal Wasaarihii hore mudane Cumar Cabdirashiid oo kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyay xubnaha golaha wasiirada ee la soo shaqeeyey isaga oo ku ammaanay dadaalkoodii iyo waxqabadkoodii intii ay ku howlanaayeen shaqada qaranka. Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale, kula taliyay Ra’iisal Wasaaraha cusub iyo in howsha ugu muhiimsani ay tahay in loo baahan yahay dhameystirka iyo baahinta nidaamka maamul ee dowlad goboleedyada, lana gaarsiiyo min tuulo illaa heer degmo, taasoo ayuu yiri sahli doonta doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hirgasha. Ra’iisal Wasaaraha cusub mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay Ra’iisal Wasaare Cumar iyo golihiisa…

Read More

Agaasimihii Hore iyo Agaasimaha Cusub ee Madaxtooyada Dawladda Puntland oo Qasriga Madaxtooyada Garoowe Xilka Kula-Kala Wareegey. Agaaasimihii hore ee Madaxtooyada Dawladda Puntland Deeq Saleebaan Yuusuf ayaa maanta 2 march 2017 xilka agaasimaha guud ee madaxtooyada ku waree jiyey gaasimaha cusub Mudane. Cabdinaasir Biixi Soofe. 24 February 2017 ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed cali Gaas waxaa uu digreeto xeer madaxweyne ku soo magcaabay LR.18 agaasimaha guud ee Madaxtooyada Dawladda Puntland Mudane. Cabdinaasir Biixi Soofe. Munaasibada xilwareejinta oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada magaalada Garoowe ayaa agaasimihii hore ee Madaxtooyada dawladda Puntland Deeq Saleebaan Yuusuf oo ka hadlay munaasibadaasi ayaa ku…

Read More

Kulan ay si wadajir ah u guddoominayeen Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Aadan “Farkeeti” iyo Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Ambassador Mrs. Veronique ayaa waxaa ka qayb galay saraakiil ka tirsan ciidanka boliiska oo uu hoggaaminaayey taliyaha ciidanka boliiska sarreya gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa lagu magaalada Muqdisho. Shirka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay daraasad muddo laba bil ah laga sameynayey xaaladda dhaqaale iyo ciidan ee uu boliisku ku sugan yahay, si ay boliisku ugu suurta gasho inuu si hufan u guto hawlihii loo egmaday. Taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed Gen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud…

Read More

Wasiirka wasaaradda caddaaladda ee dalka Maraykanka Jess Sessions ayaa lagu helay inuu xiriir hoose la sameeyay safiirka Ruushka ee dalka Maraykanka,intii lagu guda jiray qaban qaabada doorashada madaxweyne Trump . Kulanka uu la yeeshey safiirka ayuusan ka hadlin ka hor inta aan xilka loo dhaarin, Waxaana hadda laga dalabanayaa in u xilka iska casilo. Laba jeer oo ahayd bishii September ee 2016 ayuu Jess Sessions waxa uu wada hadal la yeeshey safiirka Ruushka u fadhiya magaalada Washington, Sergej Kislyak. Ciidamada Sirdoonka Maraykanka ayaa weli baaritan ku haya farogelinta Ruushku ku sameeyey doorashadii Madaxweynaha ee Maraykanka. Wargeyska weyn ee Washington Post…

Read More

President Mohamed Abdullahi Farmaajo described the drought facing more than six million Somalis today as a “national disaster” and appealed to the international community to help raise  $825 million to prevent the crisis from deteriorating into a famine during the first half of this year. Addressing a high-level roundtable meeting on the drought response in Somalia, the President said the drought had depleted livestock which represent the only asset many Somali people have. “Those of us gathered here today can neither make the rain come nor provide adequate water to keep livestock alive. But we can respond more effectively and…

Read More

Wararka ka imaanaya Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab, ayaa sheegaya in maanta Halkaasi laga afduubtay Labo macalin oo lasheegay in ay ahaayeen ajaanib Kuwaasoo wax ka dhigayey Dugsiyada ku yaala Xeredaasi. Afduubayaashii ayaa la sheegay in ay lasoo galeen Dhanka Guddaha Soomaaliya. Xerada Qaxootiga Dhadhaab waxay hoy u tahay Qaxooti Fara badan oo Soomaali ah. la soco wararkayaga danbe ….

Read More

Wararka aynu ka heleyno Xaafada Xaawo-taako Ee Bariga Magaalada Baledweyne ayaa sheegaya in halkaasi ay Goor dhow la Wareegeen Ciidamo Gadoodsan oo Boolis ah. Waxaana la sheegay in Ciidamadan  Qabdasaday Xaafada Xaawa-taako ay ka Cabanaayaan Mushaar la’aan Heysata,iyagoo sheegay in Mudooyinkii Dambe aysan Qaadan wax Mushaar ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/EeEip951byI

Read More

Malaayiin qof oo ku nool dalalka Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed, W/bari Nayjeeriya iyo Yemen ayaa la sheegay in ay cunno yari baahsan ku haystaan dalalkooda.  Dhibaatooyinka Soomaaliya ayaa inta badan la sheegay iney ka timid Abaaraha dalka jira iyo Colaadaha, Afhayeenka hay’adda Muhaajiriinta Caalamka ee IMO Joy Milman ayaa sheegay in ilaa 100-kun oo qof ay gobolkaasi macluul khatar ugu jiraan. “Haddii aysan helin gargaar ku filin dadkaasi ayaa waxaa laga  yaabaa in macluusha ay ku faafto waddanka, halka dadka cuna yaraanta haysana laga yaabo iney gaaraan ilaa shan milyan iyo shan boqol kun oo qof bisha juulaay, xilligaas oo ah…

Read More

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ka hadashay ansixintii shalay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kadib markii ay ogolaadeen 231 xildhibaan in Xasan Cali Khayre uu noqdo Ra’iisul Wasaare, wax diiday ama wax ka aamusayna aysan jirin. QM ayaa waxa ay sheegtay in ay soo dhaweyneyso qaabka wanaagsan ee ay sameeyeen xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, maadaama ay si Dimuqraadiyad ah ku ansixiyeen Ra’iisul Wasaaraha cusub, taasina ay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay israacday. Michael Keating Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka waxa uu ku ammaanay howsha wanaagsan ee ay qabteen iyo kalsoonida ay siiyeen Xasan Cali…

Read More

Then-Sen. Jeff Sessions (R-Ala.) spoke twice last year with Russia’s ambassador to the United States, Justice Department officials said, encounters he did not disclose when asked about possible contacts between members of President Trump’s campaign and representatives of Moscow during Sessions’s confirmation hearing to become attorney general. One of the meetings was a private conversation between Sessions and Russian Ambassador Sergey Kislyak that took place in September in the senator’s office, at the height of what U.S. intelligence officials say was a Russian cyber campaign to upend the U.S. presidential race. The previously undisclosed discussions could fuel new congressional calls…

Read More

Murashaxa Madaxweynaha ahna guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay suurto-galnimada mar kale oo ay Somaliland dib u la midowdo Somaliya, Muuuse Biixi ayaa sheegay in doodaha hada taagan ee ay labada dhinac  isku hayaan aanay ahayn kuwo diidan in la midoobo balse la isku afgaran la’ yahay oo keliya sida ay u midoobayaan Somaliland iyo Somaliya. Muuse Biixi ayaa si adag u sheegay  haddii la doonayo in dib loo mideeyo labaddaas dawladdood ay ka dawlad ahaan doonayaan in loo midoobo  Koonfurta Somaliya ee Talyaanigu gumaysan jiray iyo Waqooyiga Ingiriisku gumaysan jiray ama loo yiqiin British Somaliland, iyadoo la…

Read More

Nabadoonada Gobolka Mudug ayaa si adag uga hadlay  qaswadayaasha maalmahan ka waday Puntland qorshayaasha khalkhal galinta amniga. Puntland nabadeeda iyo midnimadeedu waa muqadas mana fiicna in lagu ciyaaro cid laga yeelayona majirto in ay burburiso. Hadalka nabadoonada Gobolka Mudug ayaa qayb ka ah shirar jaraa’id oo ay maalmahan qabanayeen waxgaradka Gobolada kala duwan ee puntland ,kuwaasoo ku baaqayay in amniga la adkyatso lalan shaqeeyo laamaha amaanka,hoos ka dhagayso codka nabadoonada. Halkan ka dhagayso codka nabadoonada

Read More

Nabadoonada Gobolka bari ayaa maanta ka hadlay xaalka dalka,si gaar ah Nabadoonada waxay uga hadleen xaaladihii maalmahan ugu danbeeyay ee ka dhacayay Puntland , Nabadoonada ayaa baaq u diray shacabka Puntland meel uu joogo si gaar ahna waxay ugu soo jeediyeen shacabka Gobolka bari in ay ilaalsadaan nabadooda iyo horumarkooda lana shaqeeyaan laamaha amaanka,hoos ka dhagayso codka nabdoonada. Halkan ka dhagayso codka nabadoonada

Read More

Aamina Maxamed oo ah Haweeney muslimad ah oo u dhalatay dalka Nigerian ah ayaa maanta si buuxda ula wareegtay xilka ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay. Marwo Aamina ayaa hore u ahayd madaxii qaramada midoobay u qaabilsana dhinaca barnaamijyada horumarinta, waxayna soo noqotay mar wasiirka degaanka ee dalka Nigeria. Da’deedu waa 55 sanno jir waxaana ay ilaa sannadkii 1991 kii ku soo dhex jirtay hawlaha bini’aadminimada. Inkastoo ay ku kortay kuna barbaartay dalka Nigeria, haddana Aabaheed waa Ingiriis, waxay wax ku baratay Jaamacadaha Oxford iyo Harvard.hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/qZ8ULOFnalA

Read More

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa goor dhowayd soo gaba gabeeyey khudbaddiisii ugu horraysay ee isagoo madaxwyene ah uu u jeediyo Labada Aqalka ee Koongareeska. Khudbaddan, ma ahayn khudbadda sannadeedka lagu magacaabo State of the Union Address, balse waxay ahayd khudbad gaar ah oo inuu jeediyo uu ku marti-qaaday Af-hayeenka Aqalka Koongareeska Paul Ryan. Khudbadda caawa auu jeediyey Trump ayaa loogu magacdaray “Dib-usoo Noolayntii Ruuxda Maraykanka” waxayna ku saabsanayd inteeda badan fursadaha dhaqaale iyo ilalainta amniga Maraykanka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka https://youtu.be/cH_231dBLGI

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa uga mahadceliyay mudanayasha Baarlamaanka sida kalsoonida leh ee ay codka ku siiyeen.  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya ay dowladda u dhaqaaqi doonto dhanka dimoqraadiyadda, waxaana uu intaa ku daray in dowladad ay xoogga saari doonto arrimaha dib u heshiisiinta, dhismaha axsaab siyaadeed iyo xoojinta la dagaallanka Argagixisada Al-Shabaab. Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhallinyarada ay marin habaabiyeen argagixisada Al-Shabaab inay ka faa’iideystaan baaqa dowladda oo ay ka soo tegaan kooxaha dhibaateynaya. Madaxweynaha ayaa sheegay in afarta sano ee soo socota ay dowladdu ku shaqeyneyso…

Read More

Madaxweynaha ayaa ka codsaday in baarlamaanka ay codka kalsoonida siiyaan Ra’iisul wasaaraha uu magacaabay Xasan Cali Kheyre. Haddii la siiyo codka kalsoonida, Ra’iisul wasaare Xasan Cali kheyre wuxuu billaabayaa inuu soo xulo golihiisa wasiirada,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka Furitaanka Baarlamaanka https://youtu.be/MAy-6qGUvt0 Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa helay codka kalsoonida ee baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa u codeysay 231 xildhibaan oo ah dhammaan mudanayaasha fadhiga baarlamaanka maanta ku suganaa. Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa lagu dhaariyay aqalka baarlamaanka Soomaaliya ka dib markii la siiyay codka kalsoonida. Ra’iisul wasaaraha…

Read More

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland oo Muqdisho Kaga Qayb-Galay Shir looga hadlayey Abaarta. Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiin Xaaji Cadulaahi Cumar Camey ayaa magaalada muqdisho kaga qab galay shirlooga hadlayey abaaraha baaxadaleh ee ka jira guud ahaan Soomaaliya, waxaana sidoo kale shirka kasoo qayb galay gudiga abaaraha heer fadaraal, heer maamul goboleed iyo xubno kasocdey beesha caalamka. Madaxweyne ku xigenka dawladda Puntland ayaa uga warbixiyey gudiga abaaraha iyo masuuliyiinta kale-ba xaalada abaareed ee ka jirta Puntland, waxaana uu sheegay in Puntland ay ka jirto abaar xoogan oo aan weligeed Soomaaliya Soomarin, taasi oo saamaysay dad iyo duunyoba isla markaana…

Read More

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa helay codka kalsoonida ee baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa u codeysay 231 xildhibaan oo ah dhammaan mudanayaasha fadhiga baarlamaanka maanta ku suganaa. Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa lagu dhaariyay aqalka baarlamaanka Soomaaliya ka dib markii la siiyay codka kalsoonida. Ra’iisul wsaaraha cusub ayaa haysto 30 maalmood oo uu ku soo magacaabo gole wasiiro. Waxaa laga doonayaan inuu baarlamaanka u gudbiyo golaha wasiirada iyo barnaamijka ay ku shaqeyndoonaan, ugu dambeyn 30-ka bisha Maarso. Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ansixinta ku tilmaamay mid muujineyso in midnimada Soomaaliya ay soo noqotay. Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay…

Read More

It shocked me that EX President Farole is in Garowe planning to create unstable situation in Puntland. The EX President and his alliances are behind yesterday’s notorious words spoken by his Ex minister of Finance Farah Ali Shire. The EX President is responsible the incident happened in Garowe earlier this week where our own security forces were blocked the front door of the Parliament house, claiming unpaid salaries. It is also believed that the EX President and his team Aranjan are responsible the demonstration held in Bossaso after they were politically beaten for the elections held in Mogadishu last month.…

Read More

Midowgii Danwadaagta   “If a man has money, it is usually a sign, too, that he knows how to take care of it; don’t imagine his money is easy to get simply because he has plenty of it.”   “Haddii qof hantiile yahay, waxaa lagu yaqaan in uu garanayo sida loo ilaashado hantida; marna ha ku fekerinnina si fudud in hantidaa wax uga heshaan maaddaama uu haysto hanti badan.”   Edgar Watson Howe [1853 – 1937]   “Companies should not have a singular view of profitability. There needs to be a balance between commerce and social responsibility… The companies that…

Read More

Ra’iisul wasaaraha magacaaban, Xasan Cali Kheyre ayaa baarlamaanka u jeediyay khudbo uu kaga hadlayay waxa uu doonayo inuu qabto haddii uu helo kalsoonida baarlamaanka. Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay arrinta abaaraha, shaqa la’aanta, iyo inuu soo dhisidoono xukuumad tayo leh. Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in “Xukuumadda ay ku shaqeyndoonto wada shaqeynta shacabka, waxayna la imaandoontaa isla xisaabtan dhab ah”. “Waxaa wax ka qaban doonaa, gurmadka abaaraha, amniga, dhisidda ciidan qaran, xasilinta dalka, la dagaallanka musuqmaasuqa, horumarinta cadaaladda iyo garsoorka, dhameystirka dastuurka, xoojinta federaalka, horumarinta dimuquraadiyadda iyo dhameystirka dib u heshiisiinta”, ayuu yiri Kheyre. Fadhiga koobaad ee Baarlamaanka oo madaxweyne…

Read More