Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qaramada Midoobey Oo Ammaantay Barlamaanka Soomaaliya
    Somalia

    Qaramada Midoobey Oo Ammaantay Barlamaanka Soomaaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 2, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ka hadashay ansixintii shalay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kadib markii ay ogolaadeen 231 xildhibaan in Xasan Cali Khayre uu noqdo Ra’iisul Wasaare, wax diiday ama wax ka aamusayna aysan jirin.

    QM ayaa waxa ay sheegtay in ay soo dhaweyneyso qaabka wanaagsan ee ay sameeyeen xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, maadaama ay si Dimuqraadiyad ah ku ansixiyeen Ra’iisul Wasaaraha cusub, taasina ay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay israacday.

    Michael Keating Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka waxa uu ku ammaanay howsha wanaagsan ee ay qabteen iyo kalsoonida ay siiyeen Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

    “Waxaan soo dhaweyneynaa howshii wanaagsaneyd ee ay shalay qabteen xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, waxa ay aheyd mid horay u socosho leh, Hadii aan nahay QM waxaan si buuxda ula shaqeyn doonaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya iyo xukuumada uu soo dhisayo” Ayuu yiri Michael Keating.

    Ugu dambeyntii Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating  ayaa sheegay Dowladda Federaalka in laga sugayo in ay wax ka qabato arrimaha Abaaraha, Amniga, Musuq-maasuqa iyo arrimo kale, si loo gaaro Hiigsiga 2020-ka ee ah in Doorasho Qof iyo cod ah ay ka dhacdo Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    July 30, 2026

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    July 29, 2026

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni ‘𝐃𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡’

    July 28, 2026
    Latest Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni ‘𝐃𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡’

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo soo saartay habraaca labbiska Ardayda

    WARBIXIN: 2027, Al-Shabaab mala wareegi doontaa Koonfurta Soomaaliya?

    Abshir Bukhaari oo loo diiday in uu gudaha u galo Nairobi

    Ma dhab baa in Dowladda Puntland weerarayso Xeryaha ‘ilmo Diyaano’ ee Gaalkacyo iyo Boosaaso?

    QARDHO: Maamulka gobolka Karkaar oo mamnuucay hubka sharci darrada ah

    WAR-SAXAFADEED: Puntland uga digtay Galmudug in looga soo duulo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.