Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Ra’isalwasaare Xasan Cali Khayre oo xilkii la wareegay
    Somalia

    Video:-Ra’isalwasaare Xasan Cali Khayre oo xilkii la wareegay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 2, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisal Wasaarihii hore mudane Cumar Cabdirashiid oo kulanka ka hadlay ayaa u mahadceliyay xubnaha golaha wasiirada ee la soo shaqeeyey isaga oo ku ammaanay dadaalkoodii iyo waxqabadkoodii intii ay ku howlanaayeen shaqada qaranka.

    Ra’iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale, kula taliyay Ra’iisal Wasaaraha cusub iyo in howsha ugu muhiimsani ay tahay in loo baahan yahay dhameystirka iyo baahinta nidaamka maamul ee dowlad goboleedyada, lana gaarsiiyo min tuulo illaa heer degmo, taasoo ayuu yiri sahli doonta doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hirgasha.

    Ra’iisal Wasaaraha cusub mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay Ra’iisal Wasaare Cumar iyo golihiisa wasiirada, sida wanaagsan ay u soo shaqeeyeen, iyo habsamida maanta ee xil wareejinta.

    “Waxaan u mahadcelinayaa si gaar ah walaalkeey Cumar Cabdirashiid, waxaana leeyahay dalku kaama maarmo wixii talo iyo tusaalahaaga ahna waan qadarinayaa, waana inaad howsha qaranka sii wadaa adiga oo xil haya iyo adiga oon xil heyn” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre oo xusay inuu soo dhisi doono xukuumad, inta ka horeysana ay howsha sii wadi doonaan golaha wasiirada.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/csIcy7HmXSg

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    July 30, 2026

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    July 29, 2026

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni ‘𝐃𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡’

    July 28, 2026
    Latest Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni ‘𝐃𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡’

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo soo saartay habraaca labbiska Ardayda

    WARBIXIN: 2027, Al-Shabaab mala wareegi doontaa Koonfurta Soomaaliya?

    Abshir Bukhaari oo loo diiday in uu gudaha u galo Nairobi

    Ma dhab baa in Dowladda Puntland weerarayso Xeryaha ‘ilmo Diyaano’ ee Gaalkacyo iyo Boosaaso?

    QARDHO: Maamulka gobolka Karkaar oo mamnuucay hubka sharci darrada ah

    WAR-SAXAFADEED: Puntland uga digtay Galmudug in looga soo duulo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.