Dowladda Puntland oo uga digtay Galmudug in garoomadeeda iyo dhulka ay maamusho lasoo mariyo maleeshiyaad iyo hub, loo adeegsanayo duullaanka ku wajahan deegaanada Puntland, ee uu abaabulayo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, Xassan Shiikh Maxamuud.
War-saxafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in aysan jirin Ciidan sharci ah oo la yiraahdo PSF oo ka jira deegaanada Puntland, iyo Ciidan ka diiwaangashan DFS oo ka howlgalla deegaanada Puntland.
Hoos ka akhriso War-saxafadeedka kasoo Dowladda Puntland.
WAR-SAXAAFADEED
TAR: 25-LUULYO-2026
Dowladda Puntland waxay si dhow u la socotaa dhammaan dhaqdhaqaaqyada ciidaan ee uu wado Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo uu ujeedkeedu yahay hurin colaadeed iyo burburinta nidaamka Dowladnimada Puntland. Dowlada Puntland waxay cadyneysaa inaysan jirin ciidan la yiraahdo PSF oo si sharci ah uga tirsan ciidamada Difaaca Dowlada Puntland Sidoo kale Dowladu waxay cadayneysaa inaysan jirin ciidan ka diiwangashan Dowlada Federaalka ah oo ka hawigala degaannada Dowlada Puntland.
Dowladda Puntland waxay fariin gaar ah u direysaa Dowlad Goboleedka deriska ah ee Galmudug iyo Beesha Caalamka, waxayna Puntland ugu baaqaysaa Galmudug inay ka waantoowdo in saanad ciidan iyo maleeshiyaadka soo maraan garoomada iyo dhulka ay maamusho Galmudug kuwaas oo looga dan leeyahay in lagu dhibaateeyo shacabka reer Puntland, oo ay Galmudug ka dhexeyso deris wanaag, iskaashi amni, iyo nolal ku dheehan nabadgelyo oo muddo dheer soo jirtay.
Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa dadka reer Puntland in ay ilaashadaan degaankooda iyo Dowladnimadooda.
<
IDILNEWS
