Dowladda Puntland ayaa baaq nabaddeed kasoo saartay dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Dhabar-dalool ee gobolka Sanaag. Dagaalka ayaa sababay dhimashada in kabadan 5 Ruux iyo dhaawaca ilaa 10 kale oo kamid ah dhinacyada dagaalamay.
Hoos ka akhriso War-saxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.
𝐁𝐀𝐀𝐐 𝐍𝐀𝐁𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃
𝐆𝐚𝐫𝐨𝐰𝐞: 𝐉𝐮𝐥𝐲 𝟐𝟓, 𝟐𝟎𝟐𝟔: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay baaq nabadeed u diraysaa beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay deegaanka dhabar-dalool ee Gobolka Sanaag.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay si weyn uga xun tahay colaadda iyo dirirta nasiib darrada ah ee soo noq-noqotay, taas oo dhex martay bulshada walaalaha ah, iyadoo ugu baaqaysa dhammaan dhinacyada inay si deg-deg ah u joojiyaan colaadda, kana shaqeeyaan nabad, wada hadal iyo xasillooni waarta.
Wasaaraddu waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa ehellada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii ku naf waayay dirirtaasi, iyadoo Alle uga baryaysa naxariistii Janno, inta dhaawacanna Eebbe u booga-dhayo.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay cod dheer ugu baaqaysaa isimada dhaqanka, cuqaasha, culimada, haweenka, dhalinyarada iyo dhammaan qaybaha bulshada inay u guntadaan sidii ay dowladda ugala shaqayn lahaayeen joojinta colaadda, daminta xiisadda, iyo ilaalinta dhiigga muslimka ee daadanaya.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay bogaadinaysaa ciidamada dowladda iyo waxgaradka deegaanka ee ku howlan hirgelinta xabbad-joojinta, xakameynta colaadda iyo ka hortagga khasaare dheeraad ah.
Ugu dambayn, Wasaaraddu waxay ku adkaynaysaa dhammaan dhinacyada inay si degdeg ah u qaataan xabbad-joojin buuxda, islamarkaana u hoggaansamaan dadaallada nabadaynta iyo wada-hadallada ay dowladdu waddo. Wasaaraddu waxay ku boorrinaysaa bulshada in nabaddu tahay tiirka horumarka, dowladnimada iyo jiritaanka bulshada, isla markaana aysan jirin wax lagu beddeli karo wada noolaanshaha iyo walaaltinimada ummadda wada dhalatay ee wadaagta diin, dhaqan, dhiig, deegaan iyo taariikh dheer oo aan go’ayn.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
IDILNEWS
