Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland oo Muqdisho Kaga Qayb-Galay Shir looga hadlayey Abaarta.
    ?????????????
    Somalia

    Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland oo Muqdisho Kaga Qayb-Galay Shir looga hadlayey Abaarta.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 1, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland oo Muqdisho Kaga Qayb-Galay Shir looga hadlayey Abaarta.

    Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiin Xaaji Cadulaahi Cumar Camey ayaa magaalada muqdisho kaga qab galay shirlooga hadlayey abaaraha baaxadaleh ee ka jira guud ahaan Soomaaliya, waxaana sidoo kale shirka kasoo qayb galay gudiga abaaraha heer fadaraal, heer maamul goboleed iyo xubno kasocdey beesha caalamka.

    Madaxweyne ku xigenka dawladda Puntland ayaa uga warbixiyey gudiga abaaraha iyo masuuliyiinta kale-ba xaalada abaareed ee ka jirta Puntland, waxaana uu sheegay in Puntland ay ka jirto abaar xoogan oo aan weligeed Soomaaliya Soomarin, taasi oo saamaysay dad iyo duunyoba isla markaana wax yeelaysay dhammaan degaanada Puntland.

    Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland ayaa intaasi ku daray in Puntland ay ku soo hayaameen dad xoolo dhaqato Soomaaliyeed oo ka kala yimi Waqooyin, Galbeedka Iyo koonfurta Soomaaliya kadib markii ay ka da’day raxmada Alle degaanada gobolada Bari iyo Karkaar.

    Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland ayaa la wadaagey gudigga in dawladda Puntland iyo shacab keeda oo is garab sanaya ay gaadhsiiyeen xoolo dhaqatada abaartu saamaysay gurmad lagu caawinayey dhamaan ummada Soomaaliyeed iyo kuwa reer Puntland ee halkaasi ku soo hayaamay, waxaana uu isugu jirey gurmadkaasi dhammaan waxyaaba nolosha aasaasiga u ah.

    Ugu danbayn, Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdikariin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ayaa gudiga usoo jeediyey in maanta ay muhiimtahay in lacaawiyo ummadda Soomaaliyeed ee la tabaalaysan duruufta aduunyo ee ay sababtay abaarta ka jirta guud ahaan giyiga Soomaalida, isla mar’ahaantaana wax lagu-taro isku tashi Soomaaliyeed.

    –DHAMMAAD–
    XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Afar Arrimood oo Xassan Shiikh ku doonayay carqaladeynta Dabaal-degga Xuska 1da August

    July 31, 2026

    In Response to the Statement on X on Galkacyo and Puntland by Former Somali PM, Mr Sharmake

    July 31, 2026

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    July 30, 2026
    Latest Posts

    Afar Arrimood oo Xassan Shiikh ku doonayay carqaladeynta Dabaal-degga Xuska 1da August

    In Response to the Statement on X on Galkacyo and Puntland by Former Somali PM, Mr Sharmake

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni β€˜πƒπ‘π’π¬π¦πšπ‘πš π‚π’π’ππšπ§ 𝐠𝐚𝐚𝐫 πšπ‘β€™

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo soo saartay habraaca labbiska Ardayda

    WARBIXIN: 2027, Al-Shabaab mala wareegi doontaa Koonfurta Soomaaliya?

    Abshir Bukhaari oo loo diiday in uu gudaha u galo Nairobi

    Ma dhab baa in Dowladda Puntland weerarayso Xeryaha ‘ilmo Diyaano’ ee Gaalkacyo iyo Boosaaso?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.