Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Boqorkii Hore ee Belgium oo Qirtay Arrin uu Horay u Inkiray
    Somalia

    Boqorkii Hore ee Belgium oo Qirtay Arrin uu Horay u Inkiray

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 28, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Boqorkii hore ee Belgium, Albert II, ayaa qirtay inuu dhalay gabar ay hooyo u tahay haweeney ay saaxiibbo ahaayeen, ka dib markii lagu qasbay inuu maro baaritaanka hido-sidaha ee DNA.

    Muddo ka badan 10 sano ayuu loolan dhanka sharciga ah kula jiray Delphine Boël, oo 51 sano jir ah, taas oo farshaxanka sameysa. Waxay sheegtay in boqorka uu dhalay.

    Wuxuu lumiyay xasaanadiisa, ka dib markii uu 2013 iska wareejiyay xilka boqornimada sababo caafimaad awgood. Qareenka Boël ayaa sheegay in qirashada boqorka hore ay tahay mid “culeys ka dejisay”.

    War qoraal ah oo ay qareennada boqorkii hore shaaciyeen Isniintii ayaa lagu sheegay in uu “ogaaday natiijada DNA, taas oo muujinaysa inuu yahay aabaha Delphine Boël”.

    Qareennada ayaa intaa ku daray in 85 sano jirkan uu hadda go’aansaday in la joojiyo dacwadda uuna oggol yahay in Delphine Boël ay tahay canuggiisa afaraad.

    Bishii May ee sannadkii hore ayay maxkamadda racfaanka ee Brussels xukuntay in boqorkii hore lagu ganaaxo 5,000 oo pound maalintiiba, maadaama uu xilligaasi diiday inuu maro baaritaanka dhiigga hido-sidaha DNA.

    Sideey arrintan ku bilaabatay?

    Sannadkii 1999-kii, waxaa soo shaac baxay in ilmo kale uu dhalay boqorka, waxayna qoyska u boqortooyada u horseeday fadeexad.

    Gabadha lagu magacaabo Boël ayaa markii ugu horeysay sannadkii 2005 sheegtay in boqor Albert uu yahay aabaheed.

    Hooyada dhashay oo lagu magacaabo Baroness Sybille de Selys Longchamps, ayaa sheegtay in uu xiriir kala dhaxeeyay boqorka intii u dhaxeysya sannadihii 1966 ilaa iyo 1984, xilligaas oo uu ahaa dhaxal sugaha boqortooyada.

    Haseyeeshee sannadkii 1993 markii uu dhintay walalkii ka weynaa wuxuu noqday boqorka, waxayna da’diisu ahayd 62 sano jir xilligaas.

    Waxaa uu xilka boqortooyada hayay tan iyo sannadkii 2013-kii, xilligaas oo uu shaaciyay in uu xilka ka degayo, ka dib markii xaalad caafimaad ay la soo daristay.

    Xilkii uu hayay waxaa ku wareegay wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Philippe., kaa soo sannadkiiba hela lacag gaareysa hal milyan oo lacagta Euro-ga ah.

    Markii uu boqor Alber xilka iska wareejiyay, Ms Boël waxay tagtay maxkamad, si ay u xaqiijiso in uu aabaheed yahay, balse sannadkii la soo dhaafay boqor Alber ayaa diiday in dhecaanka hido-sidaha ee DNA laga qaado, baaritaankaas oo ay amartay maxkamad, waxaana markii dmabe uu ka qaatay racfaan.

    Maxkamadda ayaa saddex bilood u qabatay boqor Albert II in uu ku soo gudbiyo candhuuftiisa, si baaritaan loogu sameeyo, haddii uu sidaas sameyn waayana, Boel loo aqoonsan doona in ay tahay gabadhiisa, xaqna ay u yeelan doonta dhaxalka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.