Madaxweynihii maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado ee dhawaan Baarlamaanka maamulkaasi xilka qaadista ku sameeyay C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Maanta ku dhawaaqay in uu Is casilay.
C/kariin Guuleed ayaa Iscasilaaadiisa ku Sababeeyay sababo Caafimaad,waxaana uu hadda joogaa Wadanka Hindiya oo uu Caafimaad u aaday.
Baarlamaanka maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado, ayaa Horay Xilka uga qaaday C/kariin Xuseen Guuleed,balse waxaa xilka qaadistaa ka hor yimid oo diidan Β Cabdikariin Xuseyn Guuleed.
Cabdikariin waa xubintii ugu danbaysay ee ka mid ah xisbigii Damjadiid ee uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan Shiikh oo masraxa siyaasada looga adkaado kana baxa.
