Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Cirro oo la kulmay Madaxweynaha Kenya
    Puntland

    Cirro oo la kulmay Madaxweynaha Kenya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 30, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro oo booqasho ku jooga Nairobi ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Kenya William Samoei Ruto.

    Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in kulanka oo ahaa mid muhiim ah looga wadahadlay iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labada Dowladdood. Ruto iyo Cirro ayaa Isla soo qaaday Amniga gobalka iyo dadaallada nabad dhisidda ee gobalka Geeska Africa.

    Hoos ka Akhriso War-saxaafeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro ) oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Mudane Dr. William Ruto, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya.

    Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo muhiim u ah labada dhinac, arrimahaasi waxa ka mid ahaa:

    ๐Ÿ. Iskaashiga labada dal iyo xoojinta xidhiidhka ganacsiga, maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha iyo isu-socodka Diyaaradaha.

    ๐Ÿ. Xoojinta Nabadda iyo Amniga Gobolka, gaar ahaan horumarinta xasilloonida, ka hortagga xagjirnimada, iyo taageeridda dadaallada nabad-dhisidda ee Geeska Afrika .

    ๐Ÿ‘. Iskaashiga Waxbarashada, is-weydaarsiga tacliinta, awood-dhisidda hay’adaha Dawliga ah iyo kobcinta tababarka xirfadaha farsamada gacanta ee dhalinyarada.

    Kulankaasi waxa uu ahaa mid ay labada hoggaamiye hoosta ka xarriiqeen xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Kenya, kaas oo ku qotoma taariikh fac weyn, is-ixtiraam, dano wadaag, iyo aragti midaysan oo ku wajahan horumarka iyo barwaaqada mandaqada.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    July 29, 2026

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni โ€˜๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐ ๐š๐š๐ซ ๐š๐กโ€™

    July 28, 2026

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    July 28, 2026
    Latest Posts

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni โ€˜๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐ ๐š๐š๐ซ ๐š๐กโ€™

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo soo saartay habraaca labbiska Ardayda

    WARBIXIN: 2027, Al-Shabaab mala wareegi doontaa Koonfurta Soomaaliya?

    Abshir Bukhaari oo loo diiday in uu gudaha u galo Nairobi

    Ma dhab baa in Dowladda Puntland weerarayso Xeryaha ‘ilmo Diyaano’ ee Gaalkacyo iyo Boosaaso?

    QARDHO: Maamulka gobolka Karkaar oo mamnuucay hubka sharci darrada ah

    WAR-SAXAFADEED: Puntland uga digtay Galmudug in looga soo duulo

    Akhriso: Puntland oo baaq kasoo saartay dagaal beeleed ka dhacay Sanaag

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.