Dowladda Kenya ayaa dalkeeda kasoo masaafurisay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka DFS, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, kaas oo sifo sharci darro ah ugu safrayay Basaboorka dalka Kenya.
Sida aan ogaanay Laanta Socdaalka ee Dowladda Kenya ayaa Jibriil ka qabatay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta Airport ee Nairobi, iyagoo sheegay in uu sifo sharci darro ah ku qaatay Basaboorka Kenya.
Jibriil ayaa lagu celiyay Muqdisho, kaddib markii uu diiday in Document-ka sharci darrada ah ee uu watay ku wareejiyo laamaha Ammaanka Kenya.
IDILNEWS
