Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dhagayso:-Somalida Minnesota oo cabsi soo wajahday iyo Rw Australia oo hadlay
    Somalia

    Dhagayso:-Somalida Minnesota oo cabsi soo wajahday iyo Rw Australia oo hadlay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 19, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Somalida ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa walaac xoogan ka muujiyey falka dilka ah ee lagu eedeeyey Maxamed Nur inuu u geystay Justine Damond oo 41 jir ahayd.
     
    Qaar ka mid ah hogaamiyaasha bulshada Soomaalida gobolka ayaa sheegay in ay heleen hanjabaadyo loo soo diray oo iyaga ka dhan ah.
     
    Dhanka kale Ra’iisalwasaaraha Australia ayaa sheegay in uu jawaabo ka dalban doono dalka Maraykanka si wax looga ogaado dilka aan faahfaahinta badan laga haynin ee askariga Maraykanka ah uu u gaystay gabadh Australian ah.
     
    Justine Damond oo asal ahaan ka soo jeedda magaalada Sydney ayaa lagu dilay magaalada Minneapolis ka dib markii ay iyadu u yeertay booliis iyada oo ka shakiday in ay macquul tahay in uu fal dambiyeed dhaco.
     
    Xukuumadda Maraykanka ayaa arrintaas baaritaan ku haysa, waxayse sheegtay in aysan ku qasbikarin askariga in uu caddaymo bixiyo.
     
    Ra’iisalwasaare Turnbull ayaa sheegay in ay xukuumaddiisa ay ka go’antahay “sida masiibadan ay u dhacday”.
     
    “Siday ku dhici kartaa in haweenay qabta dharkii jiifka oo codsatay gargaar in sidaa loo toogto?” Ayuu ku yiri warbaahinta gudaha ee Nine network.

     

     

     

    Halkan ka dhagayso codka oo faahfaahsan

    https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2017/07/k-2.mp3
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.