Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dhalandhool (Sheeko Gaaban),WQ.Maxamed C. Xasan “Alto”
    Somalia

    Dhalandhool (Sheeko Gaaban),WQ.Maxamed C. Xasan “Alto”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 26, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Saddex inamood ayaa hakad dalgudub ku soo maray Ruushka. Mid wuxuu la socday dayaarad New York, Maraykan, ka timid. Wuxuu ka labaad saarraa duulimaad ka soo cagadhigtay Helsinki, Finlaandiya. Saddexaad, wuxuu ka yimid Awstaraaliya.

     

     

    Wiilashii baa isku soo baxay oo Soomaalinnimo isu aqoonsaday qolweynihii sugitaanka Garoonka Dayaaradaha Caalamiga ee Sheremeteva, Moosko. Dhallinyaradu, qofba jahada ka kale ka yimid ayuu dhoofitaan u yahay.

    ”War ma Soomaali baad tahay?” Dalmar ayaa weyddiiyey labadii wiil midkood.

    ”Haa, waxaan ahay Maryooley,” ayuu ku jawaabay Dibadjoog.

    ”Xaggee baad ka timid?” Dibbad baa su’aalay.

    Kuye Dibadjoog, ”War, halkaas iyo Sidni, Awstaraaliya ayaan ka imid oo waa igu xumaatay. Finlaandiya baa la iigu sheegey in ay ka burqatay oo aan u ahay socdaal. Bal idinku ii warramoo, xaggeed kala qabannaysaan?”

    ”Anigu,” Dibbad baa hadalkii qaatay, ”Maraykan ayay iga haysaa, waxaa laygu yidhi: `Waa meel isku dhacsan,´ bal inaan soo sahamiyo ayaan ku talaggalsanahay. Finlaandiyase ma daaq wacnayn.”

    ”Awstaraaliya Dayrtii inay ka da’day baa la ii soo weriyey. Maraykanse diraac kulul ayaa ka jirtey. Waryaara, ma weydaan ujeedinnin diihaalka iga muuqda?” Dalmar ayaa yidhi.

    Maxamed C. Xasan “Alto”

    Helsinki, Finland, 19.01.1997 xasan_maxamed@hotmail.com

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    July 30, 2026

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    July 29, 2026

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni ‘𝐃𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡’

    July 28, 2026
    Latest Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni ‘𝐃𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡’

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo soo saartay habraaca labbiska Ardayda

    WARBIXIN: 2027, Al-Shabaab mala wareegi doontaa Koonfurta Soomaaliya?

    Abshir Bukhaari oo loo diiday in uu gudaha u galo Nairobi

    Ma dhab baa in Dowladda Puntland weerarayso Xeryaha ‘ilmo Diyaano’ ee Gaalkacyo iyo Boosaaso?

    QARDHO: Maamulka gobolka Karkaar oo mamnuucay hubka sharci darrada ah

    WAR-SAXAFADEED: Puntland uga digtay Galmudug in looga soo duulo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.