Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Donald Trump oo dardar galiyey ololihiisa doorashada ee 2024-ka
    Somalia

    Donald Trump oo dardar galiyey ololihiisa doorashada ee 2024-ka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 29, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ku dhawaaqista Donald Trump, ee ah in uu u tartamayo madaxtinimada Maraykanka sanadka 2024-ka dhacay, ma ahayn mid la yaab leh, ama qorshe uu kaga fogaanayo in dacwad lagu soo oogo, sida ay dadka qaarkiis u malaynayeen.

    Waxa uu cagta saaray dhabada lagama maarmaanka u ah hanashada, uu dib ugula wareegayo Aqalka Cad ee loogga arrimiyo dalka Mareykanka

    Ku dhawaad ​​saddex bilood ka dib, markii uu ku dhawaaqay ololihiisa, madaxwaynihii hore, ayaa Sabtidii sameeyay ololihiisii ​​ugu horeeyay ee ka qabsoomay gobolka uu ka soo jeedo ee Florida.

    Magaalada New Hampshire, ayaa waxa uu khudbad ka jeediyay shirka xisbiga Jamhuuriga, waxa uuna ku dhawaaqay in gudoomiyaha xisbiga ee gobolka uu noqon doono lataliye sare oo ololihiisa doorashada ah.

    Xarunta gobolka Koonfurta Carolina ee magaalada Columbia, ayaa wuxuu halkaasi ka helay taageerada gudoomiyaha gobolka, Henry McMaster, iyo Senator-ka Lindsey Graham.

    Waa yadii danbe Trump ayaa muujiyay waxoogaa niyad-jab ah, ka dib rabshaddii ka dhacay xarunta Congress-ka ee 6-dii bishii Janaayo ee sanadkii 2021-ka, haatanse wuxuu kula soo noqday saaxadda siyaasadda niyad wanaag.

    “Immisa jeer ayaad maqashay, ‘Waan jecelnahay siyaasadaha Trump, laakiin waxaan rabnaa qof cusub?” Graham ayaa waydiiyay dadkii badnaa. “Ma jirtaa siyaasad Trump la’aantiis.”

    Trump ayaa mar kale iska fogeeyey guuldaradii doorashadii dhacday 2020-kii, wuxuuna u sheegay taageerayaashiisa in isaga – uu ka duwan yahay xiliyadii hore, oo aanu jirin ruux oo lagu badalo karo oo suurtagala, oo ka imanaya xisbiga Jamhuuriga – uuna noqon doono musharraxa ugu waxtarka badan 2024-ka.

    “Si aad wax uga bedesho nidaamka oo dhan, waxaad u baahan tahay madaxweyne hanan kara shaqooyinka oo dhan, iyo madaxweyne ku guuleysan kara,” ayuu yiri isagoo ku sugan hoolka weyn ee madaxtooyada.

    Labada goobood ee uu tagay, Trump ayaa waxa uu ku tilmamay waxa uu ku sheegay inay ahayd rikoodhkiisii ​​guusha intii uu madaxweynaha ahaa, waxaana uu weeraray rikoodhka madaxweyne Joe Biden ee dambiyada, socdaalka iyo dhaqaalaha.

    Xigasho:-BBC.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Taliska Booliska Puntland oo xirxiray Askar Fandom samaysay

    June 9, 2026

    Safiirkii Turkiga Ee Somaliya oo la badalay

    June 9, 2026

    Maxay kawada hadleen Jubaland iyo Maraykanka?

    June 9, 2026
    Latest Posts

    Taliska Booliska Puntland oo xirxiray Askar Fandom samaysay

    Safiirkii Turkiga Ee Somaliya oo la badalay

    Maxay kawada hadleen Jubaland iyo Maraykanka?

    Wararkii ugu danbeeyay dadaalka dhexdhexaadineed Ee Turkiga

    Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garoowe & wafuud Sare oo la sugayo.

    Xassan Shiikh oo weli hurinaya colaad, si loo fashiliyo daddaalada Beesha Caalamka.

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.