Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»DOORKA MUWAADDINKA. WQ.Axmed Garmaqaate.
    Somalia

    DOORKA MUWAADDINKA. WQ.Axmed Garmaqaate.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 17, 2017Updated:February 17, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    DOORKA MUWAADDINKA.

    Waxaa qoray – Axmed Garmaqaate.

     

    ‘’Waa masuuliyadda shacabka inay ka ilaaliyaan Dawladdu inay khalad ku dhacdo’’ – Robert H. Jackson

    Mudo dhan rubuc-qarni ayuu Dalkeenu la’yahay Dawlad dhexe oo saamayn xoogan leh, inbadan oo ka mid ah bulshada qaybeheeda wax laga waydiiyo waxay ku sababeeyaan arimo kala duwan hase yeeshee waxaan anigu sabab uga dhigayaa muwaaddinka Soomaaliyeed oo isagu aalaaba aan isa saarin mas’uuliyadii uu lahaa.

    Markii dhanka kale laga eego bulshadu waxay u badan tahay kuwo aan aqoon Doorka Muwaaddinku leeyahay, halka qayb kalena iyaga oo yaqaan ay waayeen dhiiri gelin ku filan.

    Inta aan aqoon Doorka Muwaaddinka waxay eersadeen ka maqnaanshaha Meesha ee hay’adii Qaranka u qaabilsanayd ku baraarujinta wadaninimada iyo dal jacaylka.

    Waxaa xusid mudan in Dawladdii hore ee Soomaaliya ay u qaabilsanayd dhanka baraarujinta Wasaaraddii Warfaafinta iyo Hanuunka Dadweynaha

     

    Muxuu Kuu ogolyahay DASTUURKA Dalku?

    CUTUBKA 2AAD; Qodobka 11aad, Nuqulka 3aad:

    Xukuumadda ma takoori karto Qofnaba iyadoo sababeysaneysa da’da, sinjiga,midabka, qabiil, isir, dhaqan ama lahjad, jinsi, dhalasho, Curyaannimo, diin, siyaasad ama fikir, xirfad, mulkiyad

     

    Mas’uuliyadaha Muwaadinka:

    1. Barashada Dastuurku waxa uu u ogolyahay Dawladda
    2. Bixinta canshuuraha, dawladdu waxay wax ku qabataa waa canshuuraha ay ka hesho dadkeeda
    3. Innaad u codayso qofka aad isleedahay wanaaga dalka ayuu wadaa
    4. Soo gudbinta baahiyaha dad waynaha si toos ah ama iyadoo loo marayo Ururadda Bulshada.
    5. Difaaca Dalka markii ay timaado xaalad Deg-deg ah ama markii nabadayn gudaha ah lasamaynayo adoo xoojinaya ilaaliyeyaasha nabadda.
    6. U adeegida bulshada xiliyada masiibooyinka dabiiciga ah ay dhacaan ama mararka kale ee Dawladdu kuu baahato hab samafal ah.

    Waxaa ay Soomaalidu inbadan horumar ka sameeyeen barisamaadkii waxa ay u baxsheen ‘’ISKAA WAX UQABSO’’ balse aad moodo in ay aad ugu adagtahay jiilalka dambe ee bur-burkii ka dambeeyay, taasina aytahay wax wayn oo naga maqan.

    1. Ilaalinta sharciga.

     

    Hadaba Muwaaddin adigoo waajibaadkaaga ka soobaxaya ayaa hadana ladoonayaa inaadan u talaabin shaqooyinkii ay Dawladdu lahayd si aysan taasina caqabad u noqon intii aad lahayd wax hagaaji.

     

    Waan kaaga mahadcelinayaa wakhtigaaga.

    • Axmed Cabdulqaadir Cumar (Garmaqate)

    Ahmettcc17@gmail.com

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    July 30, 2026

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    July 29, 2026

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni ‘𝐃𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡’

    July 28, 2026
    Latest Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni ‘𝐃𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡’

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo soo saartay habraaca labbiska Ardayda

    WARBIXIN: 2027, Al-Shabaab mala wareegi doontaa Koonfurta Soomaaliya?

    Abshir Bukhaari oo loo diiday in uu gudaha u galo Nairobi

    Ma dhab baa in Dowladda Puntland weerarayso Xeryaha ‘ilmo Diyaano’ ee Gaalkacyo iyo Boosaaso?

    QARDHO: Maamulka gobolka Karkaar oo mamnuucay hubka sharci darrada ah

    WAR-SAXAFADEED: Puntland uga digtay Galmudug in looga soo duulo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.