Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Gaalkacyo: Haweeney ka cayaaraysay xaflad Aroos oo geeryootay (VIDEO)
    Somalia

    Gaalkacyo: Haweeney ka cayaaraysay xaflad Aroos oo geeryootay (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 27, 2020Updated:January 27, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas ay ku geeriyootay Gabar ka ciyaareysay Xaflad Aroos oo socotay.

    Gabadha ayaa waxaa la sheegay inay ku sugneyd goobta lagu ciyaarayay oo ay ka socotay Xaflada Arooska aheyd, hayeeshee mar qura ay goobta ku dhacday, waxaana si deg deg ah loogula cararay xarun Caafimaad oo halkaas ku taalla.

    Sidoo kale Gabadha ayaa geeriyootay markii la geeyay Isbitaalka, iyadoona la xusay inay uur laheyd, sidoo kalena uu naqaska ku xirmay, maadaama goobta Xaflada Arooska ay ka socotay ay aheyd meel aad u kuleyl badan.

    Dadkii kasoo qeyb galay Arooska ayaa gabi ahaan waxa ay noqdeen kuwa aad uga naxay geerida gabadha oo kamid ah dadkii kasoo qeyb galay xaflada, waxaana durbo halkaas lagu joojiyay xafladii socotay.

    Inta badan Goobaha lagu qabanayo Xafladaha Arooska ayaa ah meel aad u kulul oo ay soo buux dhaafiyaan dadka lagu casuumo xaflada, iyagoona goobta kusoo bandhiga ciyaaro kala duwan oo loogu talagalay Arooska.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.