Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Dawladda Puntland oo La Kulmay Safiirka Cusub ee Dawladda Ingiriiska u Fadhiya Soomaaliya.
    Somalia

    Madaxweynaha Dawladda Puntland oo La Kulmay Safiirka Cusub ee Dawladda Ingiriiska u Fadhiya Soomaaliya.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 10, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan muhiim ah la yeeshay safiirka cusub ee Dawladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya David Concar, waxaana kulanku uu ka dhacay xarunta safaaradda Ingiriiska ay ku leedahay magaalada Muqdisho.

    Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehelinayey saraakiil ka tirsan madaxtooyada Dawladda Puntland, waxaana kulanku uu yimi kadib casumaad uu safiirku u sameeyey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

    Labada masuul ayaa si qota dheer uga wada hadlay xiriirka labada dhinac, arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyo isbeddelka cusub ee ku yimi hogaanka Soomaaliya, abaaraha, ammaanka, dhaqaalaha, mashaariicda horumarineed ee ay Dawladda Ingiriisku ka fuliso Puntland iyo arrimo kale.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa safiirka uga waramay xaaladaha abaaraha iyo saamaynta ay ku yeesheen dadka xoolo dhaqatada ah ee Soomaaliya, wuxuuna ka dalbaday in Dawladda Ingiriisku ay gacan ka geysato arrimaha abaaraha iyo sidii loo taakulayn lahaa dadka ay abaaruhu ku habsadeen.

    Safiirka cusub ee Dawladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya David Concar ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntlnd uga mahad celiyay sidii uu u aqbalay kulankooda, wuxuuna intaa ku daray in Dawladda Ingiriisku ay soo dhoweynayso isbeddelka cusub ee ku yimi dhinaca siyaasadda Soomaaliya, Sidoo kale safiirka ayaa ballan qaaday inuu tagi doono deegaanada Dawladda Puntland.


    โ€“DHAMMAADโ€“

    Xafiiska, Warfafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka e Madaxtooyda DAwladda Puntland.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    July 30, 2026

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    July 29, 2026

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni โ€˜๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐ ๐š๐š๐ซ ๐š๐กโ€™

    July 28, 2026
    Latest Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni โ€˜๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐ ๐š๐š๐ซ ๐š๐กโ€™

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo soo saartay habraaca labbiska Ardayda

    WARBIXIN: 2027, Al-Shabaab mala wareegi doontaa Koonfurta Soomaaliya?

    Abshir Bukhaari oo loo diiday in uu gudaha u galo Nairobi

    Ma dhab baa in Dowladda Puntland weerarayso Xeryaha ‘ilmo Diyaano’ ee Gaalkacyo iyo Boosaaso?

    QARDHO: Maamulka gobolka Karkaar oo mamnuucay hubka sharci darrada ah

    WAR-SAXAFADEED: Puntland uga digtay Galmudug in looga soo duulo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.