Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne farmaajo oo magacaabay agaasimihisii Madaxtooyada iyo xubno kale
    Somalia

    Madaxweyne farmaajo oo magacaabay agaasimihisii Madaxtooyada iyo xubno kale

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 17, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta la wareegay kursiga xarunta madaxtooyada qaranka ayaa isla maanta magacaabay jagooyin muhiim ah.

    Waxa uuna madaxweyne Farmaajo isla maanta u magacaabay la-taliyihiisa dhinaca Amniga Qaranka Xuseen Macallim Maxamuud “Damuumaaye”.

    Mas’uulkani maanta la magacaabay ayaa waxa uu horey u soo ahaan jirey Xoghayaha Guddiga Amniga Qaranka,

    Xuseen Daamuumaaye waa Muwaadin Somali-British, waxayna walaalo yihiin Xildhibaan Xasan Macallim Maxamuud oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Daljir.

    Xuseen Damuumaaye waxa uu ka mid yihiin Saraakiisha Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka ee NISA, wuxuuna horey mar uga mid ahaa La-taliyayaasha Madaxweynayaashii hore ee Arrimaha Ammaanka.

    Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo waxa uu Agaasimaha KMG ee Madaxtooyadda u magacaabay Danjirihii Soomaaliya u joogay midowga-Yurub iyo dalka Belgium Ambassador Dr. Cali Siciid Fiqi.

    Xubnaha kale ee uu Madaxweynaha isla maanta magacaabay waxaa ka mid ahaaa Madaxa Hab maamuuska Madaxtooyada (Baratokoolka) loo magacaabay Qunsulkii Soomaaliya u joogay magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga Siyaad Maxamuud Shire.

    Mas’uuliyiintani maanta la magacaabay ayaa waxa ay ka mid ahaayeen Hawl-wadeenaddii
    guddigii ololaha doorashadda ee galaangalka xooggan u galay sidii loo soo dooran lahaa Madaxweyne Farmaajo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.