Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo Oo Soo Saaray Bayaan Ka Kooban Shan Qodob Oo Ku Socda Dalalka Carbeed
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo Oo Soo Saaray Bayaan Ka Kooban Shan Qodob Oo Ku Socda Dalalka Carbeed

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 11, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdullaahi Maxamed β€œFarmaajo” ayaa ku qaabilay Muqdisho Danjirayaasha dalalka carabta ee ka howlgala caasimadda iyo wafdi ka socday Ururka Jaamacadda Carabta.

    Madaxweynuhu waxa uu gudoomay dhambaallo hambalyo ah oo ay uga sideen Madaxda dalalkooda, ayna ugu bogaadiyeen xilka loo doortay ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda, iyaga oo ballan qaaday inay garab istaagayaan dowladdiisa oo heysata taageerada shacabka.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay danjirayeyaashaasi iyo wafdiga Jaamacadda Carabta booqashada ay ugu yimaadeen iyo yididiilada ballaaran ee ay u muujiyeen iyo taageerada joogtada ah ee ay u fidiyeen Soomaaliya mudadii qaran-burburka, isaga oo sheegay in dowladdiisu ay hiigsaneyso hindisaha β€œNabad iyo Nolol” oo ah mid deganaansho looga hirgelinayo dalka, laguna abuurayo nolol leh kobac iyo horumarin.

    Madaweynuhu, waxa uu baaq ka kooban shan qodob u diray Madaxda wadamada Carabta, isaga oo u sii marsiinayay Danjirayaasha iyo Wafdiga matalayay Ururka Jaamacadda Carabta, waxaanu ahaa sidatan :

    1- In loo fidiyo Soomaaliya gurmad degdeg ah si xad loogu yeelo abaarta lixaadka leh ee saameysay dadka, xoolaha iyo wax soo saarka beeraha.

    2- Taageeridda Istiraatiijiyadda amni ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya .

    3- Taageeridda Qorshaha dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya.

    4- In Dowladaha iyo Shirkadaha Carbeed ay maalgashi ballaaran ku sameeyaan Soomaaliya, lana horumariyo kaabayaasha dhaqaallaha dalka.

    5- In Dowladaha Carabta meel kasta oo joogaanba ay ku matalaan Soomaaliya, wakiilna ka ahaadaan, ilaaliyaanna xaqqeeda iyo mudnaanshaheeda.

    Kulankani oo ku dhammaaday jawi guul leh ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    π€π‘π“πˆπ‚π‹π„| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    π€π‘π“πˆπ‚π‹π„| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.