Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Faroole taxadar siyaaada ah ayaa looga fadhiyaa xiligan xasaasiga ah!!!
    Somalia

    Madaxweyne Faroole taxadar siyaaada ah ayaa looga fadhiyaa xiligan xasaasiga ah!!!

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 15, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Faroole Maanta ayuu Garowe dib ugu soo laabtay,isagoo kasoo kicitimay xarunta hay’adaha fadaraalka ee Muqdisho.

    Hadaba Madaxweynuhu waxuu shir jaraa’id ku qabtay Gurigiisa uu garowe ka degan yahay,isagookaga hadlay arimo badan fariimo kala duwana diray.

    Shirka jaraa’id ee madaxweynaha ayaa waxaa ka diday oo aad u dhibsaday shacabka Puntland intiisa badan iyagoo u arkay hadalada qalafsan ee Madaxweyne faroole in ay khatar keeni karaan.

    Hadaba anagoo ka duulaynaa dareenkaas shacabka waxaan xasuusinaynaa in Madaxweyne faroole uusan ilaawin in Madaxweyne Cabdullaahi yuusuf iyo Madaxweyne Cadde ay intooda badnayd Dalka uga maqnaayeen tixgalin ay tixgalinayaan Danta Dalka iyo Dadka oo waliba asagu codsaday in uusan ka shaqayn karin oo ay dalka dibadiisa dagaan.

    Madaxweyne Gaas haduu aqbalay oo waliba mudnaan iyo tixgalin ugu daray Madaxweyne faroole in uu Garowe dago oo uusan wax dhib ah ku hayn joogistiisa dalka,saw muhiim mahan in madaxweyne faroole taa xushmeeyo oo ugu yaraan ku tixgaliyo sida uu u tixgaliyay xarig jiidka hoose ee siyaasadeedna hoos u dhigo,hadalada wax kala fogaynay karana iska ilaaliyo.

    Maanta madaxweyne faroole waa in uu muujiyaa taxadar siyaada ah isagoo tixgalinaya xaaladaha jira iyo masuuliyadaha kala duwan ee uu hayo.

    Madaxweyne faroole wal wal badan ugama qabno wax khatar ku ah dalka in uu qayb ka noqon doono ,balse hadalada qalafsan waxay fariin khaldan udiri karaan kuwa aan wax badan xeerin,sidoo kale waa kuwo wax sii kala fogaynaya..

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    July 30, 2026

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    July 29, 2026

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni โ€˜๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐ ๐š๐š๐ซ ๐š๐กโ€™

    July 28, 2026
    Latest Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni โ€˜๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐ ๐š๐š๐ซ ๐š๐กโ€™

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo soo saartay habraaca labbiska Ardayda

    WARBIXIN: 2027, Al-Shabaab mala wareegi doontaa Koonfurta Soomaaliya?

    Abshir Bukhaari oo loo diiday in uu gudaha u galo Nairobi

    Ma dhab baa in Dowladda Puntland weerarayso Xeryaha ‘ilmo Diyaano’ ee Gaalkacyo iyo Boosaaso?

    QARDHO: Maamulka gobolka Karkaar oo mamnuucay hubka sharci darrada ah

    WAR-SAXAFADEED: Puntland uga digtay Galmudug in looga soo duulo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.