Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo noqday deeq siiyaha ugu weyn Ee Somaliya
    Somalia

    Maraykanka oo noqday deeq siiyaha ugu weyn Ee Somaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 29, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Danjire Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield oo booqasho ku joogta magaalada Muqdisho,ayaa ku dhawaaqday in Mareykanku uu bixin doono in ka badan 41-Milyan oo dollar oo dheeri ah, si loo badbaadiyo nolosha Somalida,looguna daboolo baahiyaha bini’aadinimo.

    “Xaaladda bini’aadantinimo ee Somaliya waa mid aad u xun”Ayay tiri Danjire Thomas-Greenfield.

    “Isku darka xiisadda cimilada,dhibaatada gudbinta saadka ee uu kiciyay COVID iyo colaadaha,sida midda Al-Shabaab, ayaa eraygaas naxdinta leh ee Macaluul dib ugu soo celiyey Somaliya” ayay raacisay hadalkeeda.

    “Macaluushu waa fashilka ugu dambeeya ee beesha caalamka,Dadkuna waa inaysan marnaba gaajo u dhiman,Waan diiday inaan aqbalo guul-darradaas,” Ayay tiri Danjire Thomas-Greenfield.

    Tan iyo bilowgii sannad-maaliyadeedka ee 2022-ka, Mareykanka waxa uu Somaliya ku deeqay 1.3 bilyan oo dollar oo gargaar ah naf badbaadin ah. ah.

    Maalgelinta Maraykanka,ayaa sannadkii hore ka ahayd in ka badan 80 boqolkiiba hawlgallada degdegga ah ee Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Geeska Afrika.

    Kaalmada Mareykanka ee Somaliya,ayaa Afar jibaar ka badan midda dalalka kale ee caalamka, waxaana gargaarkaasi dadka Somaliyed gaarsiiyay Cunnto,Biyo iyo Hoy.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland: Taariikhda Dhismaheeda, Sababihii Keenay iyo Himiladii Soomaaliyeed W/Q: Yaasiin Cabdisamad

    July 9, 2026

    Xildhibaan Xareed “Faroole waa xaajo yaqaan dal iyo dad jecel”

    July 9, 2026

    Deni oo furay Shirweynaha xoojinta wadashaqeynta iyo maamul daadajinta Hay’adaha Puntland

    July 9, 2026
    Latest Posts

    Puntland: Taariikhda Dhismaheeda, Sababihii Keenay iyo Himiladii Soomaaliyeed W/Q: Yaasiin Cabdisamad

    Xildhibaan Xareed “Faroole waa xaajo yaqaan dal iyo dad jecel”

    Deni oo furay Shirweynaha xoojinta wadashaqeynta iyo maamul daadajinta Hay’adaha Puntland

    Go’aano kasoo baxay Guddiga Nabad-galyada gobolka Nugaal

    Puntland iyo Jubbaland oo iska diiday ka qeybgalka kulanka Mucaaradka iyo Turkey

    Somalia’s Security Transition, Political Challenges, and the Future of the Federal Government

    WARBIXIN: Machadka IFA oo Itoobiya ugu yeeray aqoonsiga Somaliland

    Somaliland oo wada-hadal kula jirta saraakiisha Sool Bari, iyo Askar u goosatay

    Maamulka Xassan Shiikh oo Al-Shabab u aqoonsaday Xisbi siyaasadeed

    Madaxweyne Deni oo eryay Agaasimihii ‘Hay’adda Forensic Science’

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.