Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Mareykanka oo dalbaday in xilka laga qaado Gen. Odawaa Yuusuf
    Puntland

    Mareykanka oo dalbaday in xilka laga qaado Gen. Odawaa Yuusuf

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 31, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Mareykanka ayaa ku cadaadinaysa Madaxweynaha DFS, Xassan Shiikh Maxamuud in hoggaanka Ciidamada Xoogga dalka laga qaado Gen. Odawaa Yuusuf Raagge, kaddib guuldarooyinkii bilihii lasoo dhaafay soo gaaray ciidamada milateriga Soomaaliyeed.

    Idilnews ayaa ogaatay in dhowaan ay kala hadleen Madaxweyne Xassan Shiikh, isbedel lagu sameeyo Taliska ciidamada xoogga dalka, xilkana laga qaado Odawaa Yuusuf, lana keeno hoggaan cusub oo leh aqoon ciidan iyo waayo aragnimo la xiriirta dagaalka argagixisada.

    Gen. Odawaa ayaa lumiyay kalsoonida ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada ka taageera Soomaaliya dib u dhiska ciidamada iyo la-dagaallanka argagixisada, oo Mareykanku ugu baaxad weyn yahay, kaddib markii bartamihii bishii April uu isaga baxay degmada Aadan Yabbaal, xilli ay weerar kusoo qaaday kooxda Al-Shabaab oo la wareegtay gacan ku haynta degmada, sidoo kalena, ku dishay saraakiil muhiim ah iyo askar katirsanaa ciidamada xoogga dalka.

    Kulan dhexmaray 6 May, Taliyaha AFRICOM Gen. Michael E. Langley iyo Madaxweyne Xassan Shiikh oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Gen. Odawaa, ayaa Langley si adag ugu dhaleeceeyay hoggaaminta Odawaa ee ciidamada, isagoo dhowr su’aalood hordhigay, sidda sababta keentay in muddo dheer uu ku sugnaado jiidaha hore ee Aadan Yabbaal iyo waxa keenay in uu isaga sii cararo kaddib weerarka Al-Shabaab?.

    Odawaa ayaa hoggaaminta ciidamada dib loogu magacaabay November 2024, kaddib sannad iyo bilo uu ka maqnaa xafiiska oo uu Xassan Shiikh ka eryay June 2023, waxaana hoggamintiisu ay horseeday fashil dagaalka argagixisada iyo in ciidamada xoogga dalka lagala wareego deegaano muhiim ah oo ay ku jiraan goobo laga sugi jiray amniga magaaladda Muqdisho.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    July 29, 2026

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni โ€˜๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐ ๐š๐š๐ซ ๐š๐กโ€™

    July 28, 2026

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    July 28, 2026
    Latest Posts

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni โ€˜๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐ ๐š๐š๐ซ ๐š๐กโ€™

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo soo saartay habraaca labbiska Ardayda

    WARBIXIN: 2027, Al-Shabaab mala wareegi doontaa Koonfurta Soomaaliya?

    Abshir Bukhaari oo loo diiday in uu gudaha u galo Nairobi

    Ma dhab baa in Dowladda Puntland weerarayso Xeryaha ‘ilmo Diyaano’ ee Gaalkacyo iyo Boosaaso?

    QARDHO: Maamulka gobolka Karkaar oo mamnuucay hubka sharci darrada ah

    WAR-SAXAFADEED: Puntland uga digtay Galmudug in looga soo duulo

    Akhriso: Puntland oo baaq kasoo saartay dagaal beeleed ka dhacay Sanaag

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.