Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa gabi ahaanba laga jaray korontada, kaddib markii muddo bilooyin ah ay bixin waayeen lacagta adeegga korontada.
Sidda aan ogaanay tan iyo bishii June Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa lasoo gaarsiinayay digniino la xiriira inay iska bixiyaan lacagaha lagu leeyahay ee korontada, balse ma suuroobin inay iska bixiyaan.
Shaqaalaha shirkadda korontada ayaa saaka yimid xarunta Wasaaradda, waxaana ay jarteen korontada, taas oo meesha ka saartay adeeggii Wasaaraddu u sameyn jirtay shacabka Soomaaliyeed.
Idilnews ayaa heshay xog sheegaysa in Wasaaraddo badan oo ay kamid tahay Arrimaha Dibeddu aysan bilihii lasoo dhaafay helin Lacagihii adeegga, halka badi shaqaalahooduna aysan qaadan mushaaraadka iyo gunooyinkii shaqo ee ay heli jireen.
Maamulka Xassan Shiikh ee muddo-xileedkiisu dhammaaday ayaa hadda wajahaya xaalado dhaqaale, iyadoo laga jaray badi lacagihii kabka miisaaniyadda ee ka imaan jiray Caalamka, Dalal uu dalabaad dhaqaale weydiistay Xassan ayaana ku xiray in uu heshiis doorasho galo, dalkuna aado doorasho loo dhan yahay, oo uusan Soomaaliya helin burbur.
IDILNEWS
