Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Nacabo iyo Nasteexo.WQ.Gobaad Cumar Guuleed
    Somalia

    Nacabo iyo Nasteexo.WQ.Gobaad Cumar Guuleed

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 19, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa waa waayada ka mid ah kob ku wada noolaa Naalleeye iyo labadiisa xaas, Nacabo iyo Nasteexo. Labadiisa marwood ayaa habeen iyo dharaar dagaal joogta ah oo aan abid soo af-jarmin isku hayay. Naaleeye waqtigiisa intiisii badnayd waxaa ka qaatay u kala garniqidda labadiisa afood.

     

    Xilliyadii hore waxaa gacansarreeyn jirtey Nasteexo oo inta badan garab iyo gaashaan heli jirtey. Saygoodu intii hore oo dhan wuxuu garta siin jirey Nasteexo, hayeeshee waayadii dambe Nacabo xaggeeda ayuu billaabay in uu isu janjeeriyo oo is-xijiyo.

     

    Nacabo carruur ma leh, dabeecad ma leh, qurux ma leh, dulqaad ma leh, dadnimo ma leh, dad-wadid ma leh oo naxariis ma leh. Qof shiddo, diradiraalennimo, dabshidid iyo dagaal u taagan weeye. Qof xigto iyo xigaal xabaal ku guraysa weeye. Badankood ehelkii iyo ummaddii ayaa dhibsaday.

     

    Nasteexo carruur bay leedahay, dabeecad bay leedahay, dulqaad bay leedahay, dadnimo ayay leedahay, dad-wadid bay leedahay oo naxariis ayay leedahay. Qof nabad, deris wanaag, dad-isku-wadid iyo colaad-demin u taagan weeye. Badankood ehelkii iyo ummaddii ayaa jeclaaday.

     

    Muddo kaddib xaaladdii ayaa is-rogtay. Xaaladdu halbeeg 180 digrii ah ayay la baxday. Nacabo waxay garab iyo gaashaan ka heshey dadkii intiisii badnaa. Iyadii ayay bulshadii inteedii badnayd taageertey.

     

    Nasteexo meel cidlo ah ayay ku soo dhacday. Qof il naxariis leh iyadii ku dhugta ayay wayday. Kuwii ay dhashay, waxay la safteen oo raaceen Nacabo. Diiddey Nasteexo in inta badan waxay isku raacday ay ka mid noqoto oo waxay sameeyaan iyo dagaallada ay oogaan iyo nacaybka ay dadka dhex dhigaan taageerto. Eebbe ayay talada saaratay. Dabadeed waxay billoowday oo muddo dheer ka shaqeeysey sidii ummadda laysu jeclaysiin lahaa, laysu qaddarin lahaa, loo walaaleeyn lahaa, laysugu keeni lahaa oo cadowgooda, dibed iyo gudaba, loo dareensiin lahaa.

     

    Ugu dambeeyntii, Nasteexo, Eebbe waa ku guuleeysiiyey in hibadeedii, hankeedii, himiladeedii iyo hibaaqeedii udgoonaa oo habboonaa uu helloon u noqdo.

     

    Gobaad Cumar Guuleed

    London, 19.02.2017

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.