Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Odayaal Dhaqameed la macaamilay Alshabaab oo xukun lagu riday
    Somalia

    Odayaal Dhaqameed la macaamilay Alshabaab oo xukun lagu riday

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 29, 2023Updated:January 29, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Fadaraalka Somaliya,ayaa xukun Xabsi Shan Sano ah ku riday Saddex Odey dhaqameed, oo loo haystay inay heshiisyo la galeen Ururka Al-Shabaab.

    Saddexda Nabadoon oo la kala yiraahdo, Cumar Maxamed Jimcaale Aadan (Cumar Faniinte), Cali Axmed Xayle Caraalle (Cali Yare) iyo Sugaal Warsame Cali Yarow, ayaa loo haystay inay ka dhago fureysteen amar ka yimid Dowladda, oo ahaa inaan lala macaamili karin Ururka Al-Shabaab.

    Xukunka Maxkamadda, ayaa waxa kaloo kamid ah, in marka ay dhameystaan Xabsiga shanta sano ah, uu Boolisku la socon doono dhaqdhaqaaqooda.

    Odayaasha,ayaa waxa u furan inay racfaan ka qaataan xukunka ku dhacay maanta.

    Nabadoonnada la xukumay, ayaa 27 kii Diisembar laga soo xiray magaalada Cadaado, kadib markii ay heshiis kula soo galeen Al-Shabaab magaalada Xarardheere, kahor inta aanay gacantooda ka bixin.

    Heshiiska,ayaa waxa kamid ahaa in lasii daayo dad ka badan Lixdan Qof oo kooxda Al-Shabaab ay haysatay, iyo in gaadiidleyda reerka Cadaado dagan loo fasaxo inay ka shaqaysan karaan dhulka ay xukumaan kooxdu.

    Taa badalkeeda Odayaashu waxay oggolaadeen Qoddobo ay kamid ahaayeen in deegaannadooda aan loogga duulin kooxda, iyo in maleeshiyo beeleedyadooda ka reebaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    GEESKA AFRICA: Mareykanka oo ka digay halista dagaal dhexmara Itoobiya iyo Eritrea

    October 4, 2026

    Madaxweyne Deni oo labo arrimood laga sugayo kaddib soo laabashadiisa todobaadkan

    October 4, 2026

    Xaaladda Isaias Afwerki iyo Abiy Ahmed waa tusaale mudan in dib loo milicsado. W/Q: Muna Kaamila

    October 3, 2026
    Latest Posts

    GEESKA AFRICA: Mareykanka oo ka digay halista dagaal dhexmara Itoobiya iyo Eritrea

    Madaxweyne Deni oo labo arrimood laga sugayo kaddib soo laabashadiisa todobaadkan

    The Destructive Legacy of Dictatorship

    Xaaladda Isaias Afwerki iyo Abiy Ahmed waa tusaale mudan in dib loo milicsado. W/Q: Muna Kaamila

    Booliska gobolka Mudug oo gacanta ku dhigay Maxamed Gorod

    Itoobiya oo xirtay safaaradeedii Asmara, ceyrisayna dublamayaasiyiin Eritrean ah

    Maxaa kasoo baxay Shirka Golaha Wasiirada Puntland?

    Mustafe Cagjar oo mar kale loo doortay Madaxweynaha DDS

    Al-Shabaab oo dhaqdhaqaaq ka wada duleedka Muqdisho & diyaaradaha F-16

    PMPF operations have cleared Puntland coast spanning up to 1,650-KM from piracy










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.