Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qabanqaabada Shirka Maqaabkiisu sareeyo ee amniga iyo Horumarka Somaliya oo looga shiray
    Somalia

    Qabanqaabada Shirka Maqaabkiisu sareeyo ee amniga iyo Horumarka Somaliya oo looga shiray

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 20, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa xafiiskiisa kula kulmay Safiirka Cusub ee dalka Ingiriska Amb. David Concar, iyaga oo kawada hadlay qaban-qaabada shir heer sare ah oo ku saabsan horrumarka iyo amniga Soomaaliya oo sannadkan lagu qaban doono magaalada London.

    Mudane Carte, ayaa Safiirka kala hadlay wax yaabaha looga hadli doona shirka oo ay martigelinayso dawladda UK lana filayo in ay ka soo qayb galaan dawlado badan iyo hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobey.

    Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa safiirka uga mahadceliyay martigelinta ay dawaldiisa martigelin doonto shirkan, isaga oo ka codsaday in xiriirka laba dal kor loo sii qaado.

    “Dawladda Britain waxa aan uga mahadcelinayaa martigelinta shirkan iyo garab istaaga dawladda iyo shacbiga Soomaaliyeed oo inagu dhiiragelinaysa in aynu sii xoojino xiriirka inaga la dhaxeeya” ayuu yiri Mudane Carte.

    Ugu dambeyn, Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa sheegay in shirka ay si wada jir ah u gudoomin doonaan Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey, Madaxweynaha Soomaaliya, iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Ingiriiska oo la filayo in ay ka soo baxaan heshiis iskaashi oo dhex mara Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, kobcinta dhaqaalaha, dib u habeynta amniga, wax ka qabashada abaaraha, iyo sidii dalkeenna looga cafin lahaa deymaha.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.