Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-Madaxweyne Farmaajo oo Warqadihii aqoonsiga ka gudoomay safiirka Uk ee Soomaaliya
    Somalia

    Sawiro:-Madaxweyne Farmaajo oo Warqadihii aqoonsiga ka gudoomay safiirka Uk ee Soomaaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 18, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waa safiirkii ugu horreeyey ee uu madaxweynaha J.F. S mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo warqadaha aqoonsiga ka guddoommo, safiirka dowladda Ingiriiska danjire David William Concar, waxaana looga guddoomay xafiiska madaxweynaha ee Villa Soomaaliya.

    Madaxweyne Farmaajo iyo safiirka cusub ee boqortooyada Ingiriiska ayaa wada qaatay kulan,  waxa ay ka hadleen xiriirka labada dowladooda iyo  sii amba-qaadidda wada shaqeynta ka dhaxeysa.

    Sidoo kale, waxaa laga hadlay taageerada Ingiriiska Soomaaliya uu siiyo ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo midka siyaasadda, madaxweynaha ayaana uga mahadceliyey dowladda UK arrimahaasi.

    Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Cali Kadiye, ayaa sheegay in Soomaaliyo iyo Ingiriiska uu ka dhaxeeyo xiriir weyn oo dhan walba leh, isla markaana ay hadda sii wadi doonaan iskaashiga ku saleysan diblomaasiyadda iyo taageerada looga baahan yahay.

    David William Concar Safiirka cusub ee dowladda Britain ee Soomaaliya ayaa sheegay in kulanka isaga iyo madaxweynaha ay isku soo qaadeen in si dhab ah loo xoojiyo taageerada joogtada ah ee Soomaaliya ay siiyaan, dhowaanna la qaban doono shir looga hadlayo siyaasadda Soomaaliya.

    “Maanta, waxaa la iga guddoomay anigoo ah safiirka UK ee Soomaaliya warqadaha, taasna waxa ay daliil u tahay taageerada ballaaran ee aan Soomaaliya u heynno,

    Madaxweynaha waxaan ka wada hadalnay  amniga iyo sida ay muhiim u tahay in laga wada shaqeeyo, waxaa xusid mudan in la aan si qiiro leh uga hadalnay madaxwyenaha abaaraha ka jira Soomaaliya oo u baahan in si deg deg ah wax looga qabto, taasna waan ka wada shaqeyn doonnaa, waxaa jira shir weyn oo siyaasadda Soomaaliya looga hadlayo oo ka dhici doona bisha May magaalada London, wax badan ayuu tari doona shirkaas, Soomaaliya waxaa ka muuqda horumar weyn oo aan ku wada faraxsanahay” ayuu yiri safiirka dowladda Ingariiska ee Soomaaliya David William Concar.

    Soomaaliya iyo Ingariiska taariikh fog ayaa ka dhaxeysa, waxaana muuqda hadda ay dowladda Ingariisku waddo dedaallo ay uga qeyb-qaadeyso horumarka iyo dhismaha Soomaaliyada cusub.

     

     

     

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.