Mudaaharaad kooban oo looga soo horjeedo dawlada ayaa ka dhacay qaybo kamid ah xaafadaha Bosaso.
ย
Mudaahraadkan oo aan saa u buurnayn ayaa waxaa ka qaybgalay xoogaa Dumar iyo Caruur ah ,kuwaasoo wadooyin yar-yar oo dhexmara xaafadahaas ku gooyay dhagxaan iyo fuustooyin.
ย
Ciidamada amaanka Bosaso,ayaa markii danbe soo gaaray xaafadahaas kalanacayriyay mudahaaraadayashii aan sida weyn u abaabulnayn.
ย
Mudahaaradkan ayaa wararka hoose ee la helayo waxay sheegayaan in ay ka danbeeyaan kooxo diidan siyaasada madaxweyne Gaas.


