Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shir looga hadlayay bixitaanka ciidamada AMISOM oo Kampala ka dhacay (Sawirro)
    Somalia

    Shir looga hadlayay bixitaanka ciidamada AMISOM oo Kampala ka dhacay (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 28, 2020Updated:January 28, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirkaan oo muddo hal maalin ah soconayay oo ay ka qayb galeen Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Taliye kuxigeenka Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed S/guuto Maxamed Cali Bariise ayaa maanta lagu qabtay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

    Waxaa sidoo kale shirkaan kasoo qayb galay dhammaan taliyeyaasha Dalalka ciidamada ay ka joogaan dalkeenna Soomaaliya iyo safiirada dalalka Turkiga, Raashiya, iyo diblumaasiyiin ka socday safaaradaha Ingiriiska, Mareekanka, ee Soomaaliya, halka sidoo kale ay goobjoog ahaayeen madax ka socotay Ururka Midowga Yurub,Qaramada Midoobay iyo Midowga afrika.

    Shirka ayaa looga hadlay siddii loo bilaabi lahaa bixitaanka ciidanka nabad ilaalinta ee AMISOM, iyaddoo laga dooday siddii loo qorsheyn lahaa ciidanka ugu horeeya ee ka baxaya Soomaaliya iyo meelaha ay ka baxayaan.

    Dhamaadka bisha Febaraayo 2020 ayaa lagu heshiiyay in kun askari laga soo saaro Soomaaliya, kuwaas oo noqon doona bilowga bixitaanka ciidanka nabad ilaalinta ee AMISOM.

    Sidoo kale shirka ayaa looga hadlay siddii cidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga u bilaabi lahaayeen howlgalo lagu baacsanaayo kooxda argagaxisada ah ee Alshabaab, loona xoreyn lahaa guud ahaan dalkeenna Soomaaliya.

    Shirka ayaa sidoo kale xoogga lagu saaray siddii taageero buuxda loo siin lahaa ciidanka xoodga dalka Soomaaliya si ay ula wareegaan meelaha laga xoreeyo Nabad diidka Arxanka darran, looguna sameyn lahaa qalabeyn buuxda.

    Qaar ka mid ah safiirada iyo diblumaasiyiinta matalaya dalalka Soomaaliya taageera iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa ka warbixiyay dadaalada socda ee dib loogu dhisayo ciidanka xooga dalkeena Soomaaliya oo ay ugu horeyso dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga.

    Shirkaan oo ay soo abaabuleen Midowga Afrika ayaa isla maanta lagu soo gabo-gabeeyey magaalada Kampala ee caasimadda Dalka Uganda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.