Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Donald Trump iyo Ceebtii ka raacday khudbadisii Sweden maxaa ka dhacay xalay
    Somalia

    Video:-Donald Trump iyo Ceebtii ka raacday khudbadisii Sweden maxaa ka dhacay xalay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 20, 2017Updated:February 20, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa laga dalbaday in uu sharaxaad ka bixiyo sababta uu u sheegay in fal ammaan darro uu ka dhacay dalka Sweden Jimcihii, kaas oon xaqiiqo ahaan waxba uga jirin.

    Isaga oo Sabtidii khudbad u jeedinaya dad isu soo baxay ayuu yiri, “bal fiiriya waxa habeen hore ka dhacay Sweden” isaga oo markaas tirinayay dalal Yurub ku yaalla oo ay argagixiso ka gaysteen falal ammaan darro ah.

    Maadaama uusan wax dhib ah ka dhicin Sweden Jimcihii waxay maamulka Maraykanka ka dalbadeen in uu sharaxaad ka bixiyo arrintan.

    Trump ayaana Twitterkiisa ku soo qoray in uu soo xiganayay warbixin uu Telefeshin ka daawaday

    Wuxuu sheegay in uu ka daawaday warbixin uu sii daayay Fox News, laakiin ma uusan sheegin goortii ay ahayd, waxaase laga yaabaa in uu ula jeeday barnaamij Fox News ka baxay jimcihii kaas oo diiradda lagu saarayay qaxootiga iyo dambiyada ka dhaca Sweden.

    Inkastoo Trump ereyadiisu ay ahaayeen “bal fiiri waxa habeen hore ka dhacay Sweden” haddana Sarah Huckabee oo ah afhayeenka Aqalka Cad ayaa si gooni ah u sheegtay in madaxweynuhu uu ka waday dambiyada sii kordhaya iyo guud ahaan dhacdooyinkii u dambeeyay, isla markaasna uusan dhacdo gooni ah ula jeedin.

    Ra’iisalwasaarihii hore ee Sweden Carl Bildt ayaa ka mid ahaa dadkii ku jeesjeesay Trump hadalkiisa, isaga oo ku tilmaamay in uu “wax cabay”.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    July 30, 2026

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    July 29, 2026

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni โ€˜๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐ ๐š๐š๐ซ ๐š๐กโ€™

    July 28, 2026
    Latest Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni โ€˜๐ƒ๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐ ๐š๐š๐ซ ๐š๐กโ€™

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo soo saartay habraaca labbiska Ardayda

    WARBIXIN: 2027, Al-Shabaab mala wareegi doontaa Koonfurta Soomaaliya?

    Abshir Bukhaari oo loo diiday in uu gudaha u galo Nairobi

    Ma dhab baa in Dowladda Puntland weerarayso Xeryaha ‘ilmo Diyaano’ ee Gaalkacyo iyo Boosaaso?

    QARDHO: Maamulka gobolka Karkaar oo mamnuucay hubka sharci darrada ah

    WAR-SAXAFADEED: Puntland uga digtay Galmudug in looga soo duulo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.