Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiir Janan, Ma baxsaday ? Mise waa la sii daayay ? (XOG)
    Somalia

    Wasiir Janan, Ma baxsaday ? Mise waa la sii daayay ? (XOG)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 28, 2020Updated:January 28, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Cabdinuur Xasan (Janan), ayaa ka baxsaday xabsi ku yaalla Magaalada Muqdisho oo ay ku haysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay barteeda Twitter-ka ku shaacisay Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed.

    Taliye Zakiya ayaa intaas ku dartay in laamaha Amniga Soomaaliya ay ku raadjoogaan, inkastoo aysan shaacin halka uu ku xirnaa.

    Hadaba, Maxaan kala soconaa baxsashada Mr. Janan ?

    Shabakadda Idil News, ayaa ogaatay Wasiir Janan oo u xirnaa Dowladda Soomaaliya, illaa 31-keedii bishii Ogosto ee sannadkii tagay β€œ2019”, goobta uu ka baxsaday la keenay 5 maalmood kahor.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedaysay inuu galay “dambiyo culus.

    Sidoo kale, Xogo ay heshay Shabakadda ayaa lagu ogaaday in Ciidamo cusub lagu wareejiyay ilaalada goobta la keenay, waxaana sawirro ay baahisay Dowladda lagu muujiyay in Mr. Janan uu ka baxay daaqad Guriga lagu hayay oo ka sameynayd shabaq ah.

    Warar kala duwan ayaa kazoo baxaya baxsashada Wasiir Janan ee ay shaacisay Dowladda Soomaaliya, iyadoona xogaha qaarkood oo iska hor imaanaya ay kala tibaaxayaan *in Dowladdu ay ku sii deysay Janan heshuus, halka mid kale ay sheegayso *in sirdoonka Jubbaland ay la baxeen.

    Xarigga Dowladda Soomaaliya ay u geysatay Mr. Janan ayaa waxaa hore u soo dhoweeysey hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, taas oo abuurtay tuhun ah, in Dowladdu iyada oo ka cabsanaysa in dhaleeceyn ay kulanto Hay’adan loo ekeysiiyay sii deyntiisa baxsad.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    π€π‘π“πˆπ‚π‹π„| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    π€π‘π“πˆπ‚π‹π„| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.