Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiir ka tirsan Galmudug oo caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho
    Somalia

    Wasiir ka tirsan Galmudug oo caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 28, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay caawa magaaladaasi ku dileen Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ee Galmudug, Farxiya Cabdi Maxamed.

    Haweeneydan ayay kooxahaasi ku dileen Degmada Warta Nabadda (Ex Wardhiigley), iyagoona dilka ka dib ka baxsaday goobtaasi.

    Haweeneydan ayaa waxa ay ka mid ahayd Golihii Wasiirada ee 5-tii bishii December uu magacaabay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

    Madaxweyne Qoorqoor ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumadda, isagoona dilkeeda ku eedeeyay kooxaha argagixisada.

    Farxiya Cabdi ayaa door weyn ku laheyd abaabulka gulufkii ballaarnaa, ee ay ciidamadu 16-kii bishan kula wareegeen gacan ku haynta Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

    Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkeeda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Taliska Booliska Puntland oo xirxiray Askar Fandom samaysay

    June 9, 2026

    Safiirkii Turkiga Ee Somaliya oo la badalay

    June 9, 2026

    Maxay kawada hadleen Jubaland iyo Maraykanka?

    June 9, 2026
    Latest Posts

    Taliska Booliska Puntland oo xirxiray Askar Fandom samaysay

    Safiirkii Turkiga Ee Somaliya oo la badalay

    Maxay kawada hadleen Jubaland iyo Maraykanka?

    Wararkii ugu danbeeyay dadaalka dhexdhexaadineed Ee Turkiga

    Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garoowe & wafuud Sare oo la sugayo.

    Xassan Shiikh oo weli hurinaya colaad, si loo fashiliyo daddaalada Beesha Caalamka.

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.