Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiirka Arrimaha Dibedda Iran oo maanta booqanaya Riyadh
    Somalia

    Wasiirka Arrimaha Dibedda Iran oo maanta booqanaya Riyadh

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 17, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Hossein Amir-Abdollahian iyo wafti sare oo uu hoggaaminayo ayaa maanta oo khamiis ah booqasho ku tegaya caasimadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee Riyadh.

    Wakaaladda wararka Iran ee IRNA, ayaa baahisay in Wasiir Hussein uu kulan la yeelan doono dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga Amiir Feysal Bin Farhan, iyo madaxda sare ee Boqortooyada, kuwaas oo ay ka wadahadli doonaan xiriirka labada dal iyo arrimo la xiriira dunida Islaamka.

    Waa safarkii ugu horreeyay ee dublamaasi sare oo ka socda Iran ku tagayo Riyadh, tan iyo markii labada dal gaareen heshiis lagu hagaajinayo xiriirkooda, uuna garwadeen ka ahaa Shiinaha.

    Wadahadallo maalmo ka soconayay Beijing, ayay bishii Maarso ee sanadkan labada dhinac go’aan ku gaareen dib u soo celinta cilaaqaadka labada dal. Sacuudi Carabiya iyo Iran ayaana magacaabay safiiro degi doona caasimaddaha labada dal.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    June 5, 2026

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Xasan Shiikh oo weeraray Khayre iyo Sh.Shariif

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.