Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xassan Shiikh oo guuldaro kala kulmay xiriirka UK
    Somalia

    Xassan Shiikh oo guuldaro kala kulmay xiriirka UK

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 17, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee DFS, Hassan Sheikh Mohamud ayaa ku guuldareystay dadaalo uu ku doonayay in aan Golaha Ammaanka QM la horgeyn weerarradii uu 4 June ku qaaday madaxda mucaaradka, gaar ahaan Madaxweynihii 7aad ee DFS, Shariif Shiikh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee XFS Xassan Cali Kheyre.

    Xassan Shiikh oo xiriiro la sameeyay dublamaaaisiyiin u dhashay dalka UK, uuna kamid ah yahay Safiirka Ingariiska u jooga Muqdisho, ayaa ka codsaday in aan Gollaha Ammaanka la hordhigin dagaaladii ka dhacay Muqdisho, uuna diyaar u yahay in heshiis degdeg ah laga gaaro maareynta marxalada kala-guurka ah iyo doorashooyinka Qaran.

    Balse, Danjire Charles King ayaa iska diiday dalabka Xassan Shiikh, waxaana Gollaha Ammaanka QM oo kulan yeeshay ay UK hordhigtay xaalka cakiran ee Soomaaliya, weerarrada Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ku qaaday Madaxda macaaradka iyo heshiis la’aanta doorashooyinka.

    UK ayaa gacanta ku haysa galka Arrimaha Soomaaliya marka la joogo miisaska caalamiga ah, waxaana gudbinta warbixintan ay saameyn weyn ku leedahay mustaqbalka Xassan Shiikh oo Soomaaliya u jiheeyay jid mugdi ah.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xildhibaanada mucaaradsan Deni oo maanta la kulmay dhar-baaxo, kaddib doddii Baarlamaanka

    June 17, 2026

    EVIAN: Ruto oo noqday hoggaamiyaha kali ah ee Africa-da madow ka socda oo taga shirka G7

    June 16, 2026

    DFS oo walaac ka muujisay xiriirka Israa’iil iyo Somalind, dalbatayna gurmad

    June 16, 2026
    Latest Posts

    Xildhibaanada mucaaradsan Deni oo maanta la kulmay dhar-baaxo, kaddib doddii Baarlamaanka

    Xassan Shiikh oo guuldaro kala kulmay xiriirka UK

    EVIAN: Ruto oo noqday hoggaamiyaha kali ah ee Africa-da madow ka socda oo taga shirka G7

    DFS oo walaac ka muujisay xiriirka Israa’iil iyo Somalind, dalbatayna gurmad

    GAROOWE: Shirarka aasaaska Sanduuqa Horumarinta Puntland oo weli socda

    Madaxweyne Deni oo sheegay in ‘Xassan Shiikh Burcad-badeed’ ku abuuray Xeebaha Puntland

    Cirro & Netanyahu oo heshiis kala saxiixday

    DENI -Muxuu ku badashay ku celinta Puntland ee ‘nidaamka Parliamentary’ ?

    VIDEO: Axmed Madoobe oo soo Bandhigay ciidamo, kuna dhawaaqay dagaal

    ISRAA’IIL: Cirro oo lagu soo dhaweeyay Tel Aviv

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.