Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xubin muhiim ah oo Alshabaab ka tirsan oo lagu qabtay Muqdisho
    Somalia

    Xubin muhiim ah oo Alshabaab ka tirsan oo lagu qabtay Muqdisho

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 25, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sirdoonka Dawlada fadaraalka  ayaa soo qabtay xaaska mid kamid ah horjoogayaasha ajnabiga ah ee  Al-shabaab, kana mid ah kooxda qaabilsan tashkiilinta Dhalinyarada.

     Leyla Cumar Baaruud waa xaaska Horjeege Ajinabi ah oo dhalashadiisu tahay Ethiopian, ciidamada sirdoonka,ayaa ku raad joogay mudo shan bilood ah.

    Leyla ayaa kooxda al-shabaab u qaabilsaneyd tashkiilinta dhalinyarada Rag iyo Dumarka ah, iyadoo malcaamad xifdinta Qur’aanka Kariimka  lagu barto ku laheyd gobalka Jubbada hoose.

    Sirdoonka dawlada Fadaraalka ah ,ayaa waabarigii maanta Leyla ku qabtay degmada Cabdicasiis xilli ay dooneysay in gurigeeda hortiisa ay gaari ka raacdo.

    Laylo Cumar Baaruud, oo ah hooyo labo caruur ah leh, waxeey u muuqaataa in ay ku maashoowday marin habaabinta qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in ay howshan ku jirtay muddo todobo sano ah, taas oo dhaxalsiisay in ay ku fogaato aragtida qalafsan ee kooxda sida ka muuqata waraysiga ay bixisayna waxeey ku haminaysaa in ay disho naftayda isla markaana marato dad badan oo muslimiin ah, waxeeyna tusaale u tahay Laylo heerka ay Al-Shabaab garsiiyeen dad badan oo ay uga faa’iidaysteen aqoon yarida, ilaa ay u badaleen kuwo xanbaarsan aragti khilaafsan shareecada Islaamka iyagoo isla saxsan waliba.

    Haweeneydan ayaa ku talo jirtay safar ay Degmada Jilib ku gaari lahayd oo ay ugu socotay seygeeda oo ah nin Ajnabi ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    July 30, 2026

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    July 29, 2026

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni ‘𝐃𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡’

    July 28, 2026
    Latest Posts

    XOG: Saddex qodob oo xubnaha Sare ee Mareykanku hordhigeen Axmed Madoobe

    Puntland oo si weyn ugu diyaar-garoobaysa Xuska 1da August

    Mareykanka oo ku cadaadinaya Madaxweyne Deni ‘𝐃𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡’

    Soomaaliya oo dib loogu celinayo Dowald KMG ah

    Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo soo saartay habraaca labbiska Ardayda

    WARBIXIN: 2027, Al-Shabaab mala wareegi doontaa Koonfurta Soomaaliya?

    Abshir Bukhaari oo loo diiday in uu gudaha u galo Nairobi

    Ma dhab baa in Dowladda Puntland weerarayso Xeryaha ‘ilmo Diyaano’ ee Gaalkacyo iyo Boosaaso?

    QARDHO: Maamulka gobolka Karkaar oo mamnuucay hubka sharci darrada ah

    WAR-SAXAFADEED: Puntland uga digtay Galmudug in looga soo duulo

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.