Bangiga Dowladda Puntland, gaar ahaan qaybta Istaatiitikada iyo Cilmi-baarista Bangiga oo kaashanysa Kuliyadda Cilmiga Bulshada iyo Dhaqaalaha ee Jaamacadda Bariga Afrika Garowe, ayaa daabacday cilmi-baaris cinwaankeedu yahay:
βSaamaynta Dhaqaale ee Colaadda Iiraan iyo Israaβiil ku yeelatay Soomaaliya gaar ahaan Puntland β
Daraasaddan waxay si qoto dheer u falanqaynaysaa saamaynta dhaqaale ee colaadda Iiraan iyo Israaβiil ku yeelatay Puntland, iyadoo diiradda saareysa kororka sicir-bararka, qiimaha shidaalka, ganacsiga, sugnaanta cuntada, iyo hab-nololeedka.
Sidoo kale, waxay soo bandhigaysaa talooyin ku saleysan caddeymo cilmiyeed oo lagu xoojinayo adkeysiga dhaqaalaha iyo taageeridda dejinta siyaasado iyo goβaanno xog ogaal ah.
Daabacaaddani waxay muujinaysaa sida ay Bangiga Dowladda Puntland uga goβan tahay Horumarinta cilmi-baarista, xoojinta iskaashiga Hayβadaha, iyo soo saarista aqoon wax ka qabata caqabadaha jira, kana qeyb qaadata horumar waara .
Bangiga Dowladda Puntland wuxu u mahadcelineynaa Jaamacada Bariga Africa kaalintii qiimaha lahayd ee ay ku lahaayeen hirgelinta mashruucan cilmi-baariseed.
Cilmi baaristan ayaa lagu daabacay joornaalka : Scientific Research Publishing (SCIRP) β Open Journal of Social Sciences (Luulyo 2026).
π Akhriso cilmi-baarista oo dhammaystiran halkan:
https://www.scirp.org/journal/paperinformation?paperid=152518
IDILNEWS
