Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Midowga Yurub oo dib u eegis ku samaynaya siyaasada muhaajiriinta
    Somalia

    Midowga Yurub oo dib u eegis ku samaynaya siyaasada muhaajiriinta

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 27, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirada socdaalka ee Midawga Yurub ayaa ku kulmaya magaalada Stockholm ee dalka Sweden si ay dib u eegis ugu sameeyaan siyaasadaha socdaalka, gaar ahaan muhaajiriinta dib u soo laabanaya ee aan xaqa u lahayn in la siiyo magangelyada.

    Shirkan ayaa loo arkaa kulan aan rasmi ahayn oo loogu diyaargaroobayo kulanka ay isugu imanayaan dhammaan madaxda 27-ka dal ee Midawga Yurub, bishan soo socota ee February 10-keeda, halkaas oo la filayo in arrimaha socdaalku ay xagga hore ka galaan ajandaha laga wada hadlayo.

    Madaxa arrimaha gudaha u qaabilsan Midawga Yurub Ylva Johansson oo la hadashay warbaahinta, ka hor kulanka, ayaa sheegtay in Midawga Yurub uu arkay soo galooti “aan caadi ahayn” oo soo gaadhaya dalalka Yurub, kuwaas oo gaadhay illaa 300,000 oo muhaajir sannadkii hore. Midawga Yurub ayaa sidoo kale diiwaangeliyey illaa 974,000 codsi oo magangelyo doon ah.

    Madaxa arrimaha gudaha ayaa sheegtay in tirada magangelyo doonku ay saddex laab ka badan yihiin, tirada muhaajiriinta ee caadiga ah, arrintaas oo culays badan saaraysa awoodaha soo dhoweynta ee muhaajiriinta, iyada oo sheegtay in qaar badan oo ka mida [muhaajiriintaasi] inaanay u baahnayn ilaalinta caalamiga ah.

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka soo xigatay Qaramada Midoobay, in illaa 160,000 oo dad ahi inay sannadkii 2022 ka gudbeen badda Mediterranian iyaga oo u gudbay dhinaca Yurub, kuwaas oo ka cararaya dagaalada iyo saboolnimada ka jirta Bariga dhexe, Afrika iyo Aasiya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Taliska Booliska Puntland oo xirxiray Askar Fandom samaysay

    June 9, 2026

    Safiirkii Turkiga Ee Somaliya oo la badalay

    June 9, 2026

    Maxay kawada hadleen Jubaland iyo Maraykanka?

    June 9, 2026
    Latest Posts

    Taliska Booliska Puntland oo xirxiray Askar Fandom samaysay

    Safiirkii Turkiga Ee Somaliya oo la badalay

    Maxay kawada hadleen Jubaland iyo Maraykanka?

    Wararkii ugu danbeeyay dadaalka dhexdhexaadineed Ee Turkiga

    Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garoowe & wafuud Sare oo la sugayo.

    Xassan Shiikh oo weli hurinaya colaad, si loo fashiliyo daddaalada Beesha Caalamka.

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.