Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Boosaaso
    Somalia

    Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Boosaaso

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 15, 2023Updated:February 15, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wararka ka imaanaya magaalo ganacsiyeedka Puntland ee Boosaaso ayaa sheegaya in Qarax geystay khasaare uu ka dhacay goob lagu cuno Qaadka (qayilo) oo ku taalla Boosaaso,

    Qaraxa oo ahaa miino lagu aasay dhulka ayaa sida la xaqiijiyay waxaa ku geeryooday hal ruux, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 kale oo kamid ahaa dadkii goobta ku sugnaa oo isugu jiray askar iyo shacab.

    Laamaha amniga oo goobta soo gaaray ayaa wada baaritaan. Mana jirto cid sheegatay inay ka dambeeyeen qaraxan oo kusoo aadaya xilli la adkeeyay maalmihii u dambeeyay amniga Boosaaso oo todobaadyo uu joogo Madaxweynaha Puntland.

    Kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish ayaa horey uga geysan jiray qaraxyada noocan oo kale ah Boosaaso, balse amniga magaalada ayaa soo hagaagayay dhowaanahan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garoowe & wafuud Sare oo la sugayo.

    June 7, 2026

    Xassan Shiikh oo weli hurinaya colaad, si loo fashiliyo daddaalada Beesha Caalamka.

    June 7, 2026

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garoowe & wafuud Sare oo la sugayo.

    Xassan Shiikh oo weli hurinaya colaad, si loo fashiliyo daddaalada Beesha Caalamka.

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.