Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo: Isimadda Isaaq, muxuu ugu soo dhiibay Muuse Biixi ‘Dhulbahante’ ?
    Somalia

    Faallo: Isimadda Isaaq, muxuu ugu soo dhiibay Muuse Biixi ‘Dhulbahante’ ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 16, 2023Updated:February 16, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wexay ila tahay Dhulbahante Nin ganay og, nin galadayna og, mana garan karo waxa Salaadinta Hargaysa la soo hor fariisan doonto Garaadada Laascaano?

    Xagee beey hadalka ka bilaabayaan?

    Maxay u wadaan beesha dhulbahante aan ka ahayn Soomaaliland ha kala dirina Dhulbahantow.

    Dhulbahante horay ma uga tirsaan Somaliland marka hor-galada dhulbahante laga reebo?

    15 Sano SL iyo Laascaanood?!

    1.Dilal qorshaysan oo Hal-doorka LC lagu waday.

    2.Ciqaab, Caburin iyo horumarkii oo laga hor-is-taagay LC.

    3.Isku dir iyo kala dil Beesha Dhulbahante dhexdeeda ah.

    Haatan?!

    11-Maalmood oo xasuuq shacab aan loo meeldayin,Caruur,Ciroole, Biri ma gaydo, Dumin Isbitaalo,Iskuulo,Masaajido,Guryo Shacab iyo Meharado.

    Dhulbahantow waxaan idiin wadnaa..

    1.Duug.
    2.Diyo laba jibaaran.
    3.Dhismihii dumay aynu dib u dhisno.
    4.Khasaaraha ka dhacay LC oo aan qaadano mid masuuliyadeed iyo mid Dhaqaale.

    Markale Dhulbahantow waxaan idiin wadnaa..

    1.Wasiirada Maalyada iyo Arimaha gudaha.

    2.Talyaha Ciidamada.
    3.30% Shaqaalaha Dowlada.
    4. 25% Mashaariicda dalka.
    5.Lacag Kaash ah oo xaal iyo Magdhow ah.

    Garaadada dhulbahante wexeey oran doonaan…

    “Intaad sheegteen oo dhan idin-kama rabno, wixii dhacayna cafa laahu camaa salaf, kaliya aynu ahaano dad walaalo ah, is dhalay, deris ah, Somali wada ah, muslin wada ah, kaliya aynaan wada ahayn Somaliland, anaga waanu tagnay,Maamul baanu dhisanay meeshii uu nala gaaraba ee raali naga ahaada,iyagoo fara maran ayay Salaadiinta Somaliland dib ugu noqon doonaan Hargaysa”.

    Maxaa xigi doona fashil kaas kadib?

    Waa uun Laba mid, in sidaa Sool ku weydo Somaliland una diyaar garoobaan dib ugu noqoshada Muqdisho iyo in ay iyagoo wada jira goโ€™aan ku qaataan dagaal uu Isaaq u dhan yahay oo lagu soo qaado Sool iyo dhulbahante.

    Haday sidaa dhacdo waxaa suuragal noqon doonta in uu dagaalku balaarto waxaysan Isaaq ku talagalina halkaas kala kulmaan..

    Ismaaciil Cumar Geele oo fursad u arka arinta LC,ayaa ka faaโ€™iidi doona si uu Ceel dheer ugu rido Nabada Somaliya oo uu dib ugu celiyo Somalida halkii 32-Sano ka hor laga yimi.

    Tolow mar kale Somali Dowlad ma loogu soo dhisi doonaa Carta oo Carta-2 mala arki doonaa?

    Xukuumada Somaliya muxuu doorkeedu noqon doonaa,?

    Ma fiirsan doonaa Xasan Shiikh dagaal sokeeye oo dib uga qarxa Qabaaโ€™ilada Somaliyed dhexdooda ?

    Damaca Sxbkii Ina Geele ee Somaliya Gacan maku siin doonaa?

    Alloow ur u bixi.

    Jibriil Qoobey

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.