Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka: Ruushku waxa uu galay “dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada”
    Somalia

    Maraykanka: Ruushku waxa uu galay “dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 19, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maamulka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa kama dambeys caddeeyey in dalka Ruushku uu galay “dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada” intii lagu jiray duullaanka sanadka socday ee uu Ukraine ku qaaday, sida ay Sabtidii sheegtay madaxweyne kuxigeenka dalka Kamala Harris.

    Iyada oo ka hadlaysa Shirka Amniga ee Munich ayaa Harris oo horay u soo noqotay dacwad ooge ay tiri “xaaladaha falalka Ruushka ee Ukraine waxaan eegnay caddeymaha, waxaan ogaanay halbeegyada sharciga ah oo aan shaki ku jirin, in ay jiraan dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada.”

    Harris ayaa intaas raacisay “Waxaanan u sheegayaa dhammaan kuwa dambiyadan geystay iyo madaxdooda oo ku daawanaya, in lala xisaabtami doono.”

    Go’aankan rasmiga ah, kaas oo yimid ka dib eegis xagga sharciga ah oo ay sameysay Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanku, ayaanan wax raad degdeg ah ku keenin doonin dagaalka hadda socda.

    Hase yeeshee, Washington ayaa rajeynaysa in arrintan ay kaalin ka geysan karto sii go’doominta madaxweyne Vladimir Putin, isla markaana ay mideyn doonto dadaalada lagula xisaabtamayo xukuumaddiisa, marka ay noqoto maxkamadaha caalamiga ah iyo dhinaca cunaqabateynada.

    Hadalka Kamala Harris ayaa yimid xilli ay hogaamiyeyaasha dalalka reer Galbeedku ay ku kulmayaan magaalada Munich ee dalka Jarmalka si ay u qiimeeyaan xasaraddii ugu xumeyd ee Yurub ka dhacda ilaa Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garoowe & wafuud Sare oo la sugayo.

    June 7, 2026

    Xassan Shiikh oo weli hurinaya colaad, si loo fashiliyo daddaalada Beesha Caalamka.

    June 7, 2026

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garoowe & wafuud Sare oo la sugayo.

    Xassan Shiikh oo weli hurinaya colaad, si loo fashiliyo daddaalada Beesha Caalamka.

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.