Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka: Ruushku waxa uu galay “dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada”
    Somalia

    Maraykanka: Ruushku waxa uu galay “dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 19, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maamulka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa kama dambeys caddeeyey in dalka Ruushku uu galay “dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada” intii lagu jiray duullaanka sanadka socday ee uu Ukraine ku qaaday, sida ay Sabtidii sheegtay madaxweyne kuxigeenka dalka Kamala Harris.

    Iyada oo ka hadlaysa Shirka Amniga ee Munich ayaa Harris oo horay u soo noqotay dacwad ooge ay tiri “xaaladaha falalka Ruushka ee Ukraine waxaan eegnay caddeymaha, waxaan ogaanay halbeegyada sharciga ah oo aan shaki ku jirin, in ay jiraan dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada.”

    Harris ayaa intaas raacisay “Waxaanan u sheegayaa dhammaan kuwa dambiyadan geystay iyo madaxdooda oo ku daawanaya, in lala xisaabtami doono.”

    Go’aankan rasmiga ah, kaas oo yimid ka dib eegis xagga sharciga ah oo ay sameysay Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanku, ayaanan wax raad degdeg ah ku keenin doonin dagaalka hadda socda.

    Hase yeeshee, Washington ayaa rajeynaysa in arrintan ay kaalin ka geysan karto sii go’doominta madaxweyne Vladimir Putin, isla markaana ay mideyn doonto dadaalada lagula xisaabtamayo xukuumaddiisa, marka ay noqoto maxkamadaha caalamiga ah iyo dhinaca cunaqabateynada.

    Hadalka Kamala Harris ayaa yimid xilli ay hogaamiyeyaasha dalalka reer Galbeedku ay ku kulmayaan magaalada Munich ee dalka Jarmalka si ay u qiimeeyaan xasaraddii ugu xumeyd ee Yurub ka dhacda ilaa Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.