Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sheekh Shariif oo taageeray go’aanka Beesha Garxajis + Akhriso
    Somalia

    Sheekh Shariif oo taageeray go’aanka Beesha Garxajis + Akhriso

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 19, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynihii hore ee Dawladda Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa boggaadiyay go’aankii maanta kasoo baxay Isimadda Beelaha Garxajis, oo ay ku sheegeen in aysan qeyb ka aheyn duullaanka Muuse Biixi Cabdi uu ku qaaday Laascaanood iyo xasuuqa shacabka iyo haldoorka Dhulbahante.

    Akhriso qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.

    Maanta oo taariikhdu ay tahay 19-ka Feb. 2023 waxaan si buuxda u soo dhawaynayaa war-murtiyeedka ka soo baxay Salaadiinta, odayaasha iyo waxgaradka beesha Garxajis, waxaana bogaadinayaa goa’aannada iyo talooyinka ay soo jeediyeen.

    Go’aanada ka soobaxay beesha Garxajis waxay tusaale cad u yihiin in beelaha walaalaha ahi doonayaan inay nabad kuwada noolaadaan, sidaa awgeed waxaan ku kalsoonahay go’aanada iyo talooyinka ay beeshu soo jeedisay inay fursad siinayso nabadda iyo wada-noolaanshaha dadka walaalaha ah.

    Ugu dambayn, waxaan ugu baaqayaa dhinacyada ay qusayso inay maqlaan baaqa salaadiinta, odayaasha iyo waxgaradka beesha Garxajis, ayna baajiyaan daadashada dhiiga iyadoo lagu jiro bilaha xurmada leh ee diinteenu adkaysay xaaraantinnimada daadinta dhiigga qofka Muslimka ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garoowe & wafuud Sare oo la sugayo.

    June 7, 2026

    Xassan Shiikh oo weli hurinaya colaad, si loo fashiliyo daddaalada Beesha Caalamka.

    June 7, 2026

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garoowe & wafuud Sare oo la sugayo.

    Xassan Shiikh oo weli hurinaya colaad, si loo fashiliyo daddaalada Beesha Caalamka.

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.