Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxkamadda Ciidamada oo xabsi 15 sano ah ku xukuntay sarkaal gacansaar la lahaa Al-shabaab
    Somalia

    Maxkamadda Ciidamada oo xabsi 15 sano ah ku xukuntay sarkaal gacansaar la lahaa Al-shabaab

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 20, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa 15 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Cabdicasii Xuseen Nuur Mursal oo ah xiddigle ka tirsan ciidanka, isla markaana lagu helay inuu gacaan-saar la lahaa maleeshiyada Al-shabaab.

    Sida ay qortay warbaahinta dowladda, Cabdicasiis oo 63 jir ah oo laga soo qabtay gudaha wasaaradda Gaashaandhigga ayaa Al-shabaab u gudbin jiray xogta Ciidanka xoogga dalka.

    Sababata ku kalliftay inuu Al-shabaab la shaqeeyo ayaa lagu sheegay inay ka dambeysay markii ‘uu sheegtay darajada Gaashaanle Sare laakiin dowladdii Madaxweyne Farmaajo xilligii diiwaan-gelinta Ciidamada loo helay xidig sax ah’ taas oo uu ka carooday.

    “Caradii uu ka qaaday kedib waxa uu la xirtay Alshabaab, waxaana hay’adaha baarista Amniga iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ogaadeen in Xidigle CabdiCasiis Xuseen Nuur Musral yahay sarkaal xogaha saraakiisha, ciidanka iyo farsamooyinka kale ee dugsiga la wadaago Alshabaab.” sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

    Kiiska sarkaalkan ayaa dawcaddiisu soo socotay tan iyo 22-kii bishii hore ee January.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garoowe & wafuud Sare oo la sugayo.

    June 7, 2026

    Xassan Shiikh oo weli hurinaya colaad, si loo fashiliyo daddaalada Beesha Caalamka.

    June 7, 2026

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    June 5, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garoowe & wafuud Sare oo la sugayo.

    Xassan Shiikh oo weli hurinaya colaad, si loo fashiliyo daddaalada Beesha Caalamka.

    Qaramada midoobey oo shaacisay khasaaraha dagaalkii Muqdisho

    Faallo:-Xasan Shiikh,waa hogaamiye dagaal oo cusub

    Xoghayaha Guud Ee QM oo digniin culus kasoo saaray xaalka Somaliya

    Turkiga oo fashil uu ku yimid faragelinta uu ku sameeyay Xamar

    Faallo:-Si fudud,ayaa looga adkaanay Xasan Shiikh.!!

    Puntland iyo Jubaland oo Eeda dagaalka saaray Xasan Shiikh

    Ugu danbayn Denmark oo yeelatay Dowlad wadaag ah

    Maxay BC ka tiri dagaalka Xasan Shiikh ku qaaday Sh.Shariif iyo Khayre?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.